Ciidanka Booliska oo Xidhay Labba Suxufi oo ka Hawlgala Telefeshinka Bulsho TV .

0
Tuesday April 23, 2013 - 07:36:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska oo Xidhay Labba Suxufi oo ka Hawlgala Telefeshinka Bulsho TV .

    Hargeysa(xogreebnews- Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay labba Wariye oo ka hawlgala Talefeshinka Bulsho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews- Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay labba Wariye oo ka hawlgala Talefeshinka Bulsho
Ciidanka Booliska oo Xidhay Labba Suxufi oo ka Hawlgala Telefeshinka Bulsho TV .
Hargeysa(xogreebnews- Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay labba Wariye oo ka hawlgala Talefeshinka Bulsho TV, oo ka mid aha Warbaahinta ka hawlgasha Maglada Hargeysa, labada Suxufi ee la xidhay ayaa kala ahaa C/raxman Cabdilaahi (Fantaastig) iyo CabdiQani (Dawlad) labadan Suxufi ayaa ku xidhan Saldhiga dhexe ee maglada Hargeysa.
Mid ka Mid aha Suxufiyiinta Ka hawlagala Talefeeshinka Bulsho TV,ayaa noo sheegay in Suxufiyinta Qalabkii ay Siteen ay ka jajabiyeen Ciidamada Boolisku, kadiban ay Xidheen, Waxaanu noo sheegay in xadhiga suxufiyiintasi uu ka danbeyey Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, oo uu sheegay in Tiifigu ka baahiyey War ku saabsan wasarada oo ahaa in hawlaha wasaradu aanay sidii loo baahnaa anay u shaqaynin oo Albaabada Wasaradu iska xidhan yihiin.
Suxufigani waxaa uu noo sheegay in saaka suxufiyiinta wasarada looga yeedhay, kadiban askartii wasaradu ay xidhay Tacadina u geeysatay.
Waxaa isa soo Taraya Xadhiga iyo Tacadiyada ay ku hayso Xukumada Siilanyo, iyada oo Warbixin ay hore u soo sareen ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ay sheegen in Xukumada Siilanyo tahay Xukumaddii ugu xadhiga badnayd intii ay Somaliland jirtay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured