Shacabka Somaliland oo aragtiyo isku dhow ka bixiyey go’aankii madaxweyne Siilaanyo uu ku diiday ka qaybgalka shirka London

0
Monday April 22, 2013 - 19:11:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Somaliland oo aragtiyo isku dhow ka bixiyey go’aankii madaxweyne Siilaanyo uu ku diiday ka qaybgalka shirka London

    (xogreebnews-Hargeysa Dadweynaha Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii madaxweynuhu ku diiday inuu ka qaybgallo shirka loo qabanayo soomalidda ee magaaladda London bisha soo socota loogu qaban doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews-Hargeysa Dadweynaha Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii madaxweynuhu ku diiday inuu ka qaybgallo shirka loo qabanayo soomalidda ee magaaladda London bisha soo socota loogu qaban doono.
Shacabka Somaliland oo aragtiyo isku dhow ka bixiyey go’aankii madaxweyne Siilaanyo uu ku diiday ka qaybgalka shirka London
(xogreebnews-Hargeysa Dadweynaha Somaliland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii madaxweynuhu ku diiday inuu ka qaybgallo shirka loo qabanayo soomalidda ee magaaladda London bisha soo socota loogu qaban doono.

Maalmihii u dambeeyey ayaa dadweynuhu hadal hayeen kulankii uu la yeeshay madaxweynuhu Ra’isal wasaaraha Ingiirka David Cameron oo ka codsaday in uu ka soo qaybgallo shirka bisha May toddobadeedda ka qabsoomi doona magaaladda London oo arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey, haseyeeshee madaxweynuhu wuxu ku adkaystay go’aankiisii hore ee uu ku qaadacay ka qaybgalka shirkaasi.


“Madaxweynuhu may ahayn inuu dawladda Ingiriiska sidaas ula hadlo oo uu ka diido maadaama oo ay tahay dawladaha aduunka ugu tuga weyn, isla markaana Somaliland wax badan ka caawiso, waxayna ahayd inuu Ixtiraamo kulanka Ra’isal wasaaraha,maxaa yeelay wuxuu awoodaa inuu cuno qabatayn inagu soo rogo”sidaas waxa ku dooday Muxuyiiin Maxamed Jaamac.

Cabdiqani X. Cali ayaa isna sheegay inuu madaxweynuhu ku hagaagsanaa inuu diido,isla markaana uu muujiyo inuu dawlad yahay oo waxna diidi karo waxna ogolaan karo, “Horta waxaan u arkaa diidamadaasi uu madaxweynuhu ajandihii Ingiriis ku diiday in la inoo arko in aynu nahay dad sharaf leh, waxayna caalamka tusaynaa waxaynu nahay oo la inagu tixgalinayaa, marka inagoo tixgalinayna Ingiriiska hadana in aynu mawqifkeena ka hadalno waa wax loo baahan yahay oo aanu ku taageerayno madaxweynaha”

“Anigu waan ku taageersanahay go’aanka madaxweynaha, waayo madaxweynuhu wuxu muujiyey inuu la siman yahay, isla markaana aanu waxba dheerayn Ra’isal wasaaraha Ingiriisku, waxa kale oo iyana muhiim ah inuu madaxweynuhu Ingiriiska tuso inuu dawlad yahay oo shacab ka dambeeyo, wuxuna ogaan doono Ingiriisku in aynu nahay dad iyo dal jira, sidaa darteed aad baan ugu hambalyeeyey go’aankaasi uu Ra’isal wasaaraha horteedda ka muujiyey iyo sida aanu go’aankiisii hore waxba uga bedelin ”ayey tidhi Saynab Jaamac oo aragtideedda cabiraysa.

“Anigu madaxweynuhu talaabadda uu ku dhaqaaqay waan ku faraxsanahay waana ku dhiirigalinayaa, aad baan ugu faraxsay go’aanku qaatay iyo sida uu u fuliyey, marka madaxweynaha waxaan leeyahay guul baan ku rajaynaya inaad shacabkan ku doortay aad u hiiliso oo aanay cid ku ixtiraamin madaxbanaanidda Somaliland ”ayey tidhi Sahra Cali oo ah hooyo ku nool magaaladda Hargeysa.

“Horta Shirka waxa loo qabanayaa Soomaaliya oo dib loogu dhisayo hay’adihii dawliga ahaa ee ka burburay, sidaa darteed Somaliland way ku saxsan tahay inay diido maadaama oo ay sheegtay in Ayna soomaliya ka mid ahayn, inkastoo Ra’isal wasaaraha Ingiriisku doonayey inuu arrintiisa ka dhaadhiciyo madaxweynaha hadana maaha inuu ku ixitraamo wax masiirkiisa umaadeed taabanaya, waanu ku saxsanaa in aanu arrintaasi ogolaan, ta labaad Somaliland labaatankii sanadood horumar weyn bay gaadhay oo lama mid maaha soomaaliya”ayuu yidhi Mukhtaar Suldaan xuseen oo ah macalin wax ka dhiga college- yadda magaaladda Hargeysa ku yaal.

Maxamuud Xuseen Jawhar oo isna aragtisiisa cabireyey ayaa yidhi “ Haddii aanu madaxweynuhu go’aankaasi waxba ka bedelin oo Maraykanku wax ka bedelin ama Ingiriisku dib wax uga bedelin waxaan u arkaa mid guul ah oo uu shacabkan sharaftoodda uu xambaarsan yahay muujiyey, laakiin haddii uu go’aankaasi wax ka bedelo waxay ceeb ku tahay qarankan iyo mdaxweynaha, waxaan leeyahay ku adkayso go’aankaaga oo yaanay cidi wax kaa bedelin”

“ Talaabadan uu ku dhaqaaqayna waa tii lagu doortay oo ah inuu madax banaanidda iyo wixii qaranimadda wax u dhimayo ka ilaaliyo, Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Camaron wuxu wadatay ajande isaga u gaar ah, wuxuu doonayey inuu ka dhaadhiciyo arrin uu doonayey, laakiin in kulankaasi uu madaxweynuhu la kulmay Ra’isal wasaaraha Ingiriiska uu wax ka bedelo masiirkii qaranka maaha mid looga fadhiyo, madaxweynuhuna wuxu qaatay go’aan geesinimo leh” ayaa ku dooday Cabdiqaadir Axmed Cabdi (Cajab) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiga UCID.

Si kastaba ha ahaaatee, dadweynaha intoodda badan ayaa soo dhoweeyey go’aankii uu madaxweynuhu ku adkaystay in aanu ka qaybgalin shirka London ka dhici doonna, maadaama oo laga cabsi qabay inuu kulankii uu la yeeshay Ra’isal wasaaraaha Ingiriiska uu wax ka bedelo go’aankaasi, balse uu sheegay inuu ku adkaysanayo go’aankii uu hore u sheegay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured