Maamuladda Puntland Iyo Galmudug Oo Dagaal Madaafiic La Isku Adeegsaday Ku Dhexmareen Madaarka Magaaladda Gaalkacayo

0
Monday April 22, 2013 - 19:07:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamuladda Puntland Iyo Galmudug Oo Dagaal Madaafiic La Isku Adeegsaday Ku Dhexmareen Madaarka Magaaladda Gaalkacayo

    Gaalkacyo, April 22, 2013 (xogreebnews) — Dagaal Qadhaadh ayaa saaka ka dhexqarxay Maamuladda Somalia ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo saaka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaalkacyo, April 22, 2013 (xogreebnews) — Dagaal Qadhaadh ayaa saaka ka dhexqarxay Maamuladda Somalia ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo saaka
Maamuladda Puntland Iyo Galmudug Oo Dagaal Madaafiic La Isku Adeegsaday Ku Dhexmareen Madaarka Magaaladda Gaalkacayo
Gaalkacyo, April 22, 2013 (xogreebnews) — Dagaal Qadhaadh ayaa saaka ka dhexqarxay Maamuladda Somalia ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo saaka madaafiic badan isku weydaarsaday Madaarka Magaaladda Gaalkacyo, Dagaalkan oo ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee ay kala qeybsadeen labada maamul. Sida la sheegaayo Dagaalkan ayaa bilawdey ka dib markii maamulka Galmudug ay madaafiic ku weerareen Garoonka magaalada Gaalkacayo oo ku yaala Waqooyiga magaalada oo ay gacanta ku hayaan Maamulka Puntland.
Madaafiic kale oo jawaab u ah kuwa hore ayaa ciidamada maamulka Puntland ku rideen goobaha ay ku tuhmayeen in madaafiicda loga soo riday ee koonfurta magaalada magaalada Gaalkacyo.Goob joogayaal ayaa sheegaya in xiisada ka taagan magaalada iyo madaafiicda la isweydaarsaday ay xannibeeen dhammaan isu socodkii dadweynaha iyo gaadiidka ee magaalada. Sidoo kale waxa aan gebi ahaanba la furin ganacsigii ku yaalay badhtamaha magaalada. Dareen colaadeed ayaa ka jira magaalada marka la eego kacsanaanta nabadgelyada.
Maleeshiyada madaafiicda bilowday ayaa ka careysan dil shalay nin ay isku heyn yihiin ciidamada Puntland ugu geysteen garoonka dayuuradaha Gaalkacyo.Maamulka Galmudug ayaa ka cadheysan nin u dhashay Koonfurta Gaalkacayo oo shalay lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaas. Xiisada ka dhalatay dilkaas ayaa illaa shalay ka taagneyd labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo, taasoo saaka isku bedeshay gacan ka hadal iyadoo ay maamulka Galmudug hareeraha magaalada soo dhoobeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.
Markii ay saaka socotay duqeynta Garoonku ayaa waxa joogtay Dayuurad siday Jaad oo ka keentay magaalada Nairobi. Ilaa hadda lama oga cidda wax ku noqotay madaafiicdaas ku soo hoobaneysay Garoonka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured