Faysal Cali Waraabe Oo Kulamo Xasaasi Ah Diri-Dhaba Iyo Jig-Jiga Kula Yeeshay Madaxwaynaha Kililka 5-Aad Ee Ethiopia & Ugaaska Beesha Ciise Iyo Nuxurka Qodobaday Ka Wada-Hadleen

0
Monday April 22, 2013 - 19:03:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Kulamo Xasaasi Ah Diri-Dhaba Iyo Jig-Jiga Kula Yeeshay Madaxwaynaha Kililka 5-Aad Ee Ethiopia & Ugaaska Beesha Ciise Iyo Nuxurka Qodobaday Ka Wada-Hadleen

    Hargeysa, April 22, 2013 (xogreebnews-— Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo todabaadkan ku sugnaa Dalka Ethiopia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, April 22, 2013 (xogreebnews-— Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo todabaadkan ku sugnaa Dalka Ethiopia Faysal Cali Waraabe Oo Kulamo Xasaasi Ah Diri-Dhaba Iyo Jig-Jiga Kula Yeeshay Madaxwaynaha Kililka 5-Aad Ee Ethiopia & Ugaaska Beesha Ciise Iyo Nuxurka Qodobaday Ka Wada-Hadleen

Hargeysa, April 22, 2013 (xogreebnews-— Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo todabaadkan ku sugnaa Dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu Magaaladda Diri-dhaba kulan xasaasi ah uu kula yeeshay Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin, kaas oo uu kala hadlay inuu gacan ka gaysto sidii loo soo afjari lahaa khilaafka iyo tabashada beeshiisa ee ka taagan Saylac ee sababay in xildhibaano degmadaas ka tirsani ay is-casilaan.Sida ay Ilo wareedo looga qaateen sheegeen Madaxwayne Siilaanyo ayaa Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ka codsaday inuu Ergo ka galo arinta tabashada beesha Saylac oo wali taagan, kaas oo isaguna dhiniciisa markii uu ka soo noqday Magaalada Ankara ee uu kaga qaybgalay Wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia si toos ah uga soo dagay dalka Ethiopia, isla markaana halkaas kulamo mihiim ah kula yeeshay Ugaaska Beesha Ciise.Ilaa iyo hada tafaasiil dheeraad ah lagama hayo kulanka Magaalada Diri-dhaba ku dhexmaray Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, balse sida ay ilo wareedadaasi xuseen kulankaas ayaa ku dhamaaday qaab is-afgarad ah, isla markaana labada dhinac ayaa sida la sheegay u balamay kulamo kale oo ay iskugu yimaadaan.Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Xuseen ayaa shalay Magaaladda Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia kulan xasaasi ah kula yeeshay Madaxwaynaha Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iiley), kaas oo sida ay xogo laga helay kulankaasi tibaaxayaan ay ka wada hadleen xiisadaha mudooyinkii ugu danbeeyey ka taagnaa deegaanada Xarshin iyo Gaashaamo ee Kililka 5-aad, kuwaas oo sida la sheegay uu Faysal Cali Waraabe ka codsaday Madaxwayne Iiley inuu ku dadaalo isku soo dhawaynta beelaha wada dega Kililka Shanaad.Mar aanu isku daynay inaanu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe wax ka waydiino kulamada la sheegay inuu Jigjiga iyo Diri-dhaba kula yeeshay Madaxwaynaha Kililka Shanaad Cabdi Iiley iyo Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin ayaanay noo suurta galin, balse Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu maanta Duhurka soo gaadho Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured