Wasiirka Maaliyada S/Land Sheekh Samaale Miyaanu Aqoon meel aan ahayn Kastamka Kala-beydh iyo Gebilay inuu dhaqaale u raadiyo?

0
Tuesday March 12, 2013 - 08:19:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada S/Land Sheekh Samaale Miyaanu Aqoon meel aan ahayn Kastamka Kala-beydh iyo Gebilay inuu dhaqaale u raadiyo?

    - Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanba bahda warbaahinta somaliland waxanan ku salaamayaa, salaamta islaamka ee ah ‘ascw’. Ka dib waxaan doonayaa in aan waxogaa ka yara hadalo xukumada madxaweyne siilaanyo iyo aqoonxumada he

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

- Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanba bahda warbaahinta somaliland waxanan ku salaamayaa, salaamta islaamka ee ah ‘ascw’. Ka dib waxaan doonayaa in aan waxogaa ka yara hadalo xukumada madxaweyne siilaanyo iyo aqoonxumada heysta qaar ka tirsan wasiiradiisa ooy ugu horeeyaan, wasiir duur, wasiir samaale, iyo wasiir xirsi iyo ceynka aaney aqoon ugu laheyn mansabyada uu madaxweyne siilaanyo u xushey.

Wasiirka Maaliyada S/Land Sheekh Samaale Miyaanu Aqoon meel aan ahayn Kastamka Kala-beydh iyo Gebilay inuu dhaqaale u raadiyo?

Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanba bahda warbaahinta somaliland waxanan ku salaamayaa, salaamta islaamka ee ah ‘ascw’.

Ka dib waxaan doonayaa in aan waxogaa ka yara hadalo xukumada madxaweyne siilaanyo iyo aqoonxumada heysta qaar ka tirsan wasiiradiisa ooy ugu horeeyaan, wasiir duur, wasiir samaale, iyo wasiir xirsi iyo ceynka aaney aqoon ugu laheyn mansabyada uu madaxweyne siilaanyo u xushey.

Hadaba aan marka hore soo qaadano waa kuma ninka loo dhiibey wasaarada maaliyada somaliland oo ah meesha dhaqaalaha dalka hogaamisa ama laga hagaba, aqoonsae ma u leeyahey wasaaradaasi?

Wasiir c/ casiis samaale maahan nin leh aqoon maaliyadeed iyo mid maamul sida aan ilaa hada ka hayo aqoontiisa, mana ahan xitaa nin leh aqoon sare oo jaamacadeed marka laga tagi wayo in uu ahaa qof sida uu sheegtey gaadhey aqoonta dugsiyada sare, waxaana intaasi u raaca aqoonta diinta oo lafteeda lagu tilaamo in aanu aheyn nin waxa ku bartey jaamcada islaamka balse ahaa wadaad isagu xaga diinta iskii waxa isu barey.

Itaasi aan ku dhaafno aqoontiisa ayaa inagaga filan ayaan filayaa, balse waxaa cad in odey siilaanyo kula dulkufey xil aanu aqoonteeda laheyn, waana ta maanta sababtey in uu mudo halsano ah kolba ku laabto deegaanka gabiley iyo nawaxigeed ooaynu ogney dhaqaalo ahaan waxa ka yimaada ooy ugu weyntahey cashuurta jaadka oo isguna ah mid ummada dhibaato badan ku haya, taasi waxey cadeyneysaa in mr samaale aanu laheyn barmaamujsiyaasadeed ama aqoonteedii oo uu ku keeno fikircusub iyo wax ka badal habka dhaqaalo kordhinta dalka loo samaayeo balse wali uu garanyo oo kaliya jaadka ayaa la cashuuraa, lana yaabimaayo oo maahan nin curin kara fikir dhaqaale kordhin waayo malahan aqoonteeda balse waa laf jab ummada somaliland in ay wasaaradaha hogaamiyaan dad aan sameyn karin barmaamujka siyaasada wasaarada uu joogo.

Talaabadii u horeysey uu qaadey wasiirkan maaliyadu waxey aheyd in uu dhaqaale iyo cashuur ka raadiyo dad aan dawladu waxaba tarin amse aan laheyn dhaqaale ay helaan awood ahaan iyo dhul ahaanba iyo wax soosaar ahaanba iyo suuq ahaanba waxaana ka mid ahaa in uu isagu laftiisu tagey dhulka ugu saboolsan somaliland ee galbeedka somaliland oo xitaa aan laheyn ceelel ay biyo ka helaan ,balse leh dhul qalalan oo ah beer roobaad, uu ku yidhi waxaan rabaa in aad cashuur bixisaan, waa waxa lala yaabo nin gaajoonaya oo dawladu hadana cashuur ka rabto waxaanu socdaalkaasi sanadkii tagey badhtamahiisii ku tagey tuulooyin badan oo ah dhul abaaruhu daashadeen ooy ka mid ahaayeen galbeedka somaliland iyo barigaba, waxaaney aheyd waxyaalaha dadku is weydiinayaan dadkii la doonayey in noloshooda la badbaadiyo oo hadana cashuur loo doontey, tani waxey ku tuseysaa sida uu wasiirku uga liito hanaanaka wasaarada maaliyada iyo siyaasada dhaqaalaha, waana waxa lala yaabaa in uu wasiirku dalkii dhamaa moodo gabiley iyo kastamkakalabeydh uu marwalba u doonto dhaqaale halkii uu ku soo kordhinlahaa dakhli kale oo dalka ku soo kordha iyo waliba baahiyaha dhulkaasi ka jira oo hadana waxii soo gala sheebka lagu soo shubto ayaa hadana waxa uu wasiirku sheegaa in uu wax soo kordhiyey waa wax lala yaabo.

Talaabdan uu wasiirku marwalba isku dayo in uu is yidhaado magaca ku raadso ayaa wax kale oo wasiirka maskaxdiisa ku jirta in layidhaado waxaad ka fiicantey ijineerkii maxamed xaashi balse malahan barmaamuj kale oo intaasi dhaafsiisan ayaan odhankaraa, waxaa intaasi sii dheer oo wasiirka lagu eedeynayaa in uu xitaa lacag farabadan si dadbana u leexsadey, isgoo ooy ugu danbeyse casuumadahii uu ku qabtey huteelka mansoor ee uu lahaa waxaan la tartamayaa muuse biixi, iyo waliba isgoo raadinya taariikh si magaciisu uu u soo baxo isgoo ay u dheertahey in uu jeebka ka buuxsado xoolo xaaran ah oo ah xatooye xoolo dadweyne waxse la yaab ah hantidii ummada miyaa la boobayaa odey siilaanyo ma la ogyahey xisaab la ‘aanta hantida ummada ee huteelada sida cad loogu qeybinaayo hadiise taasi jirto maxaa ummada beenta loogu sheegayaa ee loo leeyahey waxbaan qabneyn hadii nin kii jeebka buuxsada lagu barbar taaganyey/? XOGREEBNEWS.COM

WAR-QABAD HARGEYSA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured