Nalama Ictiraafin Laakiin Waxaanu Haynaa Raasamaal Iyo Dawladnimo Ayaynu Haynaa Raandhiis Leh, Somalia-na Ictiraaf Ammaah Ah Ayey Haystaan”C/Laahi Cukuse

0
Monday April 22, 2013 - 08:11:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nalama Ictiraafin Laakiin Waxaanu Haynaa Raasamaal Iyo Dawladnimo Ayaynu Haynaa Raandhiis Leh, Somalia-na Ictiraaf Ammaah Ah Ayey Haystaan”C/Laahi Cukuse

    Hargeysa, April 21, 2013 (xogreebnews.com Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia, waxaanu tilmaamay inay Somalia ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, April 21, 2013 (xogreebnews.com Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia, waxaanu tilmaamay inay Somalia haystaan Ictiraaf amaah ah, halka Somaliland-na ay ku tun-tuunsatay dawladnimo Nalama Ictiraafin Laakiin Waxaanu Haynaa Raasamaal Iyo Dawladnimo Ayaynu Haynaa Raandhiis Leh, Somalia-na Ictiraaf Ammaah Ah Ayey Haystaan”C/Laahi Cukuse
Hargeysa, April 21, 2013 (xogreebnews.comWasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia, waxaanu tilmaamay inay Somalia haystaan Ictiraaf amaah ah, halka Somaliland-na ay ku tun-tuunsatay dawladnimo raasamaal leh.Wasiir Cukuse waxa uu sidaasi ka sheegay kulan qado sharaf ah oo Maanta Madaxtooyadu Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ugu samaysay in ka badan 70 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta, kaasi oo lagu faaqiday sida loo sii xoojin lahaa in saxaafaddu ay taageerto qaranimadda iyo himilooyinka qaranku hiigsanayo.Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta C/laahi Cukuse isaga oo ka hadlayay ujeedada kulankaasi waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego ujeedada kulankan aynu u qabanay horta Saxaafadda iyo Fanaaniintu meel ayay wax ka yara wadaagaan.Anigu in badan baan labadaba soo ahaayoo labadaba haddii la yidhaahdo waan ku casuunay shaki ayaa gala, waan ku casuumay mahadsanid uun baa ku xigta. Shaki inaad is geliso ma aha bacdaasi waa bac saxaafadda oo qudha ku kooban. Anigu haddii aan ku casuumo waan ku sharfay, waan kuu yeedhay xaqna waad iigu lahayd. Waynu isku nimid labadeenuba waynu is gacan qaadaynaa innagoo is jecel ayaynu wada qadaynaynaa waynu iska tagaynaa. Markaa maxaa bacdan keenay?”Wasiir Ku xigeenka warfaafinta oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Ta labaad Saxaafadda waan u mahad naqayaa, waxaanan ugu mahad naqayaa inay duruufteena la da’yihiin. Saxaafadda koriinkeedu Somaliland buu la da’yahay. Inkasta oo aad ogtihiin inay waxaynu qorayno ee aynu sii daynayno cabasho badani ka timaado oo marar badan aad maqashaan dadkeena oo leh Saxaafadda yaa naga qabta?. Haddan a dedaal badan bay saxaafaddu halkan ku soo gaadhay oo waan ku bogaadinayaa, wuuse iska jiraa mid mid xayraan ah oo innagu dhex jiraa.”Cukuse isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Somaliland oo uu Axmed Maxamed Maxamuud (SIIlaanyo) Hoggaaminayo muxuu ku soo kordhiyay muddo laba sano iyo dheeraad ah, waa taas inaynu taas isha saarno oo toosh ku qabanyo muxuu soo kordhiyay?, iyadoo wixii ugu weynaa ee aynu doonaynay aqoonsi buu ahaaye’ halka uu soo gaadhsiiyay waa inaynu tooshka ku qabano ayaa ka wanaagsan inaad tooshka ku qabato cidhbaheenna, gondaheena iyo xaafadaheena,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka warfaafinta.Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir waxa uu is bar-bar dhigay heerarka kala duwan ee ay kala taagan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Maanta innaga iyo Soomaaliya muxuu ahaa farqiga u dhaxeeya labada madaxweyne, labada madaxweyne Mid Soomaaliya ayaa la yidhaahdaa marka uu diyaaradda fuulo ee uu dal kale la kulmo wuxuu la kulmaa maqaam madaxweyne waana la aqoonsan yahay saacadaas wuu qoslaa, wuxuu murugoodaa oo madoobaadaa marka uu Muqdisho ka soo dego waayo waxa uu garanayaa meeshaas inaanu dal dhisan iyo dawlad dhisani ka sii horayn.Madaxweynaheenuna (Somaliland) waxa uu duulaa isagoo faraxsan , waxaanu soo degaa isagoo faraxsan oo og inuu dal dhisan iyo dad dhisan uu u imanayo faraqa inoo dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya waa kaasi”Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Nalama Ictiraafin laakiin waxaanu haynaa raasamaal iyo dawladnimo ayaynu haynaa raandhiis leh, iyagana (Soomaaliya) waa la ictiraafay, ictiraafkaasi ayay hayaan oo ammaah ah. Waxay ila tahay tartan imika kuma jirno labadeena dhinac waxase aynu nahay laba dal oo walaalo ah oo danina ka dhaxayso, waan u ducaynaynaa Soomaaliya inay raasamaalkaas dawladnimo gaadhaan”.Wasiir Ku xigeenku waxa uu sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu yahay Hoggaamiyihii u horeeyay ee Somaliland ee gaadha,kulanna la yeesha Raysal wasaareyaasha Britain iyo Turkiga, waxaanu yidhi “Waa Madaxweynaha soo dhaweeyay inuu qalin la saxeexdo madaxweyne Soomaaliya ah oo u ogol inay yihiin laba Madaxweyne oo siman. Markaa soo ma aha inaynu ku ixtiraamno oo aynu shiidka ka dayno saxaafad ahaan marka uu baxo soo ma aha? Waxaan leeyahay saxaafadda inanka askariga ah ee xuduuda jooga ayaad la mid tihiin. Waxaana la idinka doonayaa inaad qalinka ku difaacdaan Qaranimadeen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured