Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo lagu toogtay Muqdisho

0
Monday April 22, 2013 - 08:06:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo lagu toogtay Muqdisho

    Muqdisho(xogreebnews- Allaha unaxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo katirsanaa warbaahinta qaranka Somaliya gaar ahaan SNTV Iyo Radio muqdisho ayaa shalay galab rag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews- Allaha unaxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo katirsanaa warbaahinta qaranka Somaliya gaar ahaan SNTV Iyo Radio muqdisho ayaa shalay galab rag Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo lagu toogtay Muqdisho
Muqdisho(xogreebnews- Allaha unaxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo katirsanaa warbaahinta qaranka Somaliya gaar ahaan SNTV Iyo Radio muqdisho ayaa shalay galab rag hubeysani ku toogteen afaafka hore ee Gurigiisa oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir xili uu fadhiyay.Wariyaha la toogtay ayaa ka rawaxay xarunta wasaaradda warfaafinta, boostada, Isgaadhsiinta, iyo Gaadiidka waxaana dhawr xabadood madaxa iyo feedhaha kaga dhuftay 2 nin oo Bastoolado ku hubeysnaa kuwaasoo baxsaday.Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowlada iyo saldhiga Booliska degmada Uu falkan ka dhacay hase yeeshee waxaa sanadahan danbe ugaadhsi xoog leh ku hayay warbaahinta Ka howlgasha Somaliya Maleeshiyada Al-Shabaab iyadoo degmada wadajirna lagu dilay inkabadan 6 Saxafi oo Aan ilaa hadda cid loosoo qabtay aan lashaacin marka laga reebo baadhitaan ay xukuumaddu sheegtay in lagu hayo kiisaskaasi qaar kamid ahna lahelay xogtooda.Marxuumka oo mudo kasoo shaqeynayay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha Somaliya Waqtiyadii burburka ayaa waxa uu 2 sanadood kahor kusoo biiray warabaahinta qaranka isagoo ahaa Wakiilka dalka Uganda oo uu mudo jaamacad ka dhiganayay. Haseyeeshee Somaliya u soo wareegay labadii sano ee ugu danbeeyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured