Dawladda Holland oo Hadraawi guddoonsiisay Abaal marin Caalami

0
Thursday April 18, 2013 - 19:19:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Holland oo Hadraawi guddoonsiisay Abaal marin Caalami

    Hargeysa(xogreebnews- Dan-jire ka socda Dalka Holland ayaa xalay Hargeysa munaasibad loo qabtay ku guddoonsiiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Abaal Marin Caalami ah oo ay boqorada Dalkaasi sanad walba guddoonsiiso shakhsiyaadka Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews- Dan-jire ka socda Dalka Holland ayaa xalay Hargeysa munaasibad loo qabtay ku guddoonsiiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Abaal Marin Caalami ah oo ay boqorada Dalkaasi sanad walba guddoonsiiso shakhsiyaadka Caalamka wax ku soo kordhiya Suugaanta iyo Horumarka.
Dawladda Holland oo Hadraawi guddoonsiisay Abaal marin Caalami ah

Hargeysa(xogreebnews- Dan-jire ka socda Dalka Holland ayaa xalay Hargeysa munaasibad loo qabtay ku guddoonsiiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Abaal Marin Caalami ah oo ay boqorada Dalkaasi sanad walba guddoonsiiso shakhsiyaadka Caalamka wax ku soo kordhiya Suugaanta iyo Horumarka.

Abwaan Hadraawi oo ka hadlay Abaal marin taasi ayaa yidhi “Boqorada Hollan ayaa baal marin ii soo dirtay, ma garanayo sida ay ku soo heshay warkayga laakiin Abaal marinta mar hore ayaa la igu wargeliyay, oo waxa ka mid ahayd lacag cadaan ah oo ($2500,000) oo mar hore I soo gaadhay.”
Waxa uu sii raaciyay isagoo sharaxaya sababta uu ku mutaystay “Waxa aan filayaa uun kolay Suugaantayda meel kasta way ka heleen oo waxa faafiyay warbaahinta iyo Dalkayga, waanan ku faraxsanahay in Dadkayga dhexdiisa la igu siiyo abaal marinta oo aan ku faanayo.” Ayuu yidhi
Xaflad balaadhan ayaa xalay loogu qabtay Huteelka Ambasador xafladda lagu guddoonsiinayay Abwaana Hadraawi Abaal marintaasi, waxaana ka soo qayba galay dad lagu qiyaasay laba boqol oo qof oo isugu jiray Siyaasiyiin, Suugaan yahano iyo marti-sharaf kale oo meelo kala duwan uga timi xafladaasi


Abaal marintan ayaa ah mid sanad walba la siiyo dadyaw kala duwan ,sanadkana waxa helay dad dunida ku soo kordhiyay Horumar iyo Suugaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured