Dadka Soo Abaabulaya Haweenka Waxaanu leenahay, Waa Ceeb in Salaadiinta laga Dabba Hadlo, Shirka Beesha Waxaa Qaban kara uun Suldaanka Guud iyo Salaadiinta kale.

0
Thursday April 18, 2013 - 19:12:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Soo Abaabulaya Haweenka Waxaanu leenahay, Waa Ceeb in Salaadiinta laga Dabba Hadlo, Shirka Beesha Waxaa Qaban kara uun Suldaanka Guud iyo Salaadiinta kale.

    Hargaysa(xogreebnews.com Cuqaasha iyo Aqoon yahanada Beeesha Galbeedka Iyo Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa Tageeray Shirka ay hore ugu dhawaaqeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com Cuqaasha iyo Aqoon yahanada Beeesha Galbeedka Iyo Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa Tageeray Shirka ay hore ugu dhawaaqeen
Dadka Soo Abaabulaya Haweenka Waxaanu leenahay, Waa Ceeb in Salaadiinta laga Dabba Hadlo, Shirka Beesha Waxaa Qaban kara uun Suldaanka Guud iyo Salaadiinta kale.
Hargaysa(xogreebnews.com Cuqaasha iyo Aqoon yahanada Beeesha Galbeedka Iyo Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa Tageeray Shirka ay hore ugu dhawaaqeen Salaadiinta Beesha Sacad Muuse, Waxaayna Sheegen in Go’aanka Salaadiinta Ay ayidsan yihiin oo ay garab tagan yihiin.
Cuqaashan oo u badnaa Chief Caaqilo ayaa waxaa kale oo nasiib darro ku tilmaamen Kulan ay Haweenka Beeshoodu ku qabteen Hotel Maansoor, Waxaayna Dhaleceyeen cidii Haweenkaasi soo Abaabushay.
Cuqaashan ayaa Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hutel Taaj ee maglada Hargeysa, Waxaana Chief Caaqiladii halkaasi ka hadlay ka mid ah Caaqil Axmed Faarax Meegar.Caaqil Maxamed Cabdi Dhakaar, Caaqil Caydiid Xaaji Yuusuf, Caaqil cumar Maxamuud Sareeye, Caaqil Cumar Maxamed Xuseen, Caaqil Cabdilaahi Raage, Waxaayna Dhammaantood Iska daba mareen Sidda ay u taageersan yihiin Bayaankii ka soo Baxay Salaadiinta beeshooda, iyaga oo siyaasiyiinta beeshasi ugu baaqay in ay Faraha kala baxaan Arrimaha ay u xilsaaran yihiin Salaadiintu lana Joojiyo Shirarka laga Danbeeyo ee la soo Abaabulo, oo ay sheegen in Beesha ay kala Fogaynayaan.
Caaqil Axmed Faarax Meegar. Iyo Caaqil Maxamed Cabdi Dhakaar oo ugu horeyan Halkaasi ka hadlay ayaa talooyin u soo jeediyey oo ay ku tilmaameen in ay wax ka tarayaan kala qayb-sanaan siyaasadeed oo ay sheegaan in ay beesha soo kale dhex-gashay , iyaga oo soo jeediyey in waxii talo ah loo daayo waxgaradka beesha.
Waxaa kale oo ay dhaliileen shir ay dhawaan haweeen ka tirsan beeshu ku qabteen Hargeysa oo ay kaga hadleen arrimo ku saabsan beesha , kaasi oo ay madax-dhaqameedku sheegeen in beeshu leedahay odayaal iyo wax garad ka talin kara arrimaha beesha iyo aayaheeda dambe.
Caaqil Caydiid Xaaji Yuusuf, Caaqil cumar Maxamuud Sareeye, oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay shirkoodan aanay cidna ku dhibaataynayn ee ay kaga tashanayaan aayaha beeshooda isla markaana tilmaamay inay beeshu leedahay salaadiin iyo cuqaal aayahooda katalin kara shaqadana la kala leeyahay.
Caaqil Cumar Maxamed Xuseen, Caaqil Cabdilaahi Raage, oo iyaguna kulankasi Ka hadlay ayaa Hoosta ka xariiqay in Beesha Sacad muuse ay shir weyne qabsan karto oo laga tashanayo Ayaha beesha, balse Cid qabanaysaa ay tahay Madaxdhaqameedka beesha oo uu ugu horeyo suldaanka Guud ee Beeshu, Waxaayna Dhaleceeyen Cid Xagal Daaca ku wadda Shirka Beesha, oo ay xusen in ay jiran Aad Kolba meelahaasi ka hadla oo sheegta waxaanay ahayn oo yidhada Shir ayaanu qabanaynaa, waxaanu u sheegayna cid Shirkaasi Iclaamisay waa suldaanka Guud ee iyo salaadiinteen kale Cid kale oo ka dabbo hadli karta ma jirto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured