Madaxtooyadda Somaliland oo War-saxaafadeed ka soo saartay Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0
Thursday April 18, 2013 - 07:51:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda Somaliland oo War-saxaafadeed ka soo saartay Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska

    Hargeysa(xogreebnews- Madaxtooyadda Somaliland ayaa goor dhaweyd soo saartay Warap-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan kulan galabta ka dhacay Xafiiska Raysal wasaaraha Ingiriiska David Caameron 10 Down Street oo uu kula kulmay Madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews- Madaxtooyadda Somaliland ayaa goor dhaweyd soo saartay Warap-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan kulan galabta ka dhacay Xafiiska Raysal wasaaraha Ingiriiska David Caameron 10 Down Street oo uu kula kulmay Madaxweyne Siilaanyo
Madaxtooyadda Somaliland oo War-saxaafadeed ka soo saartay Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska

Hargeysa(xogreebnews- Madaxtooyadda Somaliland ayaa goor dhaweyd soo saartay Warap-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaanoo so gadhay xogreebnews- kulan galabta ka dhacay Xafiiska Raysal wasaaraha Ingiriiska David Caameron 10 Down Street oo uu kula kulmay Madaxweyne Siilaanyo
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Raisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.
Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, hour-marka iyo dhaqaalaha.
David Cameron oo isma madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba,
Sidoo kale waxa uu raisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Somaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday raisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.
Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.
1. Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar
2. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
3. Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale,
Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey
1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured