“Dawlada Ingiriiska waxaanu ka wada hadalnay amaanka Madaarada wadanka, waxaanan ku qancinay inay Madaaradda Somaliland amaan yihiin oo aanay wax nabad-gelyo daro ahi ka jirin”ayuu yidhi. Maxamuud Xaashi Cabdi oo Warbaahinta shalay ugu waramay Madaarka Hargeysa, waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo Mashruucii Dib u dhiska Madaarka Hargeysa oo qorshuhu ahaa inuu 15 Bishan dhamaado, waxaanu sheegay in dib u dhiska Madaarka la dhamaystiri doono badhtamaha Bisha April ee sanadkan, Qurba-jooga wadankana ay ugu bushaaraynayaan inay Xagaaga soo socda ka soo degi doonaan , waxaanu yidhi ” hawsha dib u dhiska Madaaraddu waxay maraysaa meel fiican, madaarka Hargeysa oo hawshiisu ugu balaadhantahay todobaadka dambe ayaanu bilaabaynaa in la dhigo Layarkii ugu horeeyay ee Run-wayga oo ah hawsha ugu balaadhan, waxaanay qaadanaysaa ilaa labaatan maalmood iyo wax ku dhaw, waxaanan ku rejo waynahay inuu soo gabagaboobo bisha April”ayuu yidhi. mar uu ka waramayay sababta keenta dib u dhaca ku yimi dhismaha Madaarka waxa uu yidhi ” dib u dhaca waxa keenay waxa weeye dhamaan waxyaabaha Run-weyga lagu dhisayo waxa lagu soo tijaabiyaa wadanka Itoobiya haday dhagax tahay, haday ciid tahay iyo haday shay kale tahayba, waxaana sabab u ah Tayo baadhis la’aan, ama qalabkii tayooyinka lagu baadhayay oo aan wadanka Oolin, laakiinse waxaan ku rejo waynahay inuu bisha april dhamaanayo Madaarka Hargeysa, iyadoo aan aaminsanahay in Madaarka Berbera oo isagan hawshan oo kale laga wadaa ka hor dhamaan karo”ayuu yidhi. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sidoo kale sheegay inuu meel fiican marayo Madaarka Burco oo isagana ay hawshiisa dhawaan bilaabeen isagoo ku dooday inay xukuumad ahaan ka go’aantahay dhamaystirka qabyada iyo Dayaca Madaaradda Somaliland oo uu sheegay in wax badan laga qabtay intii uu wasaaradda Duulista joogay.

0
Sunday March 10, 2013 - 20:46:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    mar uu ka waramayay sababta keenta dib u dhaca ku yimi dhismaha Madaarka waxa uu yidhi ” dib u dhaca waxa keenay waxa weeye dhamaan waxyaabaha Run-weyga lagu dhisayo waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

mar uu ka waramayay sababta keenta dib u dhaca ku yimi dhismaha Madaarka waxa uu yidhi ” dib u dhaca waxa keenay waxa weeye dhamaan waxyaabaha Run-weyga lagu dhisayo waxa

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay kulan ay todobaadkii hore Magaalada Addis ku yeesheen Safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhiya Dalka Itoobiya, kaasoo uu cadeeyay inay ka wada hadleen arimo ku saabsan amaanka Madaaradda Somaliland.

“Dawlada Ingiriiska waxaanu ka wada hadalnay amaanka Madaarada wadanka, waxaanan ku qancinay inay Madaaradda Somaliland amaan yihiin oo aanay wax nabad-gelyo daro ahi ka jirin”ayuu yidhi.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo Warbaahinta shalay ugu waramay Madaarka Hargeysa, waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo Mashruucii Dib u dhiska Madaarka Hargeysa oo qorshuhu ahaa inuu 15 Bishan dhamaado, waxaanu sheegay in dib u dhiska Madaarka la dhamaystiri doono badhtamaha Bisha April ee sanadkan, Qurba-jooga wadankana ay ugu bushaaraynayaan inay Xagaaga soo socda ka soo degi doonaan , waxaanu yidhi ” hawsha dib u dhiska Madaaraddu waxay maraysaa meel fiican, madaarka Hargeysa oo hawshiisu ugu balaadhantahay todobaadka dambe ayaanu bilaabaynaa in la dhigo Layarkii ugu horeeyay ee Run-wayga oo ah hawsha ugu balaadhan, waxaanay qaadanaysaa ilaa labaatan maalmood iyo wax ku dhaw, waxaanan ku rejo waynahay inuu soo gabagaboobo bisha April”ayuu yidhi.

mar uu ka waramayay sababta keenta dib u dhaca ku yimi dhismaha Madaarka waxa uu yidhi ” dib u dhaca waxa keenay waxa weeye dhamaan waxyaabaha Run-weyga lagu dhisayo waxa lagu soo tijaabiyaa wadanka Itoobiya haday dhagax tahay, haday ciid tahay iyo haday shay kale tahayba, waxaana sabab u ah Tayo baadhis la’aan, ama qalabkii tayooyinka lagu baadhayay oo aan wadanka Oolin, laakiinse waxaan ku rejo waynahay inuu bisha april dhamaanayo Madaarka Hargeysa, iyadoo aan aaminsanahay in Madaarka Berbera oo isagan hawshan oo kale laga wadaa ka hor dhamaan karo”ayuu yidhi.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sidoo kale sheegay inuu meel fiican marayo Madaarka Burco oo isagana ay hawshiisa dhawaan bilaabeen isagoo ku dooday inay xukuumad ahaan ka go’aantahay dhamaystirka qabyada iyo Dayaca Madaaradda Somaliland oo uu sheegay in wax badan laga qabtay intii uu wasaaradda Duulista joogay.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured