Wasiirka Arrimaha Gudaha oo nasiib darro caadifadaysnayd ku tilmaamay Weerarkii Maleeshiyo beeleed ku qabsatay Jeelka Caynaba

0
Wednesday April 17, 2013 - 16:04:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo nasiib darro caadifadaysnayd ku tilmaamay Weerarkii Maleeshiyo beeleed ku qabsatay Jeelka Caynaba

    duur Waxa uu meesha ka saaray in weerarkaasi ku socday saraakiisha Sahanka Shiidaalka ka wada deegaankaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

duur Waxa uu meesha ka saaray in weerarkaasi ku socday saraakiisha Sahanka Shiidaalka ka wada deegaankaasi Wasiirka Arrimaha Gudaha oo nasiib darro caadifadaysnayd ku tilmaamay Weerarkii Maleeshiyo beeleed ku qabsatay Jeelka Caynaba

duur Waxa uu meesha ka saaray in weerarkaasi ku socday saraakiisha Sahanka Shiidaalka ka wada deegaankaasi

Hargeysa(xogreebnews-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur ayaa xalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay maleeshiyo soo weerartay xabsiga magaaladda Caynaba inay ku dileen Taliyihii Sirdoonka Gobolka, Taliye ku-xigeenkii Xabsiga iyo Askar Asluubta ahna ku dhaawaceen.


Sidoo kale waxa uu wasiir Duur sheegay kooxdaasi inay xabsiga gudaha u gashay oo ay kala baxeen laba Maxbuus oo ay isku hayb yihiin kuwaas oo xabsiga ugu xidhnaa arrin la xidhiidha dhinaca Amniga oo dhex martay laba beelood oo dhul beereed ku muransan.



Wasiir Duur isagoo dhacdadaas uga xog waramaya saxaafadda waxa uu yidhi “Waxa caynaba ka dhacay fal keenay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii dad shicib ah oo hubaysani xabsi ku yaala magaaladda caynaba, magaaladda Caynaba ayay dad hubaysan oo qiyaastii ilaa dhawr iyo konton qof waxay la baxeen laba maxbuus oo ay isku hayb yihiin, wax weynba umay xidhnayn labada nine e waxay ahayd afar qof oo isku deegaan ah oo dhul beereed ku murmay ayay ahayd, waxay doonayeen inay labadaas xubnood la baxaan waanay la baxeen.”

Waxaanu raaciyay “Weerarkaasi waxa ku geeriyooday Taliyihi Gobolka Axmed Caydiid oo markii ay rasaastu dhacday goobta gaadhay, waxa kale oo dhaawac may Taliye ku-xigeenkii Xabsiga iyo Askari kale oo shaqaaqada ayaa ilaa galabtii iska taagnayd.” Ayuu yidhi

Mar uu ka hadlayay xabsiga la weeraray waxa uu yidhi “Xabsigu waa Xabsi yar Ciidanka Asluubta ee joogayna may ahayn kuwo badan, laakiin nasiin wanaag waxa joogay Ciidanka Birmadka oo hawlaha shiidaalka halkaas u joogay waxaanay ku qabteen lix iyo labaatan qof, Hubkii ay siteen iyo gaadhi Surf ah oo kuwii loo adeegsaday falkaas ah.” Ayuu yidhi

Dadka falkaas geystay mabay sugin waxa falkaas ka dhalanaya, may eegin nasiib darro ayaa dhacday, caadifadu dhibtaas bay keenaysaa, waxaanu balanqaadaynaa in Sharciga la horkeeni doono kuwa la hayo, kuwii baxsadayna Ciidanku soo qab qaban doono.” Ayuu raaciyay

Isagoo daadifaynaya warar sheegaya weerarkani inuu ku socday wefti Kambaniga Shiidaalka qodaya oo ku sugnaa goob u dhaw xabsiga la weeraray waxa uu yidhi “Waxa aad loo buun buuniyay in arrinakani la xidhiidhay shiidaalka waxaan bulshada u sheegayaa in aanay ais khusayn waxa goobta ku sugnaa wafti ka socday Shirkada shiidaalka iyo Ciidamadii ilaalinayay, wax iska khuseeyayna muu jirin oo waxay u socdeen shir halkaasi ay ku lahaayeen, dadkan weerarka fuliyayna waxay u socdeen uun nimankaas ay isku haybta yihiin.”

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaan mar kale ku celinayaa labada arrimood inaanay is khusaynin haddii ay doonayeen shiidaalka inay wax yeeleeyaan way ogaayeen shirka meesha ka socdaye toos ay u abaari lahaayeen waad ogtihiinoo caynaba waa magaalo yar ismay qariseen laakiin ujeedada dadka weerarka geystay waxay ahayd uun labadaas qof inay la baxaan” ayuu kaga baxay

Hase yeeshee sida ay waaheen ku heshay warar hoose oo la xidhiidha weftiga Wasiirku sheegayo eek u sugnaa Caynaba waxa isla markii uu falku dhacayba ay u soo baxeen dhinaca Hargeysa iyagoo ka soo cararay dhacdadaasi oo argagax ku keentay maadaama sida Wasiirku sheegayo magaaladda caynaba ay yar tahay isla markaana goobta falku ka dhacay iyo goobta shirku ka socday ay aad isugu dhawaayeen.

Ilaa hada waxa wali taagan cabashooyinkii dadka deegaanku ka muujiyeen saami qayabsiga shaqo ee sahanka shiidaalka walina xal Xukuumaddu kamay gaadhin arrintaasi, wasiirka Arrimaha guduhuna muu sheegin wadahadalkii meesha ka socday ee ay Shirkaddu waday halka uu ku dhamaaday. Marka laga reebo Digreeto sii cadho galisay oo madaxweyne Siilaanyo u diray markii uu dalka ka dhiifayay

Si kasta ha ahataee waxa Xukuumadda Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha gudahaba looga fadhiyaa maadaama dadkaasi dhibaatada intaa leeg u gaysteen laba qof oo xidhan waxa ka iman kara Mashruuca intaas lee gee xalka loo la yahay sidii dadka looga qancin lahaa Quudka ay ka Hunguraynayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured