Muniirka Somaliland today lehi Wuxuu Shaqo Ka Dhigtay Aflagaadada Xubno Ka mid ah Wasiirada iyo Ganacsatada Dalka. Qormadii 2 aad:

0
Tuesday April 16, 2013 - 21:23:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muniirka Somaliland today lehi Wuxuu Shaqo Ka Dhigtay Aflagaadada Xubno Ka mid ah Wasiirada iyo Ganacsatada Dalka. Qormadii 2 aad:

    Aduunka waxaa ka xadhaa waa taariikh, taariikhduna waa ma guuraan oo waa waxa ku raacaya, markaa hadii aad tahay qof wanaagsan oo cadaali ah iyo hadaad tahay qof xun oo ku can baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunka waxaa ka xadhaa waa taariikh, taariikhduna waa ma guuraan oo waa waxa ku raacaya, markaa hadii aad tahay qof wanaagsan oo cadaali ah iyo hadaad tahay qof xun oo ku can baxay

Aduunka waxaa ka xadhaa waa taariikh, taariikhduna waa ma guuraan oo waa waxa ku raacaya, markaa hadii aad tahay qof wanaagsan oo cadaali ah iyo hadaad tahay qof xun oo ku can baxay cadaalad daro,eex iyo qabyaalad intaba wey ku raacaysa.

Hadaba hadaan u soo noqdo dulucda qormadaydan waxaa dhawaanahan ku soo baxayay wargeyska Somaliland today oo uu leeyahay wiilka Muniir lagu magacaabo warar lidu ku ah qaar ka mid ah ganacsatada dalka iyo weliba qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Somaliland. Wiilka yar ayaa waxa uu ku tilaamay wasiir ka tirsan wasiirada Somaliland oo aan ku cusbayn xilka dawladnimo balse ilaa xukuumadii Madaxweyne Cigaal ahaa xildhibaan golaha wakiilada ah, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanada ugu firfircoon golaha wakiilada , hadaba mudo dheer ku maqnaa wadamada qurbaha oo aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leh hanaanka dawladnimo iyo sida loola macaamilo dawladaha caalamka isla markaana aysan jirin luuqad ku adag oo wasiirka dhibtaa basle uu wiilka yar Muniir lagu magacaabaa uu wasiirka uga dhigayey aflagaado iyo ceebayn oo kaliya in uu wasiirka ku sheego wasiir aan garanayn luuqada ingiriisiga markaana uu u kaxaystay agaasimihiisii guud taasi oo wiilka yare e Muniir nusqaan ku ah in uu waxaasi oo kale uu ku qoro wargeyska uu Wasiir Xirsi u furay iyo websit-ka Somaliland today oo aad moodo warbaahin cid gaar ah loo sameystay oo ka madhan dhexdhexaadnimada iyo raacista mabaadiida saxaafada.

Akhriste weli miyaad aragtay saxaafad uu nin wasiir ahi u furtay hadba sidii uu cida uu doonayo ugu aflagadayn lahaa isaga oo adeegsanaya dad aan aqoon iyo khibrad toona lahayn. Hadaba waxaa jirta in wasiirka madxtooyadu uu leeyahay wargeys uu dadka uu doonayo in uu sumcadooda wax u dhimo uu ku aflagaadeeyo, isla markaana uu waxa uu doono ka sheego. Wargayska uu furtay wasiir Xirsi ee la yidhaa Somaliland today wuxuu caadaystay cayda qaar ka mid ah ganacsatada dalka iyo wasiirada, iyada oo wiilka muniir ee tifatiraha ka ahi uu waxa uu doono ku qoro wargeyskaasi iyo websit-kaba .

Hadaba waxaan jeclaan lahaa in aan talo u soo jeediyo wiilka muniir ee tifatiraha ka ah wargeyska oo aan ku idhaahdo aduunka taariikh ayaa ka hadhee ayaysan taariikh madoobi ka hadhin intaad is leedahay wasiir xirsi raali geli, waayo waxaad tahay wiil dhalinyaro ah oo weli mustaqbalkisii hadhay markaa hadii aanad ka waan toobin sida xun ee aad u dhaqanto waxaa ka raaci taariikh xumo, waxaan ku xusuusinayaa wasiiradii awooda badnaa ee xukuumadii Rayaale xagee ayay ku danbeeyeen? Waa la og yahay in maanta badankoodii ay dadka shaxaadaan waayo waxay calooshooda ka buuxiyeen noolihii umada taasina waxay horseeday inay barakadii maalka xalaasha ah oo kale ka waayaan lacagaha badan ee a haystaan markaa hadii aad moodo in wasiiradan maanta ee aad isku halaynaysaa sii jooganaa ma joogayaan ee barri ayaa la arki iyaga oo dadka shaxaadaya kii iska ilaalin waayo xoolaha umada, markaa waxaan ku leeyahay jooji cayda aad cayayso ganacsatada iyo qaar ka mid ah wasiirada.

Mr muniir waxaan ku aragnay adiga oo adeegsanaya awooda wasiirka madaxtooyada oo aad ku maxaabsatid awoodiisa taasina ay ku sahashay inaad maanta wargeyska laguugu furo xoolaha umada, markaa ilaa hada taariikhdoodu ma wanaagsana ee is wanaagsi sxb.

La soco qormooyinka danbe

Qalinka:C/casiis Bashir Nuur

Tel:4144434

Email:info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured