Geeraar Jaceyl Ah Oo Aad U Xiiso Badan

0
Sunday March 10, 2013 - 20:35:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 54471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 3
  • Share via Social Media

    Geeraar Jaceyl Ah Oo Aad U Xiiso Badan

    Jaceyl Xiiso Udaa Calafkana waa halkiisa Runtii Jaceyl intuu Naafeeyay Tiro Cadad laguma koobi karo, Inta is jaceyl waxaan urajeynayaa qof weliba inuu dhowro dhankiisa caashaqa lamaanihiisa si horumar loo gaaro looguna hortago dhalanteedka jaceylka f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaceyl Xiiso Udaa Calafkana waa halkiisa Runtii Jaceyl intuu Naafeeyay Tiro Cadad laguma koobi karo, Inta is jaceyl waxaan urajeynayaa qof weliba inuu dhowro dhankiisa caashaqa lamaanihiisa si horumar loo gaaro looguna hortago dhalanteedka jaceylka faraha badan kuhaayo.

Geeraar Jaceyl Ah

Oo Aad U Xiiso Badan (Akhri)

gerar.jpeg

Jaceyl Xiiso Udaa Calafkana waa halkiisa Runtii Jaceyl intuu Naafeeyay Tiro Cadad laguma koobi karo, Inta is jaceyl waxaan urajeynayaa qof weliba inuu dhowro dhankiisa caashaqa lamaanihiisa si horumar loo gaaro looguna hortago dhalanteedka jaceylka faraha badan kuhaayo.

Tixdaan Gaaban Ee Lamagac baxday dumarka waa kan Dhowree muxuu raga udhameeyaa waxaa curiyay Ibrahim Ali abdi {Kalafoge} tixdaan abwaanku wuxuu kusoo bandhigayaa siduu jaceyl ugalay Waatan kabogo.



Caashaq baa igu dheeraadoo.

Dhuuxiyo lafahaba.

Dhamaantood kunagay.



Intuu ikala dhantaalluu.

Dhalan rogay nafteyda.



Tankuu iidhuftay.

Wadnahaa idhaqaaqoo.

Hoos buu udhacay.



Intuu ikala dhiijiyoo.

Dhiigeygii miirtay.

Dumarka waa kan dhowreee.

Muxuu raga udhameeyaa.



Siduu iidhuftay caashaq.

Boog aan dhayay buu.

Qolfihii kadhigtay.



Macaan ladhadhamiyo iyo.

Dhadhanka aduunyada.

Dhanna iima tusin.



Ka dhuubmay ushiyo.

Tabtii dhebigii.



Waxbaan dhadhabaa.

Dharaarkastoo iftiinto.



Dhanna iima rido.

Ilin baan dhaxal uleeyahay.



Waxaan dhici Karin buu.

Run iiga dhigay.



Dhageyso dadkaba.

Dhagteeydii wey diidoo.

Jaceylbey unuglaatay.



Dumarka waa kan dhowreee.

Muxuu raga udhameeyaa.



Dhoohane sidiisii baan.

Dhabanada haaystaaa.



Ilmadu dhabankeeygeey.

Sidii dhabihii kuqulqushaa.



Dhayal hamoodina.

Dhab jaceyl baan joogaa.



Wadnaha dhidib adag iyo.

Dhufeys buu kadhistoo.

Dhimbiluu igu noqday.

Iyo dhamacii naareed.



Dumarka waa kan dhowreee.

Muxuu raga udhameeyaa.



Laftiyo dhuuxuu.

Dhexdoodu galay.

Dadkoo dhaxamoonayaan

Keli dhididayaa.



Intuu ikala dhantaalluu.

Aduunyo maran iidhiibay.



Intaan dhimanoo.

Dhoobada kahoos marin.

Yaa caashaq iga dhicinayoo.

Dhankeyga joogayo.

Dhufeys illa galayo.?



Intaan dhimanoo.

Dhoobada kahoos marin.

Harajo dhigin.

Dhagta iigu sheegayo.?



Inan dhagweynoo.

Jaceyl cunaha kudhagay.

Waxbo dhaadin baan ahaye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured