Warbixin Diirada saareysa safarka Madaxweyne Siilanyo ku joogo UK iyo Safar kale oo uu raajicinayo inuu ku tago Maraykanka

0
Tuesday April 16, 2013 - 08:14:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Diirada saareysa safarka Madaxweyne Siilanyo ku joogo UK iyo Safar kale oo uu raajicinayo inuu ku tago Maraykanka

    Hargeisa-(xogreebnews.com)-Xoggo rasmiya oo xogreebnews ka heshay ilo wareedyo xogogaala ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne siilanyo iyo Afadiisa Amina Weris degdeg ugu anbabaxeen magaalada London markii u dhamaadey shirkii Turkiga uu kula yeeshay Madaxwe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Xoggo rasmiya oo xogreebnews ka heshay ilo wareedyo xogogaala ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne siilanyo iyo Afadiisa Amina Weris degdeg ugu anbabaxeen magaalada London markii u dhamaadey shirkii Turkiga uu kula yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh
Warbixin Diirada saareysa safarka Madaxweyne Siilanyo ku joogo UK iyo Safar kale oo uu raajicinayo inuu ku tago Maraykanka

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Xoggo rasmiya oo xogreebnews ka heshay ilo wareedyo xogogaala ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne siilanyo iyo Afadiisa Amina Weris degdeg ugu anbabaxeen magaalada London markii u dhamaadey shirkii Turkiga uu kula yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.Madaxweyne Siilanyo ayaa Xoguhu sheegeen inuu halkaas u tegay xaalad caafimaad iyadoo balan looga sii qabtay dhaqtarkiisa,sida la sheegayna u maraayo baadhis caafimaad maalmaha soo soo socda.
Madaxweyne Siilanyo ayaa dadka ku dhawdhaw ee u dhuun daloola xaaladiisa caafimaad sheegeen in xaaladiisa ilowshiiyahu sii kordhayso marba marka ka danbaysa oo aanu xasuusan Karin saacad ka hor cidii soo booqatey iyo ciday kulmeen iskaba daa ciduu balan la leeyahaye!, Sidoo kale waxay xoguhu intaas ku darayaan in qeybtii xusuusta maskaxdiisu soo idlaanayso,wax walbana Wasiirka Madaxtooyada Xirsi xasuusiyo ama SIM-card-kiisii rasmiga ahaa noqday!.
Geesta kale waxay xoguhu tibaxayaan inaan Madaxweyne Siilaanyo bilaa Baratakool socdo,wax casuumada ama martiqaad rasmiyana ka haysan dawlada UK iyo Maraykanka toona balse ay wataan oo dabada ka riixayaan kooxo Dilaalina oo hataan Somaliland ka wada hawlo sahan shidaal iyo macdan baadhiseed.
Kooxahan dilaaliinta ee Odayga dabada ka riixaya ayaa waxa la sheegay inay ku xidhan yihiin Shirkado waaweyn oo Maraykana oo shidaalka ka qoda Dunida, kuwaas oo la filaayo inay ku lug leeyihiin sahan shidaal baadhiseed oo dhawaan la filaayo inuu ka bilaabmo Somaliland inkastoo khilaafyo iyo murano qara-weyni hadheeyeen,madmadow badanina ku xeeran yahay sida Dilaaliintu qandaraas hooseedyada u bixiyeen,iyagoo la sheegay inay sedbursiimo iyo raali-gelin u siiyeen xubno ka tirsan ama ku xidhan qoyska madaxtooyada!.
Isku soo wada duuboo waxay warfidiyeenada xogreebnews xaqiijiyeen in Wasiirada arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan ka daba-tageen Madaxweyne Siilanyo,Yeelkeede waxaa xaqiiq iyo biyo kama dhibcaana in Madaxweyne Siilanyo Bilaa Baratakool iskaga socdo,mana jirto sida xoguhu tibaxayaan cid casuuntay iyo cid gogol xaadh u sameysay safarka uu ku tegay UK!.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured