Dadka Maanta Somaliland Jooga 75% Weligood Somalia May Maqal, Suurto-Gal-Na Maaha Midow Dambe

0
Tuesday April 16, 2013 - 07:58:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Maanta Somaliland Jooga 75% Weligood Somalia May Maqal, Suurto-Gal-Na Maaha Midow Dambe

    Hargeysa(xogreebnews--Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay marna suurtogal ahayn in somaliland iyo soomaaliya ay dib u midoobaan isla markaana aanay beesha caalamku wakhti isaga lumin midaw dhex m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews--Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay marna suurtogal ahayn in somaliland iyo soomaaliya ay dib u midoobaan isla markaana aanay beesha caalamku wakhti isaga lumin midaw dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya. Dadka Maanta Somaliland Jooga 75% Weligood Somalia May Maqal, Suurto-Gal-Na Maaha Midow Dambe
Hargeysa(xogreebnews--Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay marna suurtogal ahayn in somaliland iyo soomaaliya ay dib u midoobaan isla markaana aanay beesha caalamku wakhti isaga lumin midaw dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe waxaa uu sidaasi ka sheegay barnaamijka la yidhaahdo Wicitaanka dhegaystaha ee laanta Af Soomaaliga idaacada VOA, oo uu shalay marti ku ahaa, iyada oo barnaamijkaasi lagu waydiyay su’aalo la xidhiidhay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay shirkii Ankara, qodoba la isku mari waayay shirkaasi iyo sidoo kale halka ay ku danbaynayaan wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu yidhi “Wax suurtogelaysa ma aha ee ha maqlaan shacabka soomaalidu in Somaliland iyo soomaaliya dib u midoobaan, ee ayaan wakhtiga la iskaga khasaarinin, waa in runta loo yimaadaa, laakiin Somaliland iyo Soomaaliya ayaanu wada hadashiniinanaa oo aanu midnimo kala hadlaynaa, waxaan u arkaa in aad wakhti isaga luminaysaan”.
Waxaanu tilmaamay Eng. Faysal in ictiraafka ay dawlada Maraykanku siisay Soomaaliya iyo shirarka ay dawlada Ingiriisku qabtay midna aanu waxba ka beddeli karin arrinta Soomaaliya balse xalka arrinta Soomaaliya uu gacmaheeda ku jiro isaga oo xusay in aan loo baahnayn xligan in la qaso Somaliland oo ay dadkeedu tashadeen. Waxaanu yidhi “Maraykanka oo aictiraafay Soomaaliya iyo Ingiriis oo shir qabtay aanay soomaali arrinteeda dhamayn, karayn, soomaali arrinteedu gacmeheday ku jirtaa, taasi oo macnaheedu yahay somaliland way dhisan tahay ee in la qaso ma aha in wakhti lagu lumiyana ma aha waanay socotay, waanay tashatay, dadkeedii ayaa ahaysta ee cadaw ma haysto.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxa kale oo uu sheegay in wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya aanay hada taagnayn sidii ay Somaliland iyo Soomaaliya u midoobi lahaayeen balse ay yihiin kuwo lagu abuurayo jawi walaaltinimo. Waxaanu tilmaamay in qodobada ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay shirka Ankara ay ka mid ahaayeen in dawlada cusub ee Soomaaliya ay ogolaato heshiisyadii ay Somaliland la gashay dawladii ku meel gaadhka ahayd.
Waxaanu yidhi “Wada hadaladani imika way midha dhali karan oo ma taagna aan isku darsano iyo aan kala tagno, laakin, waxa weeye sidii la isku baran lahaa ee jawi wanaagsan loo abuuri lahaa oo walaalnimo ah, loo dhigi lahaa, anagu waxaanu tusaynaa in aanan shacbiga Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba. Waxyaabaha ugu muhiimsani waxay ahayd in ay dawlada Xasan Sheekh aqoonsato heshiisyadii shefring house iyo Dubia declaration, ta kale waxay ahayd meelaha aanu guud ahaan ka wada shaqayn karno la iskana kaashan karo , la dagaalanka argagixisida, aqoon iswaydaarsiyada, tababarada”.
Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in midawgii 1960-kii ee Somaliland iyo Soomaaliya uu ahaa mid qalad oo ay si bilaa shuruud ah u sameeyeen aabeyaashii Somaliland, wxaanu tilmaamay in taladii ay Somaliland ku dhalatay gumaystihii ka dib ay ahayad mid ay shacabku sabab u ahaayeen isla markaana aanu dhiig ku daadan balse tan hada jirta la soo noqoshadeeda uu dhiig badani ku daatay.
Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxa keenay in Somaliland iyo soomaaliya la isku daro aabeyaashayo ayay ahaayeen, anaguna waanu saxnay qaladkii dhacay ee waalidkayo sameeyey, oo weliba ay naga soo gaadhay dibaato iyo xsuuq. dhibaatadii nagu dhacdayna ay ahayd qalad ay anaga waalidkayagii ay sameeyeen, oo laba dal oo aan isqaadi karayn ay isku dareen shuruucdana aan la dhigan ayay ahayd, markaa shacbiga Soomaalida wax dhibaato ah oo noo dhaxaysaa aanay jirin, markaa anaga talada shacbigaa markii hore gooyay maantana iyagaa gooyay, weliba doorkan danbe dhiig ayay ku soo gooyeen, tii hore markii Ingiriiska lala dagaalamayay ay dhiig kuma daadan, arrintaasi mid noo taala ma aha, markaa sidaas ayaa la isku waydaarsanayay taariikhihii dhacaty iyo qolo walba dareenkeeda.
Waxaanu intaasi raaciyay “waxba in ay naga maqan yihiin uma aragno, nimankani dantooda ayay ka hadlayaan, waxay qabaan in aan Somaliland ictiraafin inay soomaali islaynayso oo dagaalo dhacayaan, waxay qabaan in haddii Somaliland la ictiraafo inay xagjirka shabaab soo xoogaysanayso , sheekooyin caynkaas ah ayay qabaan. Waxaana filayaa in marxalada wada hadaladani ay sii socon doonaan, wax maanta la dhamayn karaya in aanay ahayn wada hadaladani.Anagu wax run ah ayaanu ku soconaa Somaliland iyo Soomaaliya way kala tegeen, dadka maanta Somaliland jooga 75% weligood Soomaaliya may maqal ee somaliland ayay yaqaanaan, markaa iyaga ayuunbaa waayay karti ay ku oogaadaan iyo geesinimo inay la yiamadaan oo ay ku yidhaadaan laba wadan walaalo aynu noqono oo meelaha aynu xidhiidh ka yeelan karayno ay qeexno”.
Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay saddex qodob oo ku jiray ajandihii shirkii Ankara isla markaana ay labada dhinac isku mari waayeen, kana mid ahaayeen in siyaasiyiinta koonfurta jooga ee u dhashay Somaliland ay Hargeysa iman karaan isla markaana siyaasiyiinta reer Somaliland ay Muqdisho tegi karaan, waxa uu ku jawaabay “Saddexda arrimood ma aha kuwo macquula, in siyaasiyiin aan Somaliland metelin oo leh Soomaaliya ayaan metelaa in uu ka soo dego hargeysa waa nidaam daro xaqna ma aha, ee caalamka ayuunbaa nadaba ka wada”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured