Boqor Buurmadoow Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Beel Gaar Ah Ku Koobtay Dhaqaalaha Sahaminta Shidaalka Dalka

0
Monday April 15, 2013 - 18:56:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadoow Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Beel Gaar Ah Ku Koobtay Dhaqaalaha Sahaminta Shidaalka Dalka

    Hargeysa(xogreebnews.-Boqor Cisman Aw Maxamuud (Buurmadoow), ayaa xukuumada ku eedeeyay inay reero gaar ah ku naas nuujinyso qandaraasyada baadhitaanka shidaalka isla markaasna ay dadka deegaanka waxba ka dhagaysan wayday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.-Boqor Cisman Aw Maxamuud (Buurmadoow), ayaa xukuumada ku eedeeyay inay reero gaar ah ku naas nuujinyso qandaraasyada baadhitaanka shidaalka isla markaasna ay dadka deegaanka waxba ka dhagaysan wayday. Boqor Buurmadoow Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Beel Gaar Ah Ku Koobtay Dhaqaalaha Sahaminta Shidaalka Dalka

Hargeysa(xogreebnews.-Boqor Cisman Aw Maxamuud (Buurmadoow), ayaa xukuumada ku eedeeyay inay reero gaar ah ku naas nuujinyso qandaraasyada baadhitaanka shidaalka isla markaasna ay dadka deegaanka waxba ka dhagaysan wayday.
Waxaanu boqorku sheegay in uu aaminsan yahay in shidaalka haddii la soo saaro uu dhaqaalahiisu gacmo yar ku ururayo oo aanu qasnada dawlada gaadhayn, waxaanu ku baaqay in shacbiga iyo baarlamaankaba loo cadeeyo arimaha shidaalka loona sinaado dheeftiisa iyo dhibkiisaba.

Waxa uu sidan ka sheegay boqor Cimaan Buur-madaw mar uu u warmaayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaanu hadlakiisa ku bilaabay “Marka hore waxaanu u baahanahay intaan shidaalka la baaadh in deegaanka lagu sameeyo baadhitan oo la eegayo in aanu nabaad guur dhicin.Waxaa loo baahan yahay in dawladu ay arinta shidaalka la socod siiso haayada arimahan daba galka ku samaysa ee UNDP la yidhaado, ta labaad waxaanu rabnaa in shacbiga Somaliland uu khayraadkaas wada yeesho inuu ardaa kaliyaata qaato ma rabno, waxaanan u baahanahay in ay shirkada shidaalku dhaqaalaha ay baxinayso ay soo bandhigto sida caalamiga ah, dawladuna ay baarlamaanka iyo shacabiga u soo bandhigto in dhaqaalahaasu uu ku dhaco qasnada dawlada waana in dadka deegaanku ay raali ka noqdaan oo lagu qanciyo. Dawladana ka hor iman mayno ee waa inay samaysaa waxyaabaha ay shacabku xaqa u leeyahiin iyada oo aan baarlamaanka,shacabka iyo dadkii deegaanka midna la qancin ayaa baadhitaaa layska bilaabay.”
Boqor Buur-madaw isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Waxaanu u aragnaa hantidan oo ah mid umaddu ay leedahay in ay dawladu si reer ahaan ah ay u maamushay oo qandaraasyadii waxa la siiyay in reerkii ka mid ah reerkiina deegaanku kama wada dhaxeeyo, waxaanan aaminsanahay in lacagta shidaalkaasu gacanta dawlada aanay ku dhacayn ee ay shaqsiyaad gacantooda ku dhacayso.Waxaanu deegaan ahaan ogal nahay in qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo dhan inay khayaraadkaas wax ka helaan hadii khasaare ka dhacaayana laysla ogaado, laakiin waxaanu u aragna inay xukuumadu ardaa ku soo ururisay taasna waxaanu leenahay wax suurto gal ah maaha, hadii dawladu si qabyaaladaysan ay wax u baxisana waxay noqonaysaa dhulka waa la kala leeyahay iyo dooga soo baxay.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured