Golaha Guurtida S/Land Oo Wakhtigii Sharciyadda Golaha Wakiiladda U Riixay Maalinta Ay Doorashadda Madaxtooyadu Dalka Ka Dhacayso, Una Kordhiyey 2 Sano, Bil Iyo 27 Cisho

0
Monday April 15, 2013 - 18:56:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida S/Land Oo Wakhtigii Sharciyadda Golaha Wakiiladda U Riixay Maalinta Ay Doorashadda Madaxtooyadu Dalka Ka Dhacayso, Una Kordhiyey 2 Sano, Bil Iyo 27 Cisho

    Guurtida Ayaa Sidoo Buuxiyey Xilkii Guddoomiye Ku Xigeen Koowaad Ee Uu Baneeyey Alle Ha U Naxariistee Sheekh Axmed Nuux Hargeysa, April 15, 2013 (xogreebnews.com Golaha Guurtida Somaliland ayaa Fadhi aan caadi aheyn oo ay maanta xaruntooda Magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guurtida Ayaa Sidoo Buuxiyey Xilkii Guddoomiye Ku Xigeen Koowaad Ee Uu Baneeyey Alle Ha U Naxariistee Sheekh Axmed Nuux Hargeysa, April 15, 2013 (xogreebnews.com Golaha Guurtida Somaliland ayaa Fadhi aan caadi aheyn oo ay maanta xaruntooda Magaaladda Hargeysa ku Golaha Guurtida S/Land Oo Wakhtigii Sharciyadda Golaha Wakiiladda U Riixay Maalinta Ay Doorashadda Madaxtooyadu Dalka Ka Dhacayso, Una Kordhiyey 2 Sano, Bil Iyo 27 Cisho

Guurtida Ayaa Sidoo Buuxiyey Xilkii Guddoomiye Ku Xigeen Koowaad Ee Uu Baneeyey Alle Ha U Naxariistee Sheekh Axmed NuuxHargeysa, April 15, 2013 (xogreebnews.com Golaha Guurtida Somaliland ayaa Fadhi aan caadi aheyn oo ay maanta xaruntooda Magaaladda Hargeysa ku yeesheen ayaa wakhtigii Golaha Wakiiladda u kordhiyey, kuwaas oo ku beegay Maalinta ay dhici doonto Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, isla markaana u kordhiyey 2 sanno, bill iyo 27 cisho.Golaha Guurtida Somaliland ayaa Ogolaanshaha mudo kordhinta Wakiiladda ee ay ku Meelmariyeen fadhigoodan maanta ayaa waxa kale oo kulankoodaas ku buuxiyeen Jagada Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golahoodaas, oo bannaaneyd ka dib geeridii ku timi Alle ha u naxariistee Sheekh Axmed Nuux Furre.Fadhigan maanta oo ay ka soo qeyb galeen 71 mudane ayaa waxa ugu horeyba halkaas ka hadlay Gudoomiya Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanuu sheegay in fadhiga maantu uu ka kooban yahay Ansixinta warqad soo jeedin ah oo uu Madaxweynuhu Golaha u soo diray 8/4/2013, ogolaanshaha muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiilada iyo Buuxinta Jagada Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Guurtida.Kadib hadalkii gudoomiyaha, waxa la bilaabay in la gudo galo qodobada maanta u yaalay Golaha iyada oo lagu bilaabay in Golaha loo akhriyo Warqad uu Madaxweynu u soo gudbiyey Golaha taas oo uu ku soo jeediyey in muddo kordhin loo sameeyo Golaha wakiilada isaga oo Goluhu ka maraayo waajibaadkiisa Distooriga ah. Waxa warqadaas Golaha u akhriyay Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, waxaanay u dhigneyd sidan “ Mudanayaal aniga oo tixraacaaya go’aanka Komishanka Doorashooyink Qaranka ee summadiisu tahay 319/2013 kuna taariikheysan 6/4/2013 ujeedadiisuna tahay Doorashada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan Mudanayaal idiin soo jeedinayaa inaad ka gudataan xilkiina Distooriga ah eek u xusan qodobka 42 ee Distoorka Jamhuuriyada Somaliland. Allaa Mahad Leh.” Taasi waxay aheyd warqadii soo jeedinta aheyd ee Madaxweynaha Somaliland isaga oo tixraacaya qoraalkii Komishanka Doorashooyinka Somaliland.Ka dib markii Golaha loo akhriyay Warqadii Madaxweynaha ka timi, waxa la gudo galay in la ogolaado soo jeedintaas Madaxweynaha waxaana si aqlabiyad ah ugu codeeyay 71 kii mudane ee maanta ka soo xaadiray fadhigaas. Taas oo sheegaysa in Golaha wakiilada loo kordhiyay muddo ah 2 sanno, bill iyo 27 cisho. Waxa koloo Golaha Guurtidu ay isu kordhiyeen muddo saddex sanno ah.Muddo kordhinta wakiiladu markii la dhammeeyay ayaa waxa lagu xigsiiyay in la doorto ama loo codeeyo ciddii buuxin laheyd jagadii Gudoomiye ku Xigeenka Koobaad taas oo uu banneeyey kadib markii ay geeri ku timi AHUN Sheekh Axmed Nuux Furre. Waxa jagadaas usu soo taagay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mudane Siciid Jaamac Cali isaga oo golaha hortiisa ku dhiibey casilaadii Jagada Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad. May jirin cid kale oo la tartanta Siciid Jaamac Cali.Intaas ka dib waxa la gudo galay in loo codeeyo Siciid Jaamac Cali inuu noqdo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ogolaaday 70 xubnood, cid diidey may jirin Gudoomiyuhuna muu codeyn. Sidaas ayuu Siciid Jaamac Cali ku noqdey Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured