Hogaamiye La’aanta Somaliland Waxaa U Daliil ah Markii Maareeyaha Tv.ga Qaranka Wasiir Cukuse Shaqada Ka Joojiyey Waxaa Soo Celiyey Dumar.

0
Saturday January 11, 2014 - 21:45:40 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye La’aanta Somaliland Waxaa U Daliil ah Markii Maareeyaha Tv.ga Qaranka Wasiir Cukuse Shaqada Ka Joojiyey Waxaa Soo Celiyey Dumar.

    anigu akhriste labada garab ee wasaarada warfaafinta midna ma teegaarsani balse waxaan doonayaa in aan ka hadlo habka maanta somaliland wax u maamusho iyo markii madaxweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

anigu akhriste labada garab ee wasaarada warfaafinta midna ma teegaarsani balse waxaan doonayaa in aan ka hadlo habka maanta somaliland wax u maamusho iyo markii madaxweyne anigu akhriste labada garab ee wasaarada warfaafinta midna ma teegaarsani balse waxaan doonayaa in aan ka hadlo habka maanta somaliland wax u maamusho iyo markii madaxweyne siilaanyo sababo jira awgood awoodi kari waayey in uu si toos ah u taliyo ayaa waxa ka faa’iidaystay dumar xil haya iyo qaar aan xil hayn taasina waxaa markhaati ka ahaa markii wasiirka iyo aqlabiyada shaqaalaha wasaarada warfaafintu sheegeen in maareeyaha tv.ga qaranka khadar cali gaas uusan ahayn nin lala shaqeyn karo,waxaa wax lala yaabo ah dal dhan oo madaxweyne loo doortay oo hadana la laayahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay oo xataa mudaharaadada rabshadaha wata ee ay bulshadu kaga cabanayso dulmiga lagu hayo ee ay maalin kasta dadku ku dhimanayaan kama hadlo madaxweynihii la soo doortay.

hada dalku waxaa uu ku sugan yahay xili nin kastaa halka uu joogo awoodo dheeraad ah ku leeyahay iyo taladii dalka oo dumar iyo caruur u gacan gashay, mushkilada ugu weyn ee maanta somaliland ka jirtaa waxaa weeyi hayadihii dastuurka oo aan gudanayn shaqadoodii iyadoo ay jirto in hab qabyaaladeed wax u socdaa oo tusaale ahaan gudoomiyaha golaha guurtida somalilan saleebaan gaal wuxuu doonayaa oo uu isagu afkiisa ka yidhi xukuumada khalad iyo saxba ha lagu taageero, hadii ay daacad ka tahay muxuu sanadku markii ahaa 2000-kun burco uga lahaa reer burcoy cashuur ha bixinina dawladi ma jirtee xiligaasi oo uu madaxweyne cigaal dalka hogaaminayey qabyaalad awgeed ayuu sidaa la lahaa salebaan gaal maanta qabyaalad awgeed ayuu la leeyahay siilaanyo khalad iyo saxba ha lagu taageero, golihii guurtidana wuxuu ka dhigay meel uu isagu haysto oo aan ka hadli kari wax dalka ka socda.
golaha wakiilada oo aad moodo iyagu in ay in dhaweyd soo yara diirayaan ayaa wax loo baahay in madaama oo uu siilaanyo talax gabay in ay ku soo oogaan sida uu dastuurku qabo mooshin ah xil gudasho la’aan ileyn waatan ay dumarka iyo caruurtu dalkii ka talinayaane oo ay eryayaan kii ay iyagu doonaan kii kalena soo celinayaan, waar maanta somaliland cid kasta oo ka naxaysaa waxay maraysaa meel khatar ah oo qarka u saaran burbur hadii aan wax laga qaban fowdada iyo boobka hantida umada ee uu horseeday hogaanka talax gabay ee dalku.
somaliland maata meel soomaliyi joogto oo ka liidataa ma jirto oo wataa aad arkaysaan in dalkiiba uu ku jiro xaalad jahawareer oo meel loo socdo iyo meel kale lama garanayo, mudadii ay somaliland jirtay waxaa soo maray hogaamiyayaal oo hogaamiyaha kaliya ee wax qabtay wuxuu ahaa marka runta la doonayo ee anaan isku sheegeen teeni iidhehda ahayd wuxuu ahaa Cigaal Allaha u naxariistee mudadii uu cigaal joogay wuxuu qabtay guud ahaanba haykalka dawladino ayuu dhisay ooo ciidmadii kala duwanaa ayuu dhisay,calankii ayuu sameeyey,lacantii ayuu sameeyey,dastuurkii ayuu sameeyey oo uu afti dadweyne u qaaday,asxaabtii ayuu sameeyey wax kasta oo dawladinimadu u baahan tahay ayuu sameeyey, bal eeg mudadii Daahir Rayaale wax lagu soo kordhiyey waxaasi aynu soo sheegnay ee uu cigaal qabtay oo la taaban karo ma jirto marka laga reebo doorasho ayuu sameeyey taasina waxay ahayd wax dastuurku marka horeba farayay oo waa dariiq loo sii jeexay markaa waxaa la odhan karaa mudadii Daahir Rayaale Dalkan waxba uma soo kordhin,Siilaanyo ayay noqotay in kasta oo la ogaa in uusan siilaanyo waxba soo kordhineyn oo ay ahayd ujeedada ugu muhiimsaneyn ee siilaanyo kursiga loo saaray in uusan kursigu noqon Boqortooyo uu nin kaliyihi isaga fadhiyo ayya arintu ahayd balse waxa waxogaa la filayay in uu dhaamo Daahir Rayaale siilaanyo laakiin taasina waa lagu hungoobay oo taladii dalku waxay u gacan gashay dumar iyo caruur aan xil kas ahayn.
akhriste horumarka dal kama soo hadho hogaamiyaha oo inagoo meel kale eegin u fiirso jaarkeena sida hogaamiyaha Jabuuti Ismaacill Cumar Geele Dalkisii u horumariyey,u fiirso kililka shanaad sida madaxweynahoodu u horumariyey inagiina waa taasi maanta wasiiradii beesha siilaanyo isku hasytaan in uu mid kastaa isagu ugu awood badan yahay oo waxa uu doono ayuu sameynayaa oo waxaad arkaysaa hananka qabyaaladeysan ee ay hantida umada u boobayaan oo dhamaan ilaha dhaqaalaha oo dhan waxaa maanta gacanta loo geliyey dad ka soo jeeda beesha siilaanyo , ma waxaasi ayaa dal lagu noqonayaa ?ma waxaasi ayaa cadaaalad ah?
Waxaad aragtay maareeye 85% shaqaalihii iyo wasiirkii oo isu dhinac ah oo ku eedeeyey musuq-maasuq qabyaalad,oo hadana dumar madaxtooyada joogaa ku soo celinayaan shaqadisii iyadoo aan la baadhin musuqa lagu eedeeyey cajab!
ugu danbeyntii xaalada somaliland maanta waxay maraysaa meel xaasaasi ah oo ilahaymooyee cid u maqani ma jirto.
Qore:Axmed Maxamed C/risaaq
Email:Axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured