Shabakada Somaliland.org Oo Warbixin Xiiso Badan Ka Qortay Fadhiidnimada Tvga Qaranka Somaliland .

0
Friday January 10, 2014 - 22:30:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabakada Somaliland.org Oo Warbixin Xiiso Badan Ka Qortay Fadhiidnimada Tvga Qaranka Somaliland .

    TV-ga qaranku ma gaadhsiisanyahay meeshii ballantu ahayd, Mise Wuu Ka Gaabiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TV-ga qaranku ma gaadhsiisanyahay meeshii ballantu ahayd, Mise Wuu Ka Gaabiyey. TV-ga Somaliland ee lagala socdo daafaha dunidu, wuxuu sameeyay horumar muuqda markii xukuumadda imika joogta talada la wareegtay. Waxay ahayd tallaabo horumar ah oo aad loo soo dhaweeyay aadna loo amaanay. Horumarku kuma koobnayn oo qudha in laga heli karo internetka, balse waxa soo raaca in qiimaynta iyo ixtiraamka daawadeyaasha kor loo qaado lana ilaaliyo sharafta TV-ga qaranka maadaama xiliyadii hore laga sii dayn jiray hadallo anshaxa baalmarsan. Ha yeeshee waxa jiray goldoloolooyin u muuqday daawadeyaasha caalamka ku kala nool, kuwaas oo ku rajo weynaa in goldoloolooyinkaas laga gudbi doonno muddo yar kadib iyada oo intii hore lagu jiray dhismaha iyo fidinta baahinta iyo tayaynta barnaamijyada.

Imika oo xukuumaddu talada haysay saddex sannadood iyo badh, waxa muuqda in
horumarkaasi noqday mid aan soo dhaafin laba-sannadood iyo badhkii hore ee xukuumaddu jirtay. Intii dambe waxaad mooddaa in xukuumaddu dhankeeda ka mashquushay, maamulka TV-guna isku qanciyay in la gaadhay halkii la doonayay ee buurta fiiqeeda. Mise aragtidii iyo qorshihii maamulka TV-gu meesha la yimid ayaanba intaa soo dhaafin? Cabashooyinka TV-ga qaran laga sheegayaa qaar kamid ahi waa kuwo siyaasadaysan, balse xukuumaddu inay indhaha ka qarsato dhagahana ka furaysato dhalliilaha dhabta ah ee wax toosinta ah ma aha. TV-ga qaranku wuxuu u baahanyahay toosin iyo dibu habayn hor leh, waxana uu khatar ugu jiraa in horumarkiisii la joogsaday dhamaadkii sannadka 2012. Horumarka TV-gu sameeyay sannadkii 2013 wuxuu ahaa mid kooban oo hoos uga dhacay sannadihii ka horreeyay.
TV-ga qaranku ma gaadhsiisanyahay meeshii ballantu ahayd?
Ballantu waxay tahay in TV-ga qaranku ku jiro horumarin aan kala go? lahayn (tayayn, tababar, aqoon korodhsi, inuu xidhiidh la yeesho daawadeyaasha oo uu raadiyo fikirkooda). Dhinaca kale daawaduhu wuxuu TV-ga ku qiimaynayaa marka uu barbardhigo TV-yada kale ee caalamka iyaga oo garawshiyo ka bixinaya miisaaniyadda TV-ga lagu bixiyo. Balse waxa aan garawshiyo laga siin karin goldoloolooyin wax laga qaban karayay oo soo jireen ah imikana u eg in aan muhimaddii ay lahaayeen aan la siinin amaba aanay jirin dabagalkii laga filayay madaxda xukuumadda u qaabilsan TV-ga ee ay kula xisaabtami lahaayeen maamulka gacanta ku haya TV-ga qaranka. Waxa aan maamulku garawshiyo ka helayn in TV-gani yahay mid qaran 3 milyan ahi sheegto, miisaaniyaddiisana uu qabo, qarankaasina uu filayo in TV-gu ka qaybqaato iibgaynta qaddiyadda Somaliland. Waxa TV laga filayo in caalamka looga tebiyo in Somaliland tahay dal nabad ah, maamulkiisa, astaamihiisa qaran iyo taariikhdiisaba leh oo ka madax bannaan Somalia. Waa inay jiraan barnaamijyo iyo warar aad looga soo shaqeeyay oo joogto ugu baxa Afka Ingiriisiga oo dadka ajanabiga iyo jaarkeenaba ku ku qancin kara xaqa dalkani u leeyahay inuu ka mid noqdo dawlahada caalamka. Horumarka la filayay sannadkii inna dhaafay waxa ka mid ahaa in ugu yaraan laba channel la sameeyo kuwaas oo ku kala takhasusa barnaamijyada kala duwan matalan mid ay ka baxaan barnaamijyo Afka Ingiriisiga ah oo lagu xoogaynayo barashada Somaliland, mid u badan tacliinta iyo wacyi gelinta muwaadiniinta iyo xoojinta nabadda gudaha. Waxa la filayay in la dayactiro tayo xumada iyo goldoloolooyinka muuqda ee wakhtigii la eegan kari lahaa la soo dhaafay. Ma waxaan jirin xidhiidh ka dhexeeya daawadeyaasha iyo maamulka TV-ga, oo maamulku ku ogaan karo goldoloolooyinkaas? Ma waxaan jirin cid xukuumadda u sheegta gaabiska sannadkii ugu dambeeyay la soo dersay TV-ga? Mise maamulku wuu ogyahaye waxaanuu haynin xal uu kaga jawaabo codsiyada daawadeyaasha?
Haddii farta lagu fiiqo meelaha tayo xumadu ka muuqato oo aan u baahnayn miisaaniyad culus:
(A) Barista iyo Iibgeynta Qaddiyadda Somaliland
TV-ga qaranku ma laha, haba yaraadaane, barnaamijyo ku wajahan caalamka oo ka dhaadhicin kara ama ku qancin kara shakhsiga ajanabiga ah taariikhda Somaliland, dimoqraadiyadda iyo nabadda ka jirta dalka, wanaagga dadka reer Somaliland iyo xaqa ay Somaliland u leedahay madaxbannaanideeda.
TV-ga oo laga baadho box-ka ShavaTV, SLNTV wuxuu ku hoos jiraa Africa/Somalia oo ku xardhan calankii Somalia. Marka aad hoos u gasho waxa SLNTV ay ku sunteen "Somalialand". Halka Africa/Somalia waa in loo beddelaa Africa/Somali iyo map-ka qaaradda Africa waayo waxaynu sheeganaynaa inaan nahay dal ka madax bannaan Somalia. Halka Somalialand ahna waa in lagu saxaa Somaliland. Taas waxa ka gaabiyay maamulka TV-ga.
(B) Barnaamijyada
Wararka ka warramaya dhacdooyinka caalamka ee ku baxa Afka Ingiriisiga, ha la joojiyo. Looma baahna in TV-gu dadka ajanabiga ah uga warramo mudaharaad ka dhacay Kiev, Ukraine ama muran siyaasadeed oo ka oogan Bangkok, Thailand iyada oo aynaan waxba uga sheegin dalkeenna, qaddiyaddeena iyo taariikhdeenna. Haddii miisaaniyaddu koobantahay saacadaha qaaliga ah ee war dunida shishe ka dhacay lagu luminayo waxa beddelkeedii laga rabaa warar iyo barnaamijyo qarankeenna dani ugu jirto oo ku saabsan Somaliland oo dadkaas ajanabiga ahi wax kaga baran karaan dalkeenna. Wararka dunida kuwii ku takhasusayay ee Al-Jazeera iyo BBC ahaa ayaa buuxa mana jirto sabab qofka ajanabiga ahi warkii caalamka oo tayadiisu liidato ugu soo doonanayo SLNTV.
Barnaamijyada oo aan lahayn jadwal (TV guide, listings or schedule) ay dadku ugu soo hagaagaan kuwa ay xiiseeyaan. Websiteka SLNTV kama helaysid xog ku saabsan barnaamijyada rasmiga uga baxa TV-ga, wakhtiyada ay ka baxaan, ujeeddooyinka laga leeyahay barnaamijkaas, iyo habkii feedback loogu samayn lahaa. Daawadeyaasha oo aan waxba laga waydiin barnaamijyada fadhiidka ah ee u baahan in laga reebo TV-ga iyo kuwa xiisaha badan oo ay tahay in la kobciyo, waxay markhaati ka tahay xidhiidh furka labada dhinac ee SLNTV iyo daawadaha.
Bogga hore ee websiteka SLNTV oo kugu soo daynaya livestream iskii isu bilaabaya (autoplay). Haddii aad library joogto waxa mar qudha samada ka qaylinaya video isagu iskii isu bilaabay.
Barnaamijyada rasmiga ah (joogtada ah) oo kooban
Barnaamijyada laga soo daayo oo diyaarintooda ay ka muuqato qorshe iyo daraasad la?aan oo aad mooddo in saacado gudahood si iga-gee ah loo diyaariyay, isla markaana aan lahayn tifaftiris lagaga saaro khaladaadka.
Shaqaalihii oo tiradoodu badan tahay, isma qabato in warka bilow-ilaa-dhamaad qof qudha uu soo tebiyo isaga oo ah kii istudiyooga fadhiyay iyo kii istudiyooga dibaddiisa ka soo hadlayay oo aan qof kale ku tarraxin. Waxay taasi hoosta ka xariiqaysaa tayada liidata ee wararka laga soo daayo TV-ga qudha ee dalku leeyahay. Waxay ku tusaysaa inaanay jirin qababqaabo, wadashaqayn iyo tayo shaqaaluhu leeyihiin waana masuuliyadda maamulka.
Tifatiris la?aantu waxay sababtay in shaqaaluhu warka si dudubis ah u akhriyaan iyada oo qofka warka dhagaysanayaana ku jahwareero isna waydiiyo "halkee warkii hore ku dhamaaday kii dambana ka bilaabmay".
Waxa jirtay barnaamij daawadeyaashu khadka telefoonka kula soo xidhiidhayeen oo dadkii soo hadlay waxyar oo farakutiris ah mooyaane intoodii badnayd laynku u gali waayay. Iyada oo khaladaad ka iman karo dhinaca dadweynaha waxa hubaal ah in cilladda ugu weyni ka jirtay dhinaca farsameyaqaanka SLNTV. Guud ahaanna maadaama ay SLNTV hirgelisay barnaamijkaas iyada ayaa masuuliyadda khaladaadkaas yeelanaysa. Haddaba haddii aan farsame yaqaanku awood u lahayn inuu barnaamijkaas hirgeliyo, maxaa looga joojin waayay ee loo soo bandhigay ceebta intaa leeg ee TV-ga qaranka haysata?
(C) Weriyaha Warka Akhriya (News Presenters/anchors)
Weriyeyaasha Af-Somaliga iyo kuwa Af-Ingiriisiga oo ku mergada kalmadaha ay akhriyayaan mararka qaarkoodna aad ka dareemayso diyaargarow la?aan ama inay jecelyihiin inay degdeg ku dhameeyaan warka.
Weriyeyaasha ragga ah ee TV-ga ka soo baxaya oo mararka qaar istudiyooga la yimaadda dhar ka style duwan ama ka midab duwan ka weriyeyaasha looga bartay (lack of professional attire).
Weriyeyaasha warka ku sheega afka Ingiriisiga oo dhamaantood u baahan in la baro sidii ay warka ugu akhriyi lahaayeen si miyir ah oo fasiix ah kelmadahana u kala saari lahaayeen, iyada oo qaarkood grammar-ka ingiriisigoodu khaldanyahay matalan sida ku cad war ka baxay TV-ga muddo dhowayd oo u dhignaa "The President of Somaliland also reiterated that the Nelson Mandela was the dignity of humanity ?", iyo qaar ku hak-hakada/celceliya akhriska warka iyaga oo aan wax layli ah (practice) ku samayn warka ay akhriyayaan amaba warqadda warku ku qorantahay loo dhiibay isla markii ay kamradda soo horfadhiisteen. Su?aasha iswaydiinta leh oo ah maadaama warkani duuban yahay maxaa loo sixi waayay? Haddii uu live-yahayna maxaa loo duubi waayay loona tifatiri waayay inta aan laga soo dayn idaacad ku wajahan dad ajanabi ah?
Waxa caado xun ah in magaca qofka la maamuusayo lagu daro Dr. ama Engineer isaga oo qofkaasi aanu dhakhtar iyo injineer midna ahayn. Daawadeyaal badan ayaa tilmaamay oo waliba dhalliishaday derejada aan jirin ee qofka magaciisa lagu labayo. Been-abuurka derejadu waa inay ka reebanaataa warbaahinta qaranka (fraudulent endorsement of fake titles).
(D) Maqalka iyo Aragga
Tayada maqalka iyo sawirka oo u baahan in wax laga qabto. Maqalka oo marna sare u kacaya marna aad hoos ugu dhacaya oo khasabta in daawaduhu ku daallo remote-ka gacanta.

(E) Asluubta (Ethics)

TV-ga mararka qaarkood waxa laga sii daayaa muuqaal iyo afxumo ka reebban warbaahin ay wada daawanayaan qoysas da? walba leh, gaar ahaan sawirro aan carruurta ku habboonayn sida dagaallo qudhgooyo ah, qof dhaawac isu gaysanaya, qof shil galaya, gacan-ka-hadal, iyo akhlaaq xumo lagu soo daro barnaamijyada carruurta, sida muuqatana laga soo saaray YouTube (violent scenes and foul language).
Waxa jira barnaamijyo ka soo baxa TV-ga qaranka oo daawadeyaashu iska waydiinayayaan sababta keentay in TV-ga qaranka laga soo daayo sida kuwa ku wajahan shakhsiga.
Xukuumaddu iyada oo adeegsanaysa aaladaha warbaahinta way u furantahay inay ka jawaabto dhalliilaha iyo been abuurka xukuumadda loo soo jeediyo, waanay ka sii dayn kartaa aragti ka tarjumaysa ra?yiga dadweynaha oo lagaga jawaaabayo been abuurka ay caadaysteen warbaahinta gaarka loo leeyahay. Balse waxa TV-ga qaranka ka reeban in loo oggolaado qof muwaadin ah oo ku aflagaadoonaya shakhsiyadda qof kale oo ay isqaniineen xubno xukuumadda ka tirsan. SLNTV oo ah aalad wanaag faris, ma habboona in wakhtiyada qaarkood laga daalacdo aflagaadooyin ay reebantahay in muwaadinku ka daawado shaashad ku suntan asluub, sharaf iyo astaantii qaranka. SLNTV wuxuu u taaganyahay midnimada waddarta dadka reer Somaliland, mana habboona in hoos loogu soo dhigo kala qaybinta dadka taasoo caado u ahayd TV-ga intii aan xukuumaddu maamulka la wareegin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured