Halasiidaayo dhamaan dadka u xidhan arimo siyaasadeed ee sida xaqdarada ah uga buuxa jeelasha
Halasiidaayo dhamaan dadka u xidhan arimo siyaasadeed ee sida xaqdarada ah uga buuxa jeelasha
Anigoo ah Cabdixakin Maxamed Maxamuud (Cabdixakiin Dhamac) waxaan ka codsanayaa xukuumada talada haysa ee uu hogaaminayo mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo ah nin dalkan iyo dadkan uu hada hogaaminayo usoo halgamay taariikhna ku leh inuu wixii uu kasoo halgamayey kana soo dagaalamay ee uu duurjooga u noqday inaanu dadkiisa iyo dalkiisa kula soo laaban ee uu dhinaca wanaagsan iyo horumarka u horkaco soona daayo dhamaan dadka u xidhan siyaasada ee jeelasha ka buuxa oo uu ugu horeeyo gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Togdheer mudane Guuleed Daahir Samatar iwm.
Sidoo kale waxaan codsi u dirayaa dhamaan ummada Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan ummada walaalaha ah ee gobolka togdheer inay ilaashadaan nabadooda oo wixii xanaf keenaya ka fogaadaaan dadka maqaalada aan masuuliayadu ka muuqan qorayana ay ka waantoobaan inay ummada xumaan iyo burbru u horseedaan Ilaahayna ka baqaan. Waxaan markale ka codsanayaa xukumaada inay dadka iyo dalkaba u tudho kana dayso argagaxinta iyo adeegsidag RRUda ee saqda dhexe maantada ka sasinaya ee Hangashta-cusub ku noqday.Waynu wada ogsoonahay inaanayn waligeed xal noqonin isticmaalka habkan qalafsan ee RRUdu u dhaqmayaan keenaysana inay shicibka iyo xukuumadu kala aamin baxaan. C/xakiin Dhamac adhamac@hotmail.com Leave a comment |
|
Halasiidaayo dhamaan dadka u xidhan arimo siyaasadeed ee sida xaqdarada ah uga buuxa jeelasha
Halasiidaayo dhamaan dadka u xidhan arimo siyaasadeed ee sida xaqdarada ah uga buuxa jeelasha