Dawladnimadii Somaliland Waxay Isu Bedeshay NGO Lagu Barto Habka Federaalka ,Dhaqaalena Lagu Urursado Sida Wadada Ceerigaabo Oo Kale.

0
Friday January 10, 2014 - 21:59:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladnimadii Somaliland Waxay Isu Bedeshay NGO Lagu Barto Habka Federaalka ,Dhaqaalena Lagu Urursado Sida Wadada Ceerigaabo Oo Kale.

    Dawladnimadii Somaliland Waxay Isu Bedeshay NGO Lagu Barto Habka Federaalka ,Dhaqaalena Lagu Urursado Sida Wadada Ceerigaabo Oo Kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladnimadii Somaliland Waxay Isu Bedeshay NGO Lagu Barto Habka Federaalka ,Dhaqaalena Lagu Urursado Sida Wadada Ceerigaabo Oo Kale. Waxaa wax lala yaabo ah in gudoomiyaah Guurtidu Saleebaan Gaal magacaabo guddi anshax marisa xildhibaan ka tirsan golaha guurida oo la sheegay in uu magaalada garoowe uga ololeeyey C/raxmaan Faroole mudadii lagu guda jiray doorashadii madaxtooyada puntland, xili wasiiradii xukuumada somaliland uga qayb gali lahaa shirka turkiga magaalada addis ababa looga furay siminaar lagu barayo habka federaalka oo qaatay hal todobaad ,sibinaarkaasina waa sababta in uu siilaanyo tago addis ababa.

Akhriste ma og tahay in snaandkii 1993-kii xafiiskii qaramada midoobay ee muqdisho UNESOM u sheegay marka madaxweynayaashu ay hawl gab noqdaan in fursada ay ka faa?iidaystaan dad kale dawladinaduna ay noqoto NGO,markii uu Xirsi qaatay qandaraaskii wadada ceerigaabo waakan siilaanyana luxudka la
soo kacay ee yidhi waar ilawshiyuhuunbaa igu yara badane xusuustu igamay wada guurin todobaadkana waxaan tegaya faransiiska oo waxaan raadinayaa cidii aan ka iibin lahaa dekeda berbera.
Sanadkii 1992-kii waxaa koonfurta somaliya ku habsatay macaluuul baahsan waxayna tv.yada caalamku soo bandhigeen muqaalo argagax badan ,iyadoo weliba koonfurta somaliya ay dagaalo sokeeye ka socdeen ,hadana waxaa lagama maarmaan noqotay in qaramada midoobay ay xafiis ka furato magaalada muqdisho,xafiiskaasina wuxuu ahaa xafiiskii laga maamuli jiray ciidamadii tirada badnaa ee ka koobnaa 34 dawladood , ciidamadaa huweynta ahaa ee uu hormoodka u ahaa maraykanku waxay ahaayeen kuwii loogu magac daray UNESOM, muqdishana ku tegay qaraar ka soo baxay qaramada midoobay , oo ujeedadiisuna ahayd in ay soo celiyaan nidaamka iyo kala danbeynta, sidoo kalena ay gargaar aadaminimo ay u fidiyaan dadka tabaalaysan.
Hadaba saaxiibayaal qaramada midoobay iyo dawladaha caalamkuba si weyn ayay ugu gurmadeen koonfurta somaliya,oo bishii Decenber ee 1992-kii waxaa muqdisho buuqasho ku tegay madaxweynihii maraykanka ee xiligaasi Bush-kii hore ,dhaqaalihii xiligaasi somaliya loogu tala galayna waxaa maamuli jiray oo gacanta ku hayey xafiskii qaramada midoobay ee muqdisho UNESOM.
Hadaba markii muqdisho ay dagaalo ka socdeen laga furay xafiskii UNESOM bishii koowaad ee 1993-kii waxaa markiiba xafiiska tegay oo iska diwaan geliyey saddex oday oo Hawiye ah oo ka soo kala jeeda beelaha Abgaal,Habar Gidir iyo Xawaadle , waxaana masuuliyiintii xafiiskii qaramada midoobay ku qanciyeen inay yihiin rag laga danbeeyo oo wax badan ka qaban kara nabadgalyada muqdisho isla markaana saddex dooduba yihiin dhuunta kaliya ee isku xidhi karta dadweynaha muqdisho iyo xafiiska qaramada midoobay.
Hadaba waxaad ogaataa akhriste in xiligaasi magaalada mugdisho aysan ka jirin dawlad u dhaxayn karta shacabka iyo xafiiska UNESOM sidoo kalena xafiiska qaramada midoobay beelaha iyo shakhsiyaadka mid walba gaarkiisa ulama xidhiidhi kareyn waana lagama maarmaan in la helo cid u dhaxaysa UNESOM iyo reer muqdisho, saddexdaa oday ee aynu soo sheegnay xafiiskii UNESOM wuxuu u aqoonsaday in ay noqdaan rag ka tirsan xafiiska lana hadlaan dadweynaha , madaama ay odayaashoodii yihiin luuqada lagula hadlana ay yaqaanaan dhaqaalihii uu xafiiskaasi ugu talo galay muqdishana waxaa qaadi jiray saddexda oday oo ay mar walba kala duwanaan jirtay luuqada ay kula hadlaan reer muqdisho iyo sida ay hadalka ugu dhigaan masuuliyiinta xafiiska UNESOM.
Hadaba sadexdii oday waxay heleen dhaqaale xad dhaaf ah oo la mid ah kan hada lagu ururiyo magaca wadada ceerigaabo , waxayna isku waafaqeen hadii muqdsiho ay deganaasho ku soo noqoto in mashruucoogaasi uu soo af go?ayo , dhaqaalaha ay helaana qayb ka mid ah waxay ku abaabuli jireen colaad iyo dagaalo sokeeye, hadaba markii la soo gaadhay bishii November ee 1993-kii masuliyiinta xafiiskii UNESOM waxay xasuusteen maahmaamhdii soomalaiyeed ee ahayd hashu maan kaygii gadaye ma maansaarbay liqday iyo maahmaahdii kale ee ahayd gudin yahay imaad goyseene badhkaybaa kugu jira.
Waxaanu xafiisku ogaaday in dhaqaalaha sadexdaa oday loo dhiibo inta ay meelaystaan mooyaane inta kale lagu laayo dadka muqdisho degan oo magaaladana lagu gubo sidii markii shacabka reer hargeysa ee ka mudaharaaday biyo la?aanta loo adeegsaday ciidamada RRU iyo SPU sidoo kalena masuliyiinta xafiiksu waxay ogaadeen in cadawga koowaad ee ay leeyihiin reer muqdisho ay yihiin sadexdan oday ee dhiigooda ka dhigtay mashruuc aan soo afgo?in, waxayna masuliyiintii xafiiska UNESOM ee muqdisho go?aansadeen in aysan wax macno ah oo badan sameyneyn shaqo joojin odayaasha lagu sameeyo oo kaliya balse taasi ay ka muhiimsan tahay in sadexda oday waxa ay ahaayeen la tuso umada soomalida ah iyo beesha caalamka inteeta kaleba.
Hadaba waxaa dhacday in subixii danbe bogoga hore ee wargeysyadii muqdisho ka soo bixi jiray oo dhan lagu soo daabacay maqaal ,sawiro mucjiso ah watay oo lagu baahiyey qaar ka mid ah tv.yada caalamka iyo idaacadha caalamiga ah sida BBC-da oo kale waxanu maqaalkaasi u dhignaa sidan.

Waxaa la soo sawiray dhismihii xafiiskii UNESOM ee muqdisho oo ay hortaagnaayeen Waraabe,Bisad iyo Xoor sadexdooda mid weliba wuxuu sitay boodh qoraaladii boodhaahdkaasi ay siteen ku kala qornaa ka sokow boodhka uu waraabuhu sitay waxaa ku sawirnaa odaygii Abgaal , Boodhka ay bisadu sidatayna waxaa ku sawrinaa odaygii Habar GIDIR boodhka uu xoorku sitayna waxaa ku sawirnaa odagii xawaadle , iyadoo uu mid walna uu magaciisa oo sadexani uu ku qornaa.

Hadaba qoraaladii sadexdaa boodh ku kala qornaana waxay ahayeen sidan
Boodhka waabuhu sitay waxaa ku qornaa anigu waxaan ahay waraabe waxaan guure iyo galab carawba ugu jiraa sidii aan u raadin lahaa xuquuqda adhiga sidaa darteen dhaqalihii ay UNESOM ugu talo gashay xuquuqda adhiga in la ii dhiibo.
Boodhka ay bisadu ay sidatay waxaa ku qornaa anigu waxaan ahay bisad waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay xanaaanda jiirka sidaa darteed UNESOM dhaqaalihii ay ugu talo gashay xanaanada jiirka aniga ha ii dhiibto.
Boodhka uu xoorku sitay waxaa ku qornaa anigu waxaan ahayd xoor waqtigaygii oo dhan waxaa u huray daryeelka digaaga sidaa darteed UNESOM dhaqaalihii ay ugu talo gashay daryeelka digaaga aniga ha ii dhiito.
Hadaba akhriste taariikhdu way soo noqnoqtaa sadexdaa oday ee isku beesha ahaa ee reer muqdisho ee qaramada midoomay inooga warameen sadexdoodii waxay manta joogaan Hargeysa

1: Madaxweyne Siilaanyo wuxuu taagan yahay halkii odaygii Abgaal waxaanan odhan lahaa qaylada dad muumini dhayal kuma qarsoonto , nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaato.
2: Wasiir Xirsi wuxuu taagan yahay halkii odaygii Habar Gidir waxanan odhan lahaa shacabigay quruumuhu qadarkay u urursheen ka qorsheystay daaroo ku qoray caruurtow nin wlaalkii khaa?imay khaatumo ka yeesho.
3: Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi isagu wuxuu taagan yahay halkii odaygii Xawaadle waxaanan odhan lahaa Sheekhyada Khalaawaha Hadba Qaar u yeedhoo Wadaadada Qubuuraha Qaxwe kula Wareegoo ILahay wuxuu qoray Baajin waa Quraanku.
Hadaba isku soo wada duuboo Dawladnimadii Somaliland Waxay Isu Bedeshay NGO Lagu Barto Habka Federaalka ,Dhaqaalena Lagu Urursado Sida Wadada Ceerigaabo Oo Kale.
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured