Xildhibaan Saleebaan D.Dogox Oo Sheegay Sababta Ku Keliftay Inuu Ka Maquurto Doorashadii Maayarka Hargeysa Shalay!.

0
Monday April 15, 2013 - 08:09:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Saleebaan D.Dogox Oo Sheegay Sababta Ku Keliftay Inuu Ka Maquurto Doorashadii Maayarka Hargeysa Shalay!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com)-Xildhibaanka keliya ee ka maqnaadey fadhi aan caadi ahayn oo shalay Xildhibaanada golaha degaanka Hargeysa ku doorteen Maayarka Caasimada Hargeysa Saleebaan Daahir Dogox ayaa daaha ka feyday sababta ku keliftay inuu fadhiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Xildhibaanka keliya ee ka maqnaadey fadhi aan caadi ahayn oo shalay Xildhibaanada golaha degaanka Hargeysa ku doorteen Maayarka Caasimada Hargeysa Saleebaan Daahir Dogox ayaa daaha ka feyday sababta ku keliftay inuu fadhigaas ka maquurto isagoo ku sugan Hargeysa.
Xildhibaan Saleebaan D.Dogox Oo Sheegay Sababta Ku Keliftay Inuu Ka Maquurto Doorashadii Maayarka Hargeysa Shalay!.

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Xildhibaanka keliya ee ka maqnaadey fadhi aan caadi ahayn oo shalay Xildhibaanada golaha degaanka Hargeysa ku doorteen Maayarka Caasimada Hargeysa Saleebaan Daahir Dogox ayaa daaha ka feyday sababta ku keliftay inuu fadhigaas ka maquurto isagoo ku sugan Hargeysa.
Xildhibaan Saleebaan Dogox ayaa sheegay inuu markii hore ahaa musharax u taagan inuu u tartamo Jagada Maayarnimada Hargeysa balse uu dib u istaagey,oo ka gaabsadey markii uu yaqiinsadey siday wax u socdaan iyo inay xukumada Siilanyo farogelin ku hayso oo doonayso inay reebto isaga,soona diyaarsatey xildhibaankay dabada ka riixaysay inuu xilka Maayarka Hargeysa u qabto.
Geesta kale Xildhibaan Saleebaan Dogox wuxuu ku dooday inuu Qof la tartami karo balse aanu Xukumad Ud-baheedii iyo Dhigaheedii wadata,oo Lacagtii iyo Hantidii Ummadda ku gaashaaman ama isticmaalaysa aanu la tarami Karin, taas darteedna uu go’aansadey inuu ka maquurto Madashii doorashada.
Isku soo wada duuboo xildhibaan Dogox ayay shalay ahayd markii labaad ee intuu shaaciyey inuu u sharaxan yahay Jagada Maayarnimada Caasimada Hargeysa haddana ka baaqsado.Yeelkeede siduu sheegay labada jeerba wuxuu uga maquurtay tartanka farogelin xagga Golaha xukumada Siilanyo iyo Qasriga Madaxtooyada kaga timi awgeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured