Wasiir Warancade Aafo ayuu ku noqday Siyaasada...

0
Wednesday January 08, 2014 - 20:43:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Warancade Aafo ayuu ku noqday Siyaasada...

    Wasiir Warancade Aafo ayuu ku noqday Siyaasada...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Warancade Aafo ayuu ku noqday Siyaasada... Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Warancade oo kala garan waayay xilkii uu ummada u hayay,caadays-tayna aflagaadada uu la daba guclaynayo madaxda Xisbiga mucaaridka ee ucid ayaan media-yaha u marinayaa inuu aafo ku yahay siyaasada Jamhuuriyada Somaliland,wax yaabaha uu ku kacay intuu xilka hayay aan ka soo qaato:
1.Waxa uu aqoonsanyahay degaamada bariga ee Taleex,Badhan iyo Buhoodle inaanay ka tirsanayn dalka uu xilka ka hayo ee Jamhuuriyada Somaliland.

2.Sidoo kale gobolada galbeedka ayuu u haystaa inaanay hoos iman xilka uu hayo.
3.Guud ahaan Warancade waxa uu kala furfuray midnimada shacabka Jamhuuriyada Somaliland.
4.Waxa uu caadaystay aflagaadada xisbiga ucid.
Waxa kale oo Warancade ku caanbaxay burburintii xisbigii UDUB.Waa ninkii gel-gelin madhan fadhiyay ee lagaga hayaamay.Kadibna ku soo gurguurtay xisbiga mucaaridkaa ee Wadani,kuna dhawaaqay inuu u taaganyahay musharaxnimada madaxweynaha.Hadana hanyaraantiisa habeen madaw u dusay madaxtooyada ee musharaxnimadii loogu bedelay wasiirnimo.Waxa aan leeyahay Warancade xaalkiisu waxa uu la mid yahay ninkii yidhi(Hooyaday ninkii guursadaaba waa adeerkay).
Warancade cayda iyo aflagaadada uu la daba joogo madaxda xisbiga ucid ee uu la soo taaganyahay ucid waxay xidhiidh la leedahay Somaliya kana qaataan lacag,mar maaha oo laba maaha inta uu arrinkaa media-ha la soo fadhiistay.Hadaba miyaanu ahayn ninkii ugu danbeeyay basaasiintii NSS-tii Afweyne ee Xamar ku hadha kuwii u dhashay oo ka haayiray!
Waxaynu ogayn falalkii foosha xumaa ee uu ku kacay dagaaladii sokeeye,maantana la soo taagan madaxweynaha haloo kordhiyo muddada.Waxa aan leeyahay Warancade hargeysa waad soo gaadhay waqtiggii shaabuuga laysu adeegsan jiray markaa adeer raggii caynkaa yeeli jiray dalka kama dhamaan ee halkaa haw dhaafin xisbiga ucid ee aad maalin walba caydooda ku hadaaqayso.
Waxa aanu kula talinaynaa inuu dhawro anshaxa dawladnimo,waxa aanu faraynaa inuu dastuurka iyo shuruucda dalka dhawro oo uu ka hadho afxumada uu madaxda xisbiga ucid ee qaran kula kaco.
Waxa hubaal ah hadii uu warancade joojin waayo gar-darrada qaawan ee aflagaadada ah inaanu shaxda la dhigi doono.
Waxa aan ku soo afjarayaa wasiir Warancade waxa uu siyaasada Jamhuuriyada Somaliland ku noqday Aafo siyaasadeed.Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured