Kulmiye Waa Burburayaa Waxaana Lagu Aasi Doonaa Xabaalaha Gar-adag Ee Uu Markii Horeba Ka Yimid.

0
Tuesday January 07, 2014 - 08:29:07 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye Waa Burburayaa Waxaana Lagu Aasi Doonaa Xabaalaha Gar-adag Ee Uu Markii Horeba Ka Yimid.

    Mudo sanad ah ayuu khilaafka kulmiye soo jiitamayey waxaanu u kala jabay garabyo fara badan oo mid waliba doonayso in ay ta kale muquuniso,waxaa xisbiga ku loolamaya baarqabyo farabadan oo siilaanyo ka kow yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo sanad ah ayuu khilaafka kulmiye soo jiitamayey waxaanu u kala jabay garabyo fara badan oo mid waliba doonayso in ay ta kale muquuniso,waxaa xisbiga ku loolamaya baarqabyo farabadan oo siilaanyo ka kow yahay. Sida laga warqabo xisbiga kulmiye wuxuu lahaa dastuur la sameeyey xiligii la abuuray xisbigaasi ee Siilaanyo iyo koox yari kaga dhawaaqeen magaalada hargeysa ee jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba akhristow isqabqabsiga iyo dildilaaca xisbiga kulmiye waxaa u sabab ah markii dastuurkii xisbiga Siilaanyo ku bedelay Axdi beeleedkii shirkii( Gar-adag).

Ilaa shirkii Gar-adag xisbiga kulmiye wuxuu u xuub siibtey xisbi reereed ama beeleed dastuurkii xisbigana waa la-laalay waxa keliya ee hadeer xisbiga lagu maamulaana waa Axdi beeleedkii Garadag.


Kooxaha isku haysta awooda xisbiga awgeed ayaa xisbigu qabsan kari waayey shirkiisii golaha dhexe ee lagu soo dooran lahaa Gudiga Fulinta,Gudoomiyaha Xisbiga iyo Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga.

Siilaanyo iyo kooxdiisu Waxay doonayaan in ay midida daabkeed hayaan isla markaana siilaanyo noqdo Musharaxa madaxweynaha ee Xisbigu u tartamayo doorashada inagu soo fool leh ee 2015.

Mujaahid Muse Biixi iyo saaxiibadiina waxay doonayaan in ay iyagu hogaanka xisbiga hayaan oo aan laga fara maroojin isla markaana Mujaahid Muse noqdo Gudoomiyaha xisbiga iyo musharaxa madaxweynaha.

Sida shacabka somaliland ka warqabo mudo 5 shan jeer ah oo la mudeeyey in xisbigu shirkiisa qabsado ayaa suurto geli weydey iminkana uma eka in shir kulmiye leeyahay qabsoomo,waxaana arinku taagan yahay qir iyo qir iyo car iyo car.

Isku soo wada dooboo Siilanyo wuxuu qabaa in uu isaga iyo beeshiisu xisbiga leeyihiin waxay doonaana ka dhex fushan karaan halka Muse Biixi iyo Saaxiibadiina aysan u ogeyn qabka Siilaanyo ku jira,waxaanay u egtahay in Xisbiga Kulmiye burburi doono laguna aasi doono Tuulada Gar-adag ee uu markii horeba ka yimid.

Yusuf Abdilahi Janale

Oslo Norway.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured