Yaa ka Danbeeyey Xadhiga Guuleed Daahir Samatar?

0
Sunday January 05, 2014 - 22:17:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ka Danbeeyey Xadhiga Guuleed Daahir Samatar?

    Asc dhamaan umada muslimiinta ah meelkasta oo aad joogtaanba. sida aynu wada ognahay waxaa habeenkii taariikhdu ahayd 03.01.2014 ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan RRU ay saqdii dhexe gurigiisa ugu soo dhaceen badhasaab ku xigeenki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asc dhamaan umada muslimiinta ah meelkasta oo aad joogtaanba. sida aynu wada ognahay waxaa habeenkii taariikhdu ahayd 03.01.2014 ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan RRU ay saqdii dhexe gurigiisa ugu soo dhaceen badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka togdheer mr guuleed daahir samatar oo ahaa nin ka mid ah odayaasha waa wayn ee magaalada burco, sidoo kale ahaa masuuliyiintii hore ee gobolka. si kastaba ha ahaatee habeenka dhacdadani dhacday ayaa ahayd habeen uu magaalada ku sugnaa wasiirka madaxtooyada somaliland mr xirsi cali xaaji xasan ouu maalinimadeedii kasoo laabtay magaalada oodweyne oo uu kala kulmay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo isaga iyo xukuumada siilaanyo.
intaa kadib wasiirka waxaa kulamo la yeeshay waxgaradka, cuqaasha, iyo haldoorka beesha bariga burco oo wasiir xirsi kasoo jeedo, kulankaas oo ka dhacay (city plaza hotel) ee magaalada burco, ujeedada shirkaas ayay beeshu wasiir xirsi ugu soo bandhigeen in jeelka loo taxaabo guuleed daahir samatar oo ay ku eedaynayaan inuu ka danbeeyey ama lug ku lahaa mudaharaadkii burco dhawaan ka dhacay.

wasiir xirsi oo aan marnaba ka fiirsan fikrada qabiilaysan ee loo soo bandhigay wuxuu qaatay go,aankii loo dhiibay ee qabiilaysnaa isla habeenimadiina wuxuu amar ku bixiyey in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee (RRU) ay galaan guriga uu degan yahay guuleed daahir samatar, run ahaantii hadii guuleed daahir wax lagu tuhmo muu ahayn shakhsi meel fog laga doonayo iyo shakhsi la garan waayaba, horaa loo yidhi (geela duqdiisu durduriso aarankiisana maxaad u malayn?).
wasiir xirsi adigu marnaba eed ma lihid oo waxaa ku helay talo qabiil oo midaysan, waxaanan leeyahay cuqaasha, suldaanada, madax dhaqmeedyada iyo masuuliyiinta kale ee arimaha noocan ah ka talinaya inay xukuumada ka daayaan hagar daamada iyo talo xumaanta, laakiin waxaa haboon in xukuumada lagu garab istaago talaabo kasta oo wax ku ool u ah qaranimada somaliland, waxaanan xukuumada usoo jeedinayaa inay kala saarto dawladnimada iyo qabyaalada iyo kala jeclaan shaha bulshada ku nool jamhuuriyada somaliland, ugu danbays waxaan xukuumada u soo jeedinayaa inay guuleed daahir samatar ay 24 sacadood gudahood xoriyadiisii usoo celiso, waxaanan u arkayaa in maanta muwaadinkaasi aanu ku xidhnayn hab dawladeed iyo hab sharci toona, balse uu ku xidhan yahay talo iyo nidaam qabiilaysan oo kaliya.BY DAYIB CABDI XIRSI
BURCO SOMALILAND





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured