Wasiir Xirsi Dawladnimada Wuxuu U Haystaa In ay Tahay NGO Dhaqaale Lagu Urursado,Hadalkii Xildhibaan Waabeeyana Wuxuu U Ekaa Waraysigii U C/salaan Hereri Ka Qaaday Cali Mahadi 1991-kii.

1
Saturday January 04, 2014 - 21:39:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xirsi Dawladnimada Wuxuu U Haystaa In ay Tahay NGO Dhaqaale Lagu Urursado,Hadalkii Xildhibaan Waabeeyana Wuxuu U Ekaa Waraysigii U C/salaan Hereri Ka Qaaday Cali Mahadi 1991-kii.

    Allaha ha u naxariistee Abwaankii C/qaadir Xirsi Yem yem markii uu arkay sanadihii danbe ee kacaanka oo uu meel walba uu ka bilaabay mudaharaad lagaga soo hor jeedey xukuumadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha ha u naxariistee Abwaankii C/qaadir Xirsi Yem yem markii uu arkay sanadihii danbe ee kacaanka oo uu meel walba uu ka bilaabay mudaharaad lagaga soo hor jeedey xukuumadii Allaha ha u naxariistee Abwaankii C/qaadir Xirsi Yem yem markii uu arkay sanadihii danbe ee kacaanka oo uu meel walba uu ka bilaabay mudaharaad lagaga soo hor jeedey xukuumadii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre masuliyiintii Dawladana nin weliba uu sameystay NGO uu dadka ku baadho ,isla markaana uu abwaanku arkay aragtida kala duwan ee dadweyanaha iyo masuliyiintii kacaanka ayuu Abwaan Yem yen tiriyey maansaday soo socota ee la yidhaahdo qaran waxaanu yidhi.

Qab qab dhaafay iyo waxaan arkaa qaadan kari waa dadweynahan qamaamay ee fardaha qoobabka leh fuushan
ee sugaya qaynunada sare in loo qaado
qar qarsigu haduu xadhiga adag qoofalada joosto
Qiyaamaha masuul yaa ka noqon qaan dadbaan hadhin
miyaan se qaranka loo wada sineyn nin iyo qaybtii.
markaa kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.
sanadkii 1979-kii waxaa dalka yugaandha ka dhacday mid ka mid ah mucjisooyinkii dunida soo maray nin badari ahaa masuulna ka ahaa mid ka mid ah kaniisadaha waaweyn ee dalka yugaandha si weyna looga qadarin jiray dalalka afrikada bari oo dhan waxa uu dadkii kaniisada ugu iman jiray oo dhan ka dhaadhiciyey in ay fududahay sida ay janada u tegi karaan kadiba dhamaantoodna waxay ahaayeen dad jana doon ah oo dariiqii wal ee uu baadari u sheego in ay janada ku tegi karaan , waxay diyaar u ahaayeen in ay sameeyaan madaama ay baadarigooda ay kalsooni buuxda ku qabeen oo uu ahaa ninka ay u daba fadhiistaan waxa ay rumeysan yihiin ama ay aaminsan yihiin.

hadaba saaxiibayaal waxaa dhacay in ay aad ugu farxeen dadkii kaniisada ku xidhna hadalkaasi ka soo yeedhay baadarigooda ee ahaa in ay fududahay in ay janada tagaan.

waxayna dadkii baadarigii weydiiyeen in uu faah faahin ka siiyo sida ay janada ku tegi karaan iyaguna ay diyaar u yihiin in ay sameeyaan waxkasta oo u suurta gelinaya in ay janada tagaan.

hadaba baadarigii wuxuu dadkii u sheegay qodobka kowaad in uu yahay in sida kaliya ee ay janada ku tegi karaan ay tahay isaga(Baadariga) ay u keenaan wixii ay haystaa lacag iyo dahab.

markii shuruudaa ay fuliyeen ee ay dadkii baadarigii u keeneen wixii ay lacag iyo dahab ay haysteen ee uu meel soo dhigtay ileyn waa dad jaana doon ahe wuxuu baadarigii dadkii ku amray in ay dhamaantoodba ays oo xaadiraan barito waxaana kaniisadii isugu yimid 1359 qof waxaanu u jeediyey khudbad dar daaran ah oo uu ugu sheegayo in tareenka ay janada ku tegayaan ay kaniisada gudaheeda ka raaci doonaan waase qofka ogolaada in lagu gubo kaniisada gudaheeda dhamaantoodna dadkii wey ogoladeen in uu baadarigu ku gubo kaniisada ileyn waa dad jana doon ahe.

baadarigiina dadkii oo kaniisadii ku wada jira ayuu dusha kaga xidhay abaabadii oo dhan kuna rusheeyey batrool markii horeba uu soo diyaarsaday , markii u bab qabadsiiyeyna wuu ka caararay.
hadaba markii ay arintaasi dhacday dadkii goobta yimid waxaa ka mid ahaa nin ooyaya oo 7 caruur ah oo uu dhalay iyo xaaskisii ay ka mid ahaayeen dadkii kaniisada ku gubtay waxaana ninkaasi gobtaasi kula kulmay wariyihii BBC-da ee yugaandha oo ninkii weydiiyey ma waxaad u ooyeysaa 7 caruurta ahaa iyo xaaskaagii kaniisada ku gubtay?
wuxuu se ugu jawaabay isagoo ooyaya oo uu yidhi iyagu imika janadii ayay joogaan oo u ooyimaayo waxan se ka ooyayaa nasiib daradayda waxaan doonay oo aan ku maqnaa xaabo hadii aan anigu nasiib leeyahayna waan soo gaadhi lahaa oo kamaan hadheen rariinka janada.
saaxiibayaal qisadan aynu ka waranay miyanay la mid ahayn markii uu wasiirka madaxtooyadu Mr Xirsi uu isa soo dhex taagay oodweyne ee uu yidhi tobankun oo neef lacagtooda keena , kuwasi oo aad iigu balan qaadeen igu soo wareejiya lacagtoodii si aad wado u heshaan ileyn dadkaasi wado ayay u baahnaayeene.
baadarigaasi aynu ka waramaynayna wax kale muu sameyne dadkii kaniisada ugu yimid wuxuunbuu ku yidhi dahab iyo lacag waxaad haysataan igu soo wareejita kaniisadana aan idinku gub o tariinka janadana halkaa ka raaca, iyaguna wey ogolaadeen ileyn jana doon ayay ahaayeene.
Xildhibaan Waabeeye wuxuu ka mid ahaa waftigii la socday wasiirka madaxtooyada waxaanu dafiray mudaharaadkii ka dhacay oodweyne ka dhacay 02/01/2014-ka ee aanu tv.yada iyo warbaahinta oo dhan ka daawanay markaa kadibna waxaan xasuustay waraysigii uu C/salaan hereri oo ka tirsanaan jiray wariyayaasha idaacada BBC-du la yeedhay Cali Mahdi Maxamed.
akhrsitow dib u xusuuso markii uu magaalada muqdisho ka cararay Maxamed Siyaad Barre 26/01/1991-kii ee ay burburtay dawladii dhexe ee somaliya kooxdii la magacbaxday maana feesto waxay markiiba madaxweyne u doorteen Cali Mahdi hase yaashee waxaa arintaasi gaashaanka ku dhuftay General Maxamed Faarax Caydiid oo isagu hogaaminayey jabhadii USC ee dagaalka hubeysan ku soo gashay Muqdisho xukunkana ka tuurtay siyaad barre,markaa kadib magaalada muqdisho waxa uu dagaal ba´ani ku dhex maray ciidamadii daacada u ahaa Cali Mahdi iyo kuwii general caydiid.
hadaba bishii julay ee 1991-kii iyada oo uu malaintaasi aynu ka hadleyno uu dagaal culusi ka socdo muqdisho oo hubka waaweyn noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday ayuu C/salaan Hereri khadka telefanka kula xidhiidhay Cali Mahdi oo muqdisho ku sugan oo isagu guud ahaanba dafiray in muqdisho wax dagaal ahi ka socdo isagoo yidhi waxa lagugu yidhi C/salaanow waxaa ka muhiimsan in aad qaadato waxa aan ku leeyahay anigoo ah madaxweynihii somaliya intaa markii la is weydaarsaday ayaanu idaacada ka maqalnay qaraxyo dhawr ahaa oo is xig xigay.
C/salaan hereri ayaa markaa Cali Mahdi weydiiyey magaalada ma dabaal degbaa ka jira waa maxay madaafiicda aan maqlayaa ? Cali Mahdi inta uu ilaawan dafiraadisii hore ayuu warkii rasmiga ahaa sheegay oo uu yidhi.
C/salaanow magaalada dagaalaa ka socda madaafiicdaasina waxay ku dhacaysaa meel gurigeyga u dhaw oo wax yar u jirta.C/salaan Hereri wuxuu weydiiyey maxaad ku cadeyn kartaa in qaraxyadaasi ay yidhiin madaafic la soo riday ? Cali Mahdi wuxuu ku jawaabay waan u jeedaa oo dariishadaan ka arkayaa.
su´aashii ugu danbeysay ee uu C/salaan Hereri weydiiyey Cali Mahdi waxay ahayd madaafiicdu ma goob banaan bay ku dhaceen mise dhismayaal la tegan yahay?

Cali Mahdi wuxuu ku jawaabay dadaa degen goobta madaafiicdu ku dhaceen.

hadaba qofkasta oo xaqiiqo jirta dafiraa wuxuu la mid noqonayaa Cali mahdi oo kale.

hadaba isku soo wada duuboo Wasiir Xirsi Dawladnimada Wuxuu U Haystaa In ay Tahay NGO Dhaqaale Lagu Urursado,Hadalkii Xildhibaan Waabeeyana Wuxuu U Ekaa Waraysigii U C/salaan Hereri Ka Qaaday Cali Mahadi 1991-kii.
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel: 4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured