7 Qodob Oo ay Kala Saxeexdeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya iyo Muhiimada U Leeyahay Heshiiskani.

0
Saturday April 13, 2013 - 21:23:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Qodob Oo ay Kala Saxeexdeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya iyo Muhiimada U Leeyahay Heshiiskani.

    Ankara(Xogreebnews) waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey shir lama maalmood uga socday somaliya iyo somaliland magaalada ankara ee xarunta dalka turkiga shirkaasi oo lagaag hadlayay qodobo lagu macneeyey inay labada xukuumadoodba dan u yihiin waxana lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara(Xogreebnews) waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey shir lama maalmood uga socday somaliya iyo somaliland magaalada ankara ee xarunta dalka turkiga shirkaasi oo lagaag hadlayay qodobo lagu macneeyey inay labada xukuumadoodba dan u yihiin waxana lagu kala saxeexday 7 qodob ah.
Ankara(Xogreebnews) waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey shir lama maalmood uga socday somaliya iyo somaliland magaalada ankara ee xarunta dalka turkiga shirkaasi oo lagaag hadlayay qodobo lagu macneeyey inay labada xukuumadoodba dan u yihiin waxana lagu kala saxeexday 7 qodob ah.
iyada oo labada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saacado qaatay oo ay maanta ku yeesheen halkaas.


Heshiiskan oo ka kooban toddoba qodob ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya iyo Somaliland ay wadaagaan deeqaha dibadda laga helo iyo inay kawada shaqeeyaan ammaanka deegaaannada ay ay ka kala taliyaan.

Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxay kala ahaayeen:

In lasii wado wadahadallada u dhexeeya labada dhinac
In qodobbadii kasoo baxya shirarkii London iyo Dubai ee horay loo gaaray la dhowro
In beesha calaamku ay ka taageerto wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland dhinaca farsamada ayna dhiirigeliso.
In si wadajir ay dhinacyadu uga shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo tababarrada
In labada dhinac ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Soomaaliya hesho
In saddex bilood gudahood lagu qabto Istanbuul shir kale oo lagu dhameystirayo qodobbadii la isku afgaran waayay intii uu shirku socday.
In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara qodobbadan lagu heshiiyay iyo sii socoshada wadahadallada.

Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada dalka Turkiga ayaa waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiisay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo dhinac Somaliland uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Cabdullaahi Cumar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured