Guul-darooyinka Siyaasadeed ee Wasiir Samaale iyo Dhaqaale Xumadda Dalka oo gil-gilay Madaxtooyada

0
Saturday January 04, 2014 - 20:29:13 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guul-darooyinka Siyaasadeed ee Wasiir Samaale iyo Dhaqaale Xumadda Dalka oo gil-gilay Madaxtooyada

    Maamulka dawliga ahi waa haggaha hayaanka Bulsho ee dhinaca wanaagsan, hadii aan loo meel deyina wuxuu ka tuuraa haadaan dadka iyo dalka lagu aaminay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka dawliga ahi waa haggaha hayaanka Bulsho ee dhinaca wanaagsan, hadii aan loo meel deyina wuxuu ka tuuraa haadaan dadka iyo dalka lagu aaminay. Somaliland waxay ku soo caano maashay Maslax siyaasaddeed iyo mawqif qaran oo dadka meel ka wada taagan, taasoo hadba cidda masuuliyadda qaranka loo dhiibaa ahayd kuwa ka turjuma midnimada umadda somaliland.
Hadaba isbedelkii siyaasaddeed ee saddex sanadood ka hor dalka ka dhacay wuxuu ahaa mid ku yimi rejo iyo rabitaan dadweyne oo la doonayay in dalka lagu horumariyo, hase ahaateewaxa muuqata in masuuliyiin xukuumadda isbedelkaa ku dhalatay ku jiraa ay meesha ka saarayaan Himiladii shacbiga ay u sawireen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye.

Waxa jira wasiirro xukuumadda ka mida oo kuraasta umadda loogu dhiibay uga faa’idaystay dano shakhsi ah iyo doonistooda gaarka ah, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee hada Cabdi-casiis Maxamed Samaale.
Wasiirradaasi ayaa boog damqasho iyo caabuq badan qabta u yeelay nidaamka dimuquraadiyada ku yimi ee uu hogaaminayo Muj. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Hadaba, Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mida Wasiirrada aynu kor ku soo sheegnay ayaa xukuumadda u soo jiiday dhaleecayn la xidhiidha shaqaaleysiin qabiil ku salaysan, Cashuuro xad dhaafa oo umadda lagu soo rogay, siyaasad la’aanta hagida dhaqaalaha waddanka iyo qorshe la’aanta Hay’addaha dakhli soo saarka oo sababtay in Boqolkiiba tiro ka mida cashuuraha waddanka ee ku jiray Odoros miisaaniyadeedyadii intii uu xilka hayay la soo xareyn kari waayay.
Gadoodka iyo qaylada ka soo yeedhaya Bulshada jilicsan ee xoogsatada iyo xamaalatada isugu jirtaa, waxay inta badan salka ku hayaan culayska cashuuraha la saaray ee aan loo eegin duruufahooda dhaqaale iyo derejooyinka Cashuur bixiyeyaasha .
Gadoodka Shacbi ee ka dhashay Kordhinta Cashuuraha aan cilmiga ku dhisanyn, waxay sababeen Hoos u dhac dhaqaale oo waddanka ku baahay,waxaana dhacday in iyadoo aanay dadkeenu markii horeba u bislayn bixinta cashuurta, intii yarayd ee bixin jirtay meesha ka baxdo.
Waxa kale oo ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad ka cadhooday Kordhinta cashuurta, sida Rabshadihii ka dhacay Magaalada Hargeysa dhawaan ee ka dhashay shaqo joojinta Gaadiidka Booyadaha iyo biyo la’aantii ku habsatay caasimadda dalka.
Dhamaan arrimahaasi waxay ku yimaadeen qancin la’aan dadweynaha uu ku qancin kari waayay cashuuraha lagu kordhiyay, iyadoo uu wakhtiyada qaar cabashooyinkii loola tegay wajiga u saaray dhinaca Madaxtooyadda .
“Wasiirka Maaliyadda markii aanu u taagnay wuxuu nagu yidhi lacagtaa madaxtooyada ayaa laga kordhiyay oo qaadanaysa ee anigu shaqo kuma lihi”sidaasi waxa yidhi mid ka mid Gaadiidleydii Booyadaha Biyaha ee shaqo joojinta sameeyay oo warbaahintu wax ka waydiisay inay cabashadooda u gudbiyeen wasaaradda Maaliyadda.
Waxaanay taasi muujinaysaa aqoon darada siyaasaddeed ee wasiirka u hanqal taagaya inuu hogaaminta dalka ku tartamo Mustaqbalka dhow, taasoo xataa hunguri jab ku noqoysa dadka la dhacsan qorshihiisa siyaasadeed, kuwa kalena ka sii fogaynaysa.
Intii uu wasaaradda joogay waxyaabaha kale ee uu ku kacay waxa ka mida shaqaalaysiin qabyaalad iyo eex ku dhisan, taasoo uu ka foodh yeelay Gobolka uu ka soo jeeddo ee Gabiley iyo Ashkhaas uu ka leeyahay dano siyaasaddeed.
Wasiir Samaale sida laga war qabo wuxuu guul-darooyin siyaasaddeed kala soo kulmay loollano badan oo uu u galay hogaaminta xisbiga talada haya ee Kulmiye , taasoo kama dambeystii laga soo tuuray Madaxtooyada oo xiliyadda qaar loo aanaynayay inay wadato, isla markaana ku garab taagantahay in Gudddoomiyeha xisbiga ee shanta sanadood ee soo socota isaga loo dhiibo.
Waxa uu soo bilaabmay Ololihiisa siyaasaddeed eeuu damacsanaa inuu ku hanto Kursiga ugu sareeya xisbiga kulmiye oo uu kharash badan iyo wakhti badan ku lumiyay, bilowgii ama ku dhawaaqistii Shirkii Hoodaale ee ka dhacay degmada Agabar ilaa xulistii Guddida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye, oo uu lacag adag ku bixiyay sidii u hogaankooda u maroorsan lahaa, isla markaana hogaankooda uga dhigi lahaa kuwo isaga daacad u ah.
Laakiinse wuu ku guul-daraystay waxaanu kala kulmay duufaan siyaasaddeed oo dab ku riday hankii iyo himiladii ku jirtay oo noqonatay Hadhuub madhan, ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo war cad ugu sheegay inuu soo kala doorto Kursiga Wasaaradda Maaliyadda iyo raadinta Guddoomiyenimada Kulmiye.
Waxaasoo guul-darooyin ah iyo kuwo kale oo wali soo socda marka la eego ficiladda uu samaynayo iyo Maan-gaabnimada ka muuqataa, waxay madaxtooyadda dalka looga arrimiyo u soo gaadhayaan si joogto ah, taasoo inta badan madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ka mashquulisa hawlahooda shaqo ee u yaala.
Sidaasi darteed filashooyin hor dhaca oo soo baxaya ayaa muujinaya in wasiirka Maaliyaddu kow ka yahay xubnaha xukuumadda ku jira ee ay saaftu qaadan doonto isku shaandheyn Madaxweynaha laga filayo bisha feberaury ee sanadkan curtay.
sababtooy tahay waxa la aaminsanyahay inuu dhaawac siyaasaddeed iyo mid dhaqaaleba u soo jiiday mudadii uu xilka hayay qaranka, khaasatan xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda.
Dhaqaaleyahan: Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud (Xamdule)
Hargeysa/Somaliland
Email: xundule01@gmail.com
Tel: 0634133314 Telesom.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured