Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Dalka Turkiga Oo Fashilmay Ka Dib Markii Labada Dhinac Ay Isku Afgaran Waayeen Qodobadii Heshiiska, Ma Jirto Wax Qaraar Ah Oo Laga Soo Saaray

0
Saturday April 13, 2013 - 19:41:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Dalka Turkiga Oo Fashilmay Ka Dib Markii Labada Dhinac Ay Isku Afgaran Waayeen Qodobadii Heshiiska, Ma Jirto Wax Qaraar Ah Oo Laga Soo Saaray

    Ankara (xogreebnews13/04/2013— Waxaa goor dhawayd ku soo gebo-geboobay xarunta shirarka ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga kulan fool ka fool ah oo ay yeesheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ankara (xogreebnews13/04/2013— Waxaa goor dhawayd ku soo gebo-geboobay xarunta shirarka ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga kulan fool ka fool ah oo ay yeesheen
Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Dalka Turkiga Oo Fashilmay Ka Dib Markii Labada Dhinac Ay Isku Afgaran Waayeen Qodobadii Heshiiska, Ma Jirto Wax Qaraar Ah Oo Laga Soo Saaray


Ankara (xogreebnews13/04/2013— Waxaa goor dhawayd ku soo gebo-geboobay xarunta shirarka ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga kulan fool ka fool ah oo ay yeesheen madaxweynayaasha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dib kulano seddexdii maalmood ee ugu danbeeyey ka socday dalka Turkiga oo u dhexeeyey labada dal.
Ma Jirto habayaraate nuqul laga soo saaray kulankaasi ka dib markii diblomaasiyiin Turkish ahi ay warbaahinta goor dhawayd gelinkii danbe u xaqiijiyeen in labada dhinac isla meel dhigi kari waayeen qodobadda lagu xardhayo nuqul heshiiseed wada jir ah oo labada madaxweyne ay qallinka ku duugaan.
Sida wergeyska The Today Zaman ee ka soo baxa magaalada Ankara ee dalka Turkigu uu boggiisa hore ku xardhay goor dhawayd waxaa dhici doona kulano labaad oo ay labada madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud la yeelanayaan madaxweynaha dalka Turkiga Abdalle Gul iyo ra’isal wasaaraha dalka Turkiga Erdokan kaasi oo la filayo inuu dhaco maalinta berri ah.
Maxaa La Isku Mari Waayey
Sida diblomaasiyad Turkish ah oo magaceeda ku koobtay Ayesha ay shabakaddani Halbeegnews ugu xaqiijiyey khadka isgaadhsiinta internetka guddiyada farsamada labada dhinac ay shallay iyo dorraadba waxay isku mari la’aayeen hal qodob oo labada dhinac ay aragti aad u kala fog ka lahaayeen, qodobkaasi oo ah ergada Soomaaliya oo doonaysay in ajandaha lagu daro waxaa laga yeelayo qaddiyadda midnimada ama madax banaanida Somaliland, balse dhinaca Somaliland ergada ka socota ayaa iyagu diiday qodobkaasi iyagoo sheegay in aanay awood u lahayn inay qaddiyaddaasi miis dushii lagaga hadlo iyagoo ku sababeeyey inay tahay go’aan u yaalla shacabka ay matalayaan balse aanay awood u lahayn inay wax ka bedelaan ama ku kordhiyaan arrintaasi.
Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa dabadeed maanta intaanu kulanka labada nin dhicin wuxuu midba gaar ula yeeshay kulan isagoo Ahmed Davatalgu isku dayey inuu bisleeyo heshiis ay labada dhinac ku soo saaraan qaraar lagu sii ambaqaado wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya
Maxay Somaliland Ka Doonaysa Kulankani
Sida diblomaasiyadda dalka Turkiga ah ee magaceeda ku koobtay Ayesha u sheegtay Halbeegnews ergada dhinaca Somaliland ayaa ku doodaya in wada hadaladda lagu koobo qodobo u aas aasi ah xidhiidh ay labada dhinac yeeshaan sida xidhiidhka ganacsiga, iskaashiga dhinaca argagixisada, budhcad badeeda iyo in labada dhinac yeeshaan xidhiidh dhinac diblomaasiyadeed.
Marwo Ayesha oo aanu weydiinay bal waxay ka fahantay arrimaha Somaliland ku doodayaan ayaa waxay sheegtay in qodobadaasi ay yahiin qaar si murginaya wada hadalka maadama ayey tidhi qaddiyadda ugu muhiimsan ee in la bisleeya oo xal laga gaadha tahay sida uu ku danbaynayo midnimada ama kala madax banaani Somaliland iyo Soomaaliya yeeshaan.
Maxay Soomaaliya Ka Doonaysa Wada Hadalkani
Markaad u eegto dhinaca Soomaaliya iyagu wada hadalkani niyad siyaasadeed oo buuran uma hayaan sababo isbiirsaday awgeed oo maamulka Muqdisho ka haysta siyaasadda dalka Soomaaliya, arrinta wada hadaladda Somaliland waxaa kaga culus ta jubooyinka oo maamulka Xasan Sheekh Maxamuud maalmahii ugu danbeeyey la daala dhacaayey.
Qodobka ay ku adkaysanayaan ee ay iyagu shirka la yimaadeen ayaa ah in la keeno miiska wada hadalka wada hadalo furan oo aan shuruudi ku xidhnayn isla markaana si rasmi ah looga doodi karo midnimadii Soomaaliya ee dhex martay Somaliland iyo Soomaaliya 1960-kii, taasi oo ay u arkaan inay garnaqsi caalami ah kaga heli karaan dhinaca Somaliland.
Wada Hadaladda Oo La Filayo In Hogaanka Dalka Turkigu Uu Labada Dhinac Ku Cadaadiyo Berritoole Inay Xal Gaadhaan
Maanta sida ka muuqata kulanka lagama gaadhin wax horumar ah habayaraate mana jirto qoraal lagu heshiiyey oo ka soo baxay, waxaana la filaya in maalinta berri ah hogaanka dalka Turkiga waa madaxweynaha Abdulle Gul iyo Ra’isal wasaaraha Erdokan ay cadaadis kama danbays ah saaraan dhinaca Somaliland sidii ay uga tanaasuli lahaayeen qodobka ay ku adkaysanayaan inaan miiska la keenin. xogreebnews-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured