Somaliland oo Yeman kaga qayb gashay shir la-dagaalanka Argagixisada iyo Socdaalka ah

0
Saturday April 13, 2013 - 19:23:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Yeman kaga qayb gashay shir la-dagaalanka Argagixisada iyo Socdaalka ah

    Sanca(xogreebnews- Xukuumadda Somaliland ayaa magaalo madaxda Dalka Yeman ee Sanca kaga qayb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanca(xogreebnews- Xukuumadda Somaliland ayaa magaalo madaxda Dalka Yeman ee Sanca kaga qayb Somaliland oo Yeman kaga qayb gashay shir la-dagaalanka Argagixisada iyo Socdaalka ah
Sanca(xogreebnews- Xukuumadda Somaliland ayaa magaalo madaxda Dalka Yeman ee Sanca kaga qayb gashay shir ku saabsanaa la dagaalanka Argagixisada iyo Arrimaha Socdaalka oo ay ka soo qayb galeen Dawladda Somaliya, Puntland iyo Somaliland, shirkaasoo lagu casuumay 25 xubnood oo ka kala socday sadexda qaybood.Shirkan waxa dhinaca Somaliland uga qayb galay Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland C/laahi Abokor, Taliye ku-xigeenka Booliiska C/raxmaan Axmed Liibaan Fooxle, Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf iyo sarkaal kale oo ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha. Halka dhinacyada kalena ay uga qayb galeen wasiiro dhigooda ahi.Shirkaasi waxa lagaga wadahadlay sidii Dawladda Yeman, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga UNHCR ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Qaxoontiga Somalida ah taasoo ay hoos imanayaan arrimaha Socdaalka iyo la dagaalanka Argagixisadu maadaama Dalka Yeman ay ku nool yihiin Somali qaxoonti ah kuwaasoo aanay kala cadayn waxa ay yihiin.Dawladda Somaliland waxa ay dhawaan sidan oo kale uga qayb gashay kulan noocan oo kale ah oo ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Sirdoonka iyo saraakiil kale waxaana lagaga wadahadlayay sidii ay Somaliland iyo Dawladda Yeman isaga kaashan lahaayeen dhinaca Xog isweydaarsiga dhaqdhaqaaqyada ay labada Dal ka wadaan kooxaha Argagixisada ahi.Masuuliyiinta Somaliland oo aanu isku daynay inaanu ka waraysano shirkaasi waxa Somaliland uga soo kordhay ayaa Telefoonadooda ka jawaabi waayay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured