Wararkii U Dambeeyay Ee Wada Hadalka Turkiga Ka Socda, Qodobada Ay Somaliland Soo Bandhigtay Iyo Kuwa Ay Somaliya Madasha Keentay.

0
Saturday April 13, 2013 - 19:20:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii U Dambeeyay Ee Wada Hadalka Turkiga Ka Socda, Qodobada Ay Somaliland Soo Bandhigtay Iyo Kuwa Ay Somaliya Madasha Keentay.

    Hargeysa(xogreebnews..13, 2013 - Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo khamiistii ka furmay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, ayaa la filayaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada Ankara ee isla wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews..13, 2013 - Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo khamiistii ka furmay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, ayaa la filayaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada Ankara ee isla wadankaas.
Wararkii U Dambeeyay Ee Wada Hadalka Turkiga Ka Socda, Qodobada Ay Somaliland Soo Bandhigtay Iyo Kuwa Ay Somaliya Madasha Keentay.
Hargeysa(xogreebnews..13, 2013 - Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo khamiistii ka furmay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, ayaa la filayaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada Ankara ee isla wadankaas.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay fiidkii gaadhay magaalada Ankara, waxaanay kulan yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Labada Madaxweyne, waxa la filayaa inay wada saxeexaan war-murtiyeed ka soo bixi doona kulamadii khamiistii iyo Jimcihii dhex maray ergooyin ka kala socday labada dawladood oo ka sii horeeyay labada Madaxweyne.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, ayaa warsaxaafadeed kooban oo ay xalay soo saartay, waxay ku sheegtay inay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ay yeelan doonaan kulan lagu xalinayo khilaafaadka ka dhex jira Somaliland iyo Somaliya. Waxa kale oo ay wasaaradu sheegtay inay labada madaxweyne kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Turkiga Cabdalle Guul, Raysalwasaaraha Turkiga Tayyip Erdogon iyo masuuliyiin kale, waxaanay wasaaradu intaas raacisay in Turkigu sii wadi doono taageeradiisa sidii ay Somaliland iyo Somaliya khilaafkooda ugu xalin lahaayeen wada hadal. Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ayaa la filayaa inay saaka wada jir ula quraacdaan Madaxweynaha Turkiga.
Waxa jira qodobo ay ergada labada dhinac ka kala socotay isku mari weyday oo u muuqda inay caqabad ku noqon karaan wada hadalada Turkiga. Tusaale ahaan, dawladda Somaliya ayaa soo bandhigtay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin, in siyaasiyiinta Somaliland loo ogolaado inay u safraan Muqdisho, in shirarka lagu qabanayo gudaha Somaliya sida Garoowe ama Kismaayo lagu qabto Hargeysa oo ay Somaliland-na ogolaato iyo in Somaliland ka qayb gasho shirka London, halka ay Somaliland la gole tagtay in Somaliland loo madaxbanaaneeyo mashaariicdeeda iyo khayraadkeeda, in mucaawinooyinka loo qaybsado si’ siman iyo in loo wada hadlo laba dhinac, qodobkan oo la sheegay inay Somaliland ku doonayso inay ka ansixiso dawladan, maadaama oo dawladii Sheekh Shariif ee hore u ogolaatay ay ahayd mid ku meelgaadh ah.
Sida ay wararku sheegayaan dhinac waliba wuxuu diiday qodobada uu dhinaca kale soo jeediyay. Waxaana ilaa xalay saqdii dhexe lagu jiray isu soo dhawaynta labada wefti ee ka kala socda Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshe maadaama ay labada madaxweyne saaka wada jir ula quraacanayaan Madaxweynaha Turkiga, waxa muhiim ah in la soo saaro maanta war-murtiyeed la wada saxeexo qodobada uu doonaa ha ku jiraane.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured