Suldaan Maxamed S.C/Qaadir Oo Ugu Baaqey Xukumada Siilanyo Iyo Salaadiinta Reer Hargeysa Inay Farogelinta Ka Daayaan Ololaha Doorashada Maayarka Hargeysa

0
Saturday April 13, 2013 - 19:12:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Maxamed S.C/Qaadir Oo Ugu Baaqey Xukumada Siilanyo Iyo Salaadiinta Reer Hargeysa Inay Farogelinta Ka Daayaan Ololaha Doorashada Maayarka Hargeysa

    (xogreebnews- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta degaanka Hargeysa oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland ayaa ka digay in farogelin lagu sameeyo doorashada Maayarka Hargeysa oo banaanatey ka dib markii uu geer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta degaanka Hargeysa oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland ayaa ka digay in farogelin lagu sameeyo doorashada Maayarka Hargeysa oo banaanatey ka dib markii uu geeriyoodey Maayarkii Hore Eng.Yuusuf Warsame Saciid
Suldaan Maxamed S.C/Qaadir Oo Ugu Baaqey Xukumada Siilanyo Iyo Salaadiinta Reer Hargeysa Inay Farogelinta Ka Daayaan Ololaha Doorashada Maayarka Hargeysa

(xogreebnews-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta degaanka Hargeysa oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland ayaa ka digay in farogelin lagu sameeyo doorashada Maayarka Hargeysa oo banaanatey ka dib markii uu geeriyoodey Maayarkii Hore Eng.Yuusuf Warsame Saciid.

Suldaan Maxamed S.Cabdiqaadir wuxuu ku baaqay in farogelinta iyo gacan bidixaynta laga daayo ,fursad iyo jaanisna la siiyo Xildhibaanada Golaha Degaanka Hargeysa si ay iyagu u doortaan,una xushaan xubinta ku haboon ee hanan karta maamulka Maayarnimada Caasimada.
Suldaan Maxamed wuxuu si gaara farta ugu fiiqay qeybo ka mid ah bulshada sida Salaadiin,Siyaasiyiin,Xubno Barlamaan iyo masuuliyiin golaha xukumada Siilanyo ka tirsan oo uu sheegay inay ololaha iyo xulashada Maayarka Hargeysa faraha kula jiraan ama dhex botorinayaan,wuxuuna ku taliyey inay faraha kala baxaan ololaha oo loo gacan baneeyo xildhibaanada Golaha degaanka si xubinta ay rabaan u soo xushaan.
Suldaanku wuxuu daaha ka feyday in Reer walba Xildhibaano ama xubno golaha degaanka Hargeysa kaga jiraan taas darteed madax dhaqameedku faraha kala baxaan ololaha oo Xildhibaanada isu dayaan si xubinta ugu haboon u xushaan.
Geesta kale Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Madax-dhaqameedka Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa shaaciyeen inay kala reebeen loolan u dhexeeyay laba Xildhibaan Cabdiraxmaan Soltelco iyo Cismaan Waxar oo mid waliba dhinaciisa gucle iyo orod ugu jiro sidii uu ugu fadhiisan lahaa kursiga maayarnimada ee Marxuum Yuusuf Warsame Saciid ka baxay!.
Isku soo wada duuboo inkastoo ololaha Maayarnimada weli aanu meel saldhigin ,soona muuqan weli Xildhibaan haysta aqlabiyada codadka golaha degaanka Hargeysa haddana waxaa quudaraynaya kursiga Maayarnimada xubno Doora oo aan ka xusi karno Cabdicasiis Caga-weyne oo ah Maayar xigeenka,Cabdiraxmaan Soltelco,Cismaan Waxar,Cabdirisaaq Qawdhan Iyo Saleebaan Dogox.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured