Xil Ka Qaadis Lagua Sameeyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Ee Saldhiga Sadexaad Oo Sababtay In Askar Ka Tirsani Gadoodo Iyo Maamulka Badhan Oo Haawanaya

0
Saturday April 13, 2013 - 19:09:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil Ka Qaadis Lagua Sameeyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Ee Saldhiga Sadexaad Oo Sababtay In Askar Ka Tirsani Gadoodo Iyo Maamulka Badhan Oo Haawanaya

    Xaaladda Sanaag Barri Oo U Baahan In Ay Xukuumaddu Talaabo Deg Deg Ah Ka Qaado Sidii Gacanta Loogu Hayn Lahaa, Gaadhi Tikniko Ah Iyo Askar Saran Oo Ka Soo Goosatay Khaatumo Ayaa Soo Galay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda Sanaag Barri Oo U Baahan In Ay Xukuumaddu Talaabo Deg Deg Ah Ka Qaado Sidii Gacanta Loogu Hayn Lahaa, Gaadhi Tikniko Ah Iyo Askar Saran Oo Ka Soo Goosatay Khaatumo Ayaa Soo Galay Somaliland Ceerigaabo, April 13, 2013 (xogreebnews) — Ciidankii Qaranka Saldhiga sadexaad ee Ceerigaabo ayaa ka gadooday Amar khamiistii xilka lagaga qaaday Taliyahoodii Suldaan Muuse Jaamac Dalaf, kaasoo la sheegay in Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka gaashaandhigu si wadajir ah uga qaadeen, kadib markii lagu Eedeeyay in uu ka danbeeyay Askar tababar kaga jirtay Dugsiga Bixin oo ka dareertay.Sida ay ilo u dhuun daloola dhacdadani Waaheen u xaqiijiyeen Wasiirka gaashaan dhiga Somaliland Axmed X Cali Cadami oo ka soo jeedaa Barriga Sanaag ayaa la sheegay in uu khamiistii Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ku booqday Taliyaha Ciidanka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, kaasoo uu u gudbiyay Eeda Taliyaha khamiistii la bedelay, waxaanay taasi sababtay in Ciidankii Qaranka ee Saldhiga sadexaad ka cadhoodaan Xilk qaadista lagu sameeyay.Dhinaca kale, Gobolka Sanaag Barri ee Somaliland oo wakhtigan Loolan adagi ku dhex marayo Maamulkiisa inay la wareegaan kooxo ka socda Puntland iyo Kooxda Al-shabaab oo heeryadda soo dhigatay ayaa wararka ka soo baxayaa sheegayaan in ay fursad siiyeen Madaxdii Somaliland ee Gobolkaasi oo aanu mid qudh ahi ka joogin Gobolkii.Sida wariyaha Waaheen ee Gobolkaasi ku sugani ku soo waramayo Taliyaha qaybta Booliiska Caydiid Axmed Nuur Ceerigaabo ayaa ku sugan magaaladda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, halka Badhasaabka Goblakaasi Sanaag Barri C/xakiin Axmed uu ku sugan yahay Hargeysa.Sidoo kale Ku-xigeenka badhasaabka Gobolka Sanaag Barri Maxamed Faarax Cumar ayaa muddo ku dhaw laba sano iyo dheeraad ku sugan Dalka Itoobiya, halka Xoghayaha gobolkaasi isna muddo ku dhaw sadex sano Hargeysa iska fadhiyo.Ka maqnaanshaha Masuuliyiinta ugu saraysa Gobolkaasi ee dhinaca Somaliland ayaa dhaliyay in Gobolkaasi qarka u saarnaado Maamulkii ka jiray in uu faraha ka sii baxo isla markaana u gacan galo labada kooxood eek u hirdamaya midkood.Wasiirka gaashaan dhiga Somaliland oo ka mid ah siyaasiyiinta Gobolkaasi ayaa had iyo jeer ku mashquulsan xalinta arrimaha Goboladda kale ka dhaca oo uu Madaxweyne Siilaanyo u dirto, halka Goboladii uu ka soo jeedayna ay ka sii firdhanayaan Somaliland kadib markii ay waayeen siyaasad cad oo madaxda meteshaa kula macaamilooto.Axmed X Cali Cadami oo ah Oday wayn oo ruug cadaa ku ah dhinaca hadalka iyo maamulka ayaan inta badan ka war heynin deegaanka uu ka soo jeedo halka aad ku arkayso isagoo ku mashquulsan hawlo kale.Dhinaca kale War ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas- Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle), oo lagu baahiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Gaadhi Tikniko ah oo ay la socdeen 14 askari ay ka soo goosteen kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo-seeg.Warku waxa uu intaasi ku daray in Ciidankani ay shalay galab abaaro 5:00 Galabnimo ay u soo galeen ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay jiida Gambadha ee gobolka Sool.Taliyaha ciidanka qaranku waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in kooxdan oo ka soo goostay maleeshiyada nabad diidka ah ee jiida Taleex ay go’aankan qaateen ka dib markii ay ku baraarugeen inaanu jirin wax qorshe ah iyo rajo ah oo ay kooxda Khaatumo u hayso.Taliyaha Ciidanka qaranku waxa uu hore u sheegay inay soo dhaweynayaan cidii ka mid ah dhalinyarada la hubeeyay ee kooxaha nabad diidka ahi maskaxda ka khaldeen ee ka baxa falalka nabad diidku geliyeen


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured