Dhallinyarada Beesha Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo Taageeray Qabanqaabada Shirweynaha Beeshoodu Qabsanayso

0
Friday April 12, 2013 - 22:11:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyarada Beesha Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo Taageeray Qabanqaabada Shirweynaha Beeshoodu Qabsanayso

    Hargaysa (xogreebnews)- Shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen in ka badan 500 xubnood oo ka mid ah dhallinyarada beelaha woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse), ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (xogreebnews)- Shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen in ka badan 500 xubnood oo ka mid ah dhallinyarada beelaha woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse), ayaa
Dhallinyarada Beesha Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo Taageeray Qabanqaabada Shirweynaha Beeshoodu Qabsanayso

Hargaysa (xogreebnews)- Shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen in ka badan 500 xubnood oo ka mid ah dhallinyarada beelaha woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse), ayaa si buuxda loogu taageeray shirweynaha qabanqaabadiisa la iclaamiyey oo beeshoodu kaga arrinsan doonto danaheeda gaarka ah.
Dhallinyaradu waxay si aanay u kala hadhin u taageereen shirweynaha qabanqaabadiisa muddada dheer la soo waday iyo xubnaha guddiga cusub ee loo xilsaaray qabanqaabada ee beeshu samaysatay, arrintaas oo ay ku tilmaameen tallaabo horumar leh oo loogu qaaday sidii beeshu uga arinsan lahayd aayaheeda

Shirka dhallinyarada beesha Sacad Muuse oo ku qabsoomay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa habeennimadii Jimcaha, ayaa ka qaybgalayaashu waxay ku falanqeeyeen arrimaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in lagu lafoguro shirweynaha guud ee beeshoodu qabsanayso, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo sidii dhallinyarada beeshu taageero buuxda ugu fidin lahaayeen qabsoomidda shir-beeleedka qabanqaabadiisa lagu dhawaaqay.

Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada shirka Dhallinyarada Beesha Sacad Muuse Mr. Cabdillaahi Maxamed Axmed oo ka hadlay furitaankii kulankaas, ayaa tafaasiil dheer ka bixiyey baahida loo qabo in dhallinta beeshu u midoobaan dhammaan xaaladaha kala duwan ee gedaaman, sidoo kalena taageero buuxda ugu muujin lahaayeen shirweynaha beeshoodu kaga arrinsanayso danaheeda oo la filayo inuu dhowaan qabsoomo.


Sidoo kale, waxa iyaguna kulankaas ka hadlay xubno tiro badan oo ka mid ah dhallinyarada beeshaas, kuwaasoo caddeeyey inay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin shirweynaha beesha Sacad Muuse u ballansan tahay.

Dhinaca kale, waxa kulankaas ku lammaanaa xaflad ay xilka kula kala wareegeen hoggaankii hore ee guddiga dhallinyarada beesha Sacad Muuse iyo masuuliyiin cusub oo loo doortay hoggaaminta ururka Dan-wadaag oo ay ku midoobeen dhammaan dhallinyarada beeshaas, iyadoo guddoomiyaha cusub ee ururka loogu doortay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured