Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo Qeylo Dhaan Culus ka Bixiyay Khasaaraha Roobabku Soo Gaadhsiiyeen Dhulbeereedka Caada

0
Friday April 12, 2013 - 22:05:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo Qeylo Dhaan Culus ka Bixiyay Khasaaraha Roobabku Soo Gaadhsiiyeen Dhulbeereedka Caada

    Gabiley(xogreebnews)-Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa Baaq qeylo dhaan culus ah ka bixiyay Khasaaraha ay Roobabku soo Gaadhsiiyeen dhulbeereedka Deegaanka Caada oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley(xogreebnews)-Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa Baaq qeylo dhaan culus ah ka bixiyay Khasaaraha ay Roobabku soo Gaadhsiiyeen dhulbeereedka Deegaanka Caada oo

Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo Qeylo Dhaan Culus ka Bixiyay Khasaaraha Roobabku Soo Gaadhsiiyeen Dhulbeereedka Caada
Gabiley(xogreebnews)-Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa Baaq qeylo dhaan culus ah ka bixiyay Khasaaraha ay Roobabku soo Gaadhsiiyeen dhulbeereedka Deegaanka Caada oo katirsan Gobolka Gabiley kadib markii ay Daadadka kasoo Rogamdey Roobabkii halkaa ka da,ay qaadeen

Xildhibaan Axmed Cali Maxamed(Sangub), oo katirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo Shabakada Wararka xogreebnews-uga Waramey Dhibaatada iyo xaalada masiibada ku habsatey Deegaankaasi ee nimacada nusqaanteeda halkaas oo ay ku baaba,een in ka badan boqolaal beerood oo kamid ah Beer biyoodada khudaarta


laga beeri jirey ee Deegaanka Caada Waxaanu xusey Xildhibaanku in ay halkaasi ku gaadheen gurmad indhaindhayn ah isaga iyo afar Xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Cali Maxamed Sheekh Saleebaan(Cali-cade),Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi, iyo Xildhibaan Cabdicasiis C/laahi Ismaaciil Xildhibaanadaas oo kormeerka ay kusoo eegayaan Xaalada Khasaaraha Roobabku gaadhsiiyeen Deegaanada Caada ugu gudbey dhinaca Degmada Agabar oo Beeraha dhinaca Waqooyi galbeed ee dhulbeereedka Degmada Agabar khasaare soo kasoo gaadhey Roobkaasi.
Xildhibaan Axmed Cali Maxamed Sangub oo ka Waramey khasaarahaasi ayaa waxa uu carabka ku dhuftey in aanu khasaarahaasi aheyn mid sahlan islamarkaana, ay daadadku qaadeen dhamaan beerihii Geedweynta khudaarta ahaa iyo Dalagii kale iyo adeegyadoodiiba oo ay faro madhan joogsadeen Dadkaasi beeraleyda ee Deegaankaasi.
"Walaahi khasaare culus ayaa dadkaasi beeraleyda ah kasoo gaadhey nimcada nusqaanteeda Daadadkii kasoo rogmadey roobabkaasi curashada guga ee xiligan diraacda oo ay dadka beeraleyda ahi noo sheegeen in aan daadadkaas noocooda hore loo arag mudo hada wakhti badan laga joogo kaas oo qaadey boqol iyo shan beerood iyo dhowr iyo sideetan mishiin oo ah kuwii beeraha lagu waraabinayey iyo maacuunkii iyo wiciyadii adeegyada ay ku fushanayeen oo ay dadkaa masaakiinta ahi faro madhan joogsadeen Waxaanay xaqiiq ahaan u baahan yihiin Gurmad culus oo Xukuumada dhexe , Ganacasato, Golahayaga Deegaanka ee ay soo doorteen iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Gabiley iyo umada Reer Somaliland maanta ajar badan iyo xasanaad ayaa laga helayaa Gurmadkooda dadkaasi, waxaanay beerihii ka noqdeen dooxyo oo waad anfariireysaa markaad aragto sida ay daadadku ujeexeen Beerihii masaafo ayaanu lugeynay"Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Cali Maxamed(Sangub).
Waxa kale oo Xildhibaanku intaa ku darey hadalkiisa "Aad ayaa looga naxayaa markaad aragto sida ay dadkaasi faro madahn u joogaan Gurmad baanay maanta u baahan yihiin xoog leh illaahay ayaa Gurmad weyn u haya haseyeeshee, la inoogama baahna in aynu ku daawano sidan Hadey Xukuumad tahey, hadey Shacbiga tahey, hadey Gnacasatada, tahey hadey Qurba joogeena tahey, iyo hadey yihiin Hay,adaha dalka inala jooga waa masiibo culus oo nimcada Nuqsaanteedii ka timid oo Gurmad culus u baahan, anaga Gole Deegaan ahaan Waxaanu u diyaarinay Gurmad wixii awoodayada ah sida ugu dhakhsaha badan ayaanu fileynaa in loo gaadhsiiyo Maayarkuna wuu ka warhayaa oo wey ka hadleen isaga iyo Gudoomiyaha Gobolkuba waxaana khasaarahani saameyn kuyeeshay ilaa sadex boqol oo qoys oo beerahaasi wada beeran jirey waxaana muhiimadu tahey in noloshoodii gargaar degdeg ah lala gaadho oo cuno lala gaadho oo mahaystaan xataa dhuunigii"Ayuu yidhi Xildhibaan Sangub.
Gabagabadii hadalkiisa waxa uu Xildhibaanku Sheegay in aan layreysan karin xaalada deegaankaasi ku sugan yahey marka lagu daro dhinaca Degmada Agabar.
Khsaarihii ugu cuslaa ee noociisa ah ayaa tan iyo intoo Roobabku curteen soo gaadhey Dadka Beeraleyda ah ee Deegaanka Caada kuwaas oo faro madhan ka taagan dhuuni iyo Adeeg kaleba islamarkaana, ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin dadkaasi xaalad walaac badan leh oo soo waajahdey noloshooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured