Muniirka Somaliland today lehi Wuxuu Shaqo Ka Dhigtay Aflagaadada Xubno Ka mid ah Wasiirada iyo Ganacsatada Dalka. Qormadii 1 aad:

0
Friday April 12, 2013 - 19:37:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muniirka Somaliland today lehi Wuxuu Shaqo Ka Dhigtay Aflagaadada Xubno Ka mid ah Wasiirada iyo Ganacsatada Dalka. Qormadii 1 aad:

    (xogreebnews.-Waxaa maal mahan saxaafada Somaliland ku soo baxayay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku soo qorayey muniirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.-Waxaa maal mahan saxaafada Somaliland ku soo baxayay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku soo qorayey muniirka


(xogreebnews.-Waxaa maal mahan saxaafada Somaliland ku soo baxayay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku soo qorayey muniirka Somaliland today lehi, warakaasi oo iskugu jiray qaar uu wax kaga sheegayey xubno ka mid ah wasiirada iyo ganacsatada dalka Somaliland, hadii aynu dib u yara milicsano wararka uu ninkaasi lagu magacaabo muniir ka qoray masuuliyiintaasi kala duwan waxaa ka mid ahaa war aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ka sheegay ganacsade ina geelle oo uu sheegay in uu masuq-maasuq weyn ka geystay tv.ga qaranka Somaliland, warkaasi oo ahaa mid been abuur ah waayo marka horeba talada dalka waxaa loo dhiibay waxay ahayd xukuumada ee may ahayn nin ganacsade ah, sidaasi daraadeen waxay shacabka reer Somaliland la yaabeen warka uu qoray yarkaasi yare e muniir ee samaynstay Somaliland today oo websit ah iyo jaraa’idba ah taasi oo loogu talo galay in lagu aflagaadeeyo masuuliyiinta reer Somaliland eek ala duwan hadii ay ahayn lahayd ganacsato,qaar ka mid ah wasiirada iyo dadka kale ee magaca ku dhex leh bulshada dhexdeeda.

Waxa kale uu wiilkaasi yare qoray war sheegaya in uusan wasiirka duulsita iyo gadiidka circa Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi uusan aqoon u lahayn luuqada ingiriisiga sidaa awgeedna uu agaasimihii guud ee wasaaradiisa u kaxaystay in uu ka caawiyo ku hadalka luuqada ingiriisiga, arintaasi ayaa ah mid been ah oo waayo wasiirka duulista Somaliland maxamuud xaashi cabdi waa nin dalka ingiriiska joogay in ka badan 10 sanno, sidoo kalena waa nin aqoon yahay ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala horeeyey ee Somaliland soo maray, markaa wiilkan yare e muniir ee caadaystay bar yahan danbe cayda ganacsatada iyo xubno ka wasiirada Somaliland, hadaba bal hadii aan wax yar dib u eego taariikhda muniir waxa uu ahaa wiil yar oo waqti aan fogeyn soo galay magaalada berbera halkaasi oo uu shaqadii ugu horeysay ka bilaabay bacadle isaga oo dharka ku iibin jiray halkaasi in mudo ah, waxa kale oo u ka shaqeeyey hudheelo ku kala yaalay berbera iyo Hargeysa, inkasta oo uu xiliyadii isagu ka yimid dhinaca tuulyinka barriga burco dhalinyaradi ay waqtiyadaasi ay is barteen ku tilaamaameen in uu yahay wiil ay madax martay qabyaaladu oo hadii uu sheegaynayo iyo hadii kaleba uu ka sheekeeyo qabiilkooda ayaa hadana waxa uu baryahan danbe ee uu ku soo biiray saaxadda saxaafada u cadaystay aflagaada dadka maagca ku dhex leh bulshada, inkasta oo aan la sheekaystay dad aniga iiga aqoon badani waxay ii sheegeen in uu wiilkan yare e muniir uusan wax aqoon ah oo ku saabsan dhianca saxaafada meelnaba ku soo qaadan balse ay u saamaxday dad reer Somaliland ah oo gacan ka siiyey sidii ay ugu soo dari lahaayeen saaxadda saxaafada .

Wiilkan yare e muniir ayaa waxa uu waqtiyadii xukuumada madaxweyne siilaanyo ku guulaysatay talada dalka waxa uu ku soo biiray bahda tv.ga qaranka isaga oo ahaa wariyayaasha ka soo warama dalka ingiriiska, ayaa hadana wuu iskaga yimid isaga oo ka faa’iidaysanaya gacan saar dhaw oo uu la samaystay wasiir xirsi kaasi oo u sameeyey websit-ka Somaliland today iyo jaraa’idka Somaliland today kuwaasi oo had iyo jeer lagu aflagaadeeyo ganacsatada iyo qaar ka mid ah wasiirada dalka, inkasta oo warar ka ag dhaw ay sheegeen in kharashka ku baxa wargesyka uu bixiyo wasiirka madaxtooyada mr xirsi ayaa hadana waxaan haba yaraatee loogu adeegin shaqada qaranka waayo hantida lagu soo saaro ahaa ah tii qaranka sidaasi daraadeed waxay ahayd in sida wargeyska Dawan uu u shaqeeyo, balse wuu ka dheereeyey in uu sidaasi yeelo, ninkan muniir iyo wargeyskiisa ayaa u baahan in hanta dhawrka qaranku si waafi ah u baadhaan waayo wargeyskaasi waxaa lagu maal geliyaa waa hantida qaranka.

Inkasta oo ay taariikhdu tahay ma guuraan ayaa hadana sida dadka ka ag dhaw ninkan yar ee muniir ay sheegeen in uu ku dadaalo sidii uu masuuliyiinta dawlada uga qadhaaban lahaa isaga oo adeegsanaya wasiir xirsi ayaan hada la joogay iyo telefankan dhacayaa waa wasiir xirsi oo arintaasi noocaasi ah ayuu igala hadlayey isaga oo ujeedadiisu tahay ka bajinta masuuliyiinta isuku jirta Wasiiro,agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada siilaanyo, hadaba wiilka yar ee sidaasi u dhaqmaya ayay dad badani is weydiinayaan bal halka u ku danbeyn doono waayo maah maah soomaaliyeedbaa tidhaahda Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa Taa Ha La Ogaado.

La soco cadadka danbe ee qormooyinkan.

Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Emai:c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured