War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Xafiiska Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Shirka cheneve

0
Friday April 12, 2013 - 19:37:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Xafiiska Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Shirka cheneve

    (xogreebnews.-wasiirka wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.-wasiirka wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo
War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Xafiiska Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Shirka cheneve

(xogreebnews.-wasiirka wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa wuxuu ka qayb galay shir caalamiya oo lagu qabtay magaalada Cheneve ee Dalka Swisszerthland, halkaasoo uu ka dhacay heshiish muhiim ah oo waxtar weyn u leh qaranka Somaliland. Wasiirka iyo weftigiisu waxay Kulan la yeesheen madaxdda sare ee wasaaradda Gaadiid ee boqortooyadda Ingriiska oo warbixin Guud ka siiyeen mashariicda iskaashiga ah ee hadda socota Somaliland, ee ay maalgeliyaan dowladda Ingriiska taasoo ah amniga madaaradda Somaliland iyo kor u qaadidda tayada adeegyadda wasaaradda.


Waxaa kaloo la isku afgartey kordhinta tababaradda shaqaalaha iyo ilaha kale ee muhiimka u ah sidii madaaradda caalamiga ah ee Soomaaliland ula jaan qaadi lahaayeen dhigoodda.

Kulan maanta {shalay} dhex maray weftiga WDH&GC Jsl iyo madaxdda Hay’adda caalamiga ah ee hawlaha dayuuraddaha loona yaqaano IATA, kulaankaas oo ka dhacey xarunta hay’adaas subaxnimadii shalay la iskuna afgartey sidii heshiis looga yeelan lahaa adegyadda ay u fidiso madaaradda iyo shirkadaha tigidhadda dayuuraddaha taas ambaqaadkeeda loogu balamay sidan ugu dhakhsaha badan in labadda dhinac iskaga yimaadaan.

sidoo kale Wareysi gaar ah oo lagu maamuusey Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, uu la yeeshey warbaahinta dalkaas oo si gaar ah ugu xil saarnaa wararka madasha bandhiga taas uu sharaxaad ka siiyey Guud ahaan dalka Somaliland iyo ujeedadda madaxdda wasaaraddu uga soo qayb gashay bandhigan oo ah madasha sanad- laha ah ee ugu weyn aduunka xagga arrimaha duulimaadyadda, rakaabka iyo madaarada aduunyadda oo dhan taas oo shirkadaha, warshadaha iyo dowladaha kala duwan. Hay’adaha u qaabilsan maamulidda iyo maareynta hawshan ay kaga wada tashadaan sidii loogu horuumarin lahaa agabyadda, qalabka iyo technologiyada loogu addeego sugida amniga iyo hufnaanta adeegyadda kala duwan ee madaarada.

Sidaas awgeed waxay waftiga wasaaradda iyo khabiirka la shaqeeya ee hay’add ASI ku soo guuleysteen ujeedaddii safarkan taas oo si dhakhso ah looga fulin doona midhihii ka soo baxay taasoo kor loogu qaadayo tayadda madaaradda caalamiga ah Somaliland.

Waxaa kale oo aanu halkan ku beeninaynaa warar maalmihii u danbeeyey ay qorayeen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland oo ay ku sheegeen khilaaf inj xooggani ka dhex jiro masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada, waxaanu u cadaynaynaa in aan khilaafkaas waxba ka jirin, balse uu yahay mid la buun,buuniyey oo aan sal iyo raadtoona lahayn, balse ay ahayd oo keliya afkaar laba aggaasime is dhaafsadeen.

Taasoo ay faafiyeen dad ka xun horuumarka ay ku talaabsatay wasaarada Duulista Hawada Somaliland.

C/laahi Axmed Caarshe.

Chief Of Protocol-ka Wasaarada Duulista Hawada


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured