Xukuumada Somaliland Oo Afar Weriye Oo Ay Hore Usi Daysay Maanta Dib Maxkamadda Saartay Iyo Caalamka Oo Indhaha Ku Haya

0
Saturday December 21, 2013 - 21:29:43 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Afar Weriye Oo Ay Hore Usi Daysay Maanta Dib Maxkamadda Saartay Iyo Caalamka Oo Indhaha Ku Haya

    Hargeisa(xogreebnews.com)Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta bilawday Dhagaysiga Dacwad la sheegay in lagu soo ogay Afar Suxufi oo ka mid ah Wariyayaasha Madaxa Bannaan ee Somaliland. Waxana Dhagaysiga Dacwadan la sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com)Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta bilawday Dhagaysiga Dacwad la sheegay in lagu soo ogay Afar Suxufi oo ka mid ah Wariyayaasha Madaxa Bannaan ee Somaliland. Waxana Dhagaysiga Dacwadan la sheegay in

Hargeisa(xogreebnews.com)Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta bilawday Dhagaysiga Dacwad la sheegay in lagu soo ogay


Afar Suxufi oo ka mid ah Wariyayaasha Madaxa Bannaan ee
Somaliland. Waxana Dhagaysiga Dacwadan la sheegay in Qaranka
Somaliland uu dhibane ka yahay. Maxkamada oo Maanta abbaaro 10-kii
Subaxnimo ka furantay Maxkamada Gobolka Hargaysa, ayaa Garsoore Axmed
Dalmar oo kiiskan gacanta ku hayaa uu sheegay in Saxafiyiinta lagu soo
eedeeyey Mudaharaad Sharci darro ah, Amar diido iyo Kicin Dadwayne.
Waxa Maanta Maxkamada horteeda yimid Laba Markhaati oo ahaa Saraakiil
ka tirsan Ciidamada Birmadka Somaliland isla markaana uu ka mid yahay,
Hogaanka Ciidankaasi. Labadan Markhaati oo ka mid ah Lix Markhaati
ayaa Madasha keenay waxyaabaha ay ku eedaynayaan Suxufiyiinta.
Garsoore Axmed Dalmar ayaa markii uu furay Dhagaysiga Maxkamada waxa
uu ugu horayn Madasha ka akhriyay waxyaabaha lagu eedaynayo
Suxufiyiinta kuwaasi oo ay Afarta Suxufina si isku mid ah ugu
jawaabeen in aanay galin dambiyadaasi lagu soo eedeeyey. Intaa ka dib,
Garsoore Axmed Dalmar ayaa bilaabay dhagaysiga Markhaatiyaashii
Madasha yimid. Markii ay Markhaatiyadii dhammeeyeen waxyaabihii ay
Cadaynta u haysteen, Qareenadii labada dhinacna ay waydiiyeen wixii ay
Su’aalo hayeen, ayaa Garsoorihii uu Fadhigii xidhay, isaga oo ku
wargeliyey in Afarta Markhaati ee kale la dhagaysan doono Maalinta
Isniin ee soo socota.
Waxa Xusid mudan in Garsoore Axmed Dalmar uu xidhay Qareen Maxamuud
C/raxmaan Nuur oo ah Looyarkii u doodayay Saxafiyiinta ka dib markii
uu Looyarku ka Codsaday Garsooraha in Dacwada dib loogu dhigo Muddo
laba Maalmood ah lana siiyo waqti ay kaga soo baaraan dagaan eedda loo
haysto ayaa Garsooruhu uu amar ku bixiyay in la xidho Looyarka isaga
oo u muuqday in arintaasi ay ka cadhaysiisay mar hadii ay u
qorshaysnayd in Dacwada uu isla maantaba bilaabo. Waxana Looyarku uu
xidhnaa Muddo Saacad ku dhaw, hasa yeeshee, waxa markii dambe amar
dhinaca Telefoonka ah ku sii daayay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka
Hargeysa Faysal Dagdago oo isagu meesha ka maqnaa.
Dhagaysiga Dacwada waxa Maanta ka soo qayb galay Suxufiyiin uu ka mid
yahay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja
Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax iyo Madax ka socotay Telefishanka
Madaxa Bannaan ee Bulsho Tv.
Suxufiyiintan ayaa waxa ay kala yihiin Siciid Khadar Cabdillaahi oo ah
Madaxii Wararka ee Bulsho Tv, C/salaan C/rashiid Cali oo ka mid ah
Farsamo-yaqaanada Bulsho Tv, Xasan Maal Dhiddar oo ah Sawir qaade ka
tirsan Telefishanka Universal iyo C/Casiis Bashiir Nuur oo ah
Mulkiilaha Mareegta Wararka ee Xogreeb News.com. Suxufiyiintan ayaa
Muddo Todobaad ah ku xidhnaa Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured