Dawlado Ingiriisku Ugu Horeeyo Oo Qorsheynaya Sidii Xukuumada Siilaanyo Loo Bedeli Lahaa Ka Hor Dhamaadka Sanadkan

0
Friday April 12, 2013 - 19:22:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlado Ingiriisku Ugu Horeeyo Oo Qorsheynaya Sidii Xukuumada Siilaanyo Loo Bedeli Lahaa Ka Hor Dhamaadka Sanadkan

    Hargeysa(xogreebnews.)-Warar Wargeyska “Yool” helay, ayaa daboolka qaaday in xidhiidhkii diblomaasiyadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.)-Warar Wargeyska “Yool” helay, ayaa daboolka qaaday in xidhiidhkii diblomaasiyadeed Dawlado Ingiriisku Ugu Horeeyo Oo Qorsheynaya Sidii Xukuumada Siilaanyo Loo Bedeli Lahaa Ka Hor Dhamaadka Sanadkan


Hargeysa(xogreebnews.)-Warar Wargeyska “Yool” helay, ayaa daboolka qaaday in xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska waqti xaadirkan uu hakad ku yimi, kadib markii uu tiro-beelay tabashooyinka iyo saluuga dawlada Ingiriisku kala kulantay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wararkan oo Wargeysku ka helay ilo-diblomaasiyadeed oo u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqa arimaha Siyaasada ee mandaqada Geeska Afrika, waxa kale oo ay sheegeen in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo uu socdaal ku tegi doono dalka Mareykanka, kadib marka ay dhamaadaan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ku dhex-mari doona dalka Turkiga inta u dhexaysa 11-ka ilaa 12-ka bishan aynu jirno ee April.
Kala fogaanshaha cilaaqaadka Siyaasadeed ee Somaliland iyo Ingiriiska, ayaa sida iluhu sheegeen waxa uu ka dhashay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin hoos-u-dhac weyn oo ku yimi xidhiidhkii wada-shaqeyneed ee ka dhexeeyey hay’adaha Sirdoonka ee labada dal, iyo sidoo kale, awooda xil-gudasho ee Madaxweyne Siilaanyo oo sida dawlada Britain aaminsan tahay aan ku filnayn maamulka iyo maareynta hawlaha xafiiskiisa ka socda, taasoo sida wararku xuseen sababtay in hoggaaminta talada dalku gacanta u gasho dad kaloo aan iyaga bulshadu dooran.
Waxa kale oo wararku intaa ku dareen in kala fogaanshaha labada dal [Somaliland iyo Ingiriiska] uu cirka isku shareeray, kadib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo qaadacay ka qeyb galka Shirka dawlada Ingiriisku martigelintiisa leedahay, kaasoo ujeedada laga leeyahay tahay in Beesha Caalamku gacan ka geysato dib-u-dhiska Soomaaliya iyo hawlaha nabadaynta. Shirkaasoo loo mudeeyey in 7-da May 2013-ka uu ka furmo Magaalada London, iyadoo sidoo kalena, ay daadihin doonaan Shirkaa Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sh.Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameroun.
Inkastoo ismaan-dhaafka Siyaasadeed ee labada dal aanu si cad weli u soo shaac bixin, hadana iluhu waxay tibaaxeen in dawlada Ingiriisku xidhiidh la samaysay hoggaanka sare ee Xisbiyada Mucaaridka UCID iyo WADANI, sidaa awgeedna u soo bandhigtay inay ka hawl galaan ka hor inta aan la gaadhin 27-ka July 2013-ka sidii dalka doorasho uga qabsoomi lahayd.
Mudadaasoo sida Dastuurku dhigayo inta ka horeysa haddii hadal kasoo baxo awooda xil-gudasho ee Madaxweynaha ay tahay in lix (6) bilood gudahood dalka doorasho Madaxtinimo laga qabto, hase-yeeshee wixii mudadaa ka dambeeya ama labada Sano ee u dambeeya mudadii la doortay Madaxweynaha, waxa xilka la wareegaya Madaxweyne-ku-xigeenka, isaguna xilka hayn doona gebagebada Shanta Sanno ee muddo xileedkooda.
Arintaasoo jawaab celinteeda hoggaanka labada Xisbi ka bixiyeen dareeno kala duwan, tusaale ahaan Xisbiga UCID, ayaa sida dad u dhuun-daloolaa sheegeen waxa hoggaankiisu ku hawlan yahay qabashada Shir ay ku kulmaan Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka reer Somaliland, kaasoo ujeedada keliya ee ay uga gol leeyihiin tahay sidii dalka looga badbaadin lahaa khal-khal Siyaasadeed oo dalka soo food-saara, haddii ay dhacdo in tuhunka arimahan la xidhiidha uu sii xoogaysto. Wararku si cad uma xusin mawqifka Xisbiga WADANI ka taagan yahay arinkaa, marka laga yimaado in sida wararka qaarkood sheegayaan uu wargelinta Ingiriiska kaga aragti gedisan yahay Xisbiga UCID.
Geesta kale, Wararka iyo Xogaha ku saabsan socdaalka la filayo in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku tago dalka Mareykanka, kadib Shirka dalka Turkiga, ayaa la sheegay in ujeedada Safarku tahay oo keliya mid ka dhalatay khilaafka iyo kala Shakiga Siyaasadeed ee soo kala dhex galay Somaliland iyo Ingiriiska, sidaa awgeedna hawlihii shakhsiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland uu ku tegi jiray Ingiriiska kalsoonidii markii hore uu ku qabay wax weyni iska bedeleen. Sidaa darteedna Socdaalkiisa Mareykanku uu la xidhiidho arimo Shakhsiyadeed oo Madaxweyne Siilaanyo gaar u ah.
Si kastaba ha ahaatee dawlada Ingiriiska oo ka mid ahayd dalalkii hore uga digay xaalada Somaliland, ayaa hadda u muuqata inay hormood ka tahay qorshe dawlado ay ka mid tahay ku damacsan yihiin inay meesha kaga saaraan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured