Loollan Adag Oo Ka Curtay Buuxinta Jagada Maayarnimada Hargeysa

0
Friday April 12, 2013 - 19:22:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loollan Adag Oo Ka Curtay Buuxinta Jagada Maayarnimada Hargeysa

    Hargeysa(Xogreebnews)-Loollan adag oo lagu kala jiidanayo buuxinta Jagada Maayarka Caasimada Somaliland, ayaa ka dhex curtay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Loollan adag oo lagu kala jiidanayo buuxinta Jagada Maayarka Caasimada Somaliland, ayaa ka dhex curtay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada
Hargeysa(Xogreebnews)-Loollan adag oo lagu kala jiidanayo buuxinta Jagada Maayarka Caasimada Somaliland, ayaa ka dhex curtay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Hargeysa, kadib markii uu Jagadaas baneeyey Maayarkii hore Alle ha u naxariiste Marxuum Yuusuf Warsame Siciid toddobaadkan geeriyooday.
Loollankan loogu qabashada Jagada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga dareemayey Magaalada, ayaa saameyn ku yeeshay habsami-u-socodka adeegyadii aasaasiga ahaa ee dawlada hoose u haysay bulshada, kadib markii ay Xildhibaanada ku mashquuleen hirdanka iyo is xulafaysiga hoggaankooda.

Ilaa hadda Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Mudaneyaasha Goleyaasha Golaha Deegaanka ee Degmada ayaa ugu cad cad xubnaha loollanka qabashada Jagada Maayarnimo ee Caasimada, kuwaasoo ku hawlan qorsheyaal ay ku doonayaan inay ku kala kasbadaan xubnaha Golaha Deegaanka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo hore ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan yahay qabashada Jagada Maayarnimo ee Caasimada, ayaa lagu tirinayaa inuu yahay Mudane taageerada badan ka haysta xubnaha Golaha Deegaanka, waxana uu maalmihii u dambeeyey ku jiray kulamo uu doonayo kasbado kalsoonida Xildhibaanada, si uu ugu guuleysto himiladiisa ah hanashada kursiga.
Sidoo kale Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Cismaan-Waxar), ayaa ka mid Xildhibaanada aan la yarayn loollanka ugu jira inuu aqlabiyada xubnaha Golaha Deegaanka. Xildhibaan Cismaan hore u shaaciyey inuu yahay u taagan Doorashada Duqa Caasimada Hargeysa, ayaa Shalay waxba ka jiraan ku tilmaamay inuu ka tanaasulay damaciisii, waxana uu sheegay inay doorashada jagadaasi tahay mid ku xidhan codka xubnaha Golaha deegaanka, sidaa darteedna aanay waxba iska bedelin mawqifkiisii, sidoo kalena waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey inuu heli doono kalsoonida Xildhibaanada.
Dhinaciisa
Xildhibaan Saleban Daahir Cabdillaahi (Dogox), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa, ayaa isaguna Shalay cadeeyay inuu u sharaxan yahay Maayarka Caasimada Hargeysa. Xildhibaan Dogox waxa uu balan qaaday inuu isbedel muuqda ku soo kordhin doono caasimadda Hargeysa, haddii loo doorto maayarka magaalada Hargeysa, isagoo sababeynaya musharaxnimadiisa, waxa ereyadiisii ka mid ahaa; “Murashax baratamaya ayaan ahay oo weliba aan is leeyahay waxaad tahay qofka ugu haboon”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured