Khaladka Dastuurka Somaliland Ku Jiraa Waxa U Saamayn Ku Yeeshay Wada Tashigii Qaranka!.

0
Thursday April 11, 2013 - 19:04:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaladka Dastuurka Somaliland Ku Jiraa Waxa U Saamayn Ku Yeeshay Wada Tashigii Qaranka!.

    WAA QALINKII: XASAN MAXAMED X XASAN (XASAN WADDANI)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAA QALINKII: XASAN MAXAMED X XASAN (XASAN WADDANI)

Khaladka Dastuurka Somaliland Ku Jiraa Waxa U Saamayn Ku Yeeshay Wada Tashigii Qaranka!.

Tan iyo intii ay taladda wadanka la wareegtay dawladan uu hogaaminayo axmed siilaanyo waxaa dhegaheena ku soo noqnoqda talo qaran ayaa laga yeelanayaa arintaa iyo madaxweynaha ayaa guddi u saaray. Hasa’ ahaatee habka ama nidaamka wadatashiga dastuuriga ah waa nidaam uu wada tashigu ku cadyahay dastuurka wadankaas si qeexan . Marka aynu u soo noqono wadankeena madaxweynaha waxa uu dastuurkeenu siinayaa dhamaan awooddaha wadanka inta ugu saraysa amaba awoodaha boqorada digtaatooriyiinta ah, waana sababta aynu ugaadhi waynay wadatashiga dhabta ah . Bal u fiirso awoodaha uu dastuurkeenu siinayo madaxweynaheena. Isaga yaa magacaabayagolaha wasiirada, taliyayaasha ciidamada,(taliyaha booliska, taliyaha ciidamada asluubta, taliyaha ciidamada badaha, taliyaha ciidamada mulateriga), gudoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah, garsoorayaasha, guddida cadaalada, guddida doorashooyinka, badhasaabada gobolada, maareeyaha dekeda, safiirada, gudoomiyaha baanka, xataa dhamaan koontaraadada iyo heshiisyada isaga ayaa saxeexaya. Wixii shuruuc ah ee wadanka laga dhaqan gelinaayo isaga ayaa saxeexiisa lagu dhaqan gelinayaa waana abaanduulaha ugu sareeya ee ciiddamada qaranka xataa illaa mushaharkiisa isaga ayaa go’aansanaya. Markaas madaxweynaheenu uma baahna wadatashi ? dastuurku waxa uu siiyay dhamaan xuquuqihii wada tashiga meesha kasaarayay, wadatashiga waxa ubaahan dhamaan qaybaha kala duwan ee wadanka iyo umada ku nool, horumarkeeda,cadaaladadeeda iyo shacab iyo dawladba. waxkasta dastuurkeena ayaa kadhigay mid u xidh xidhaya madaxweynaha dastuurkeena ayaana ah mid inoo garba duubaaya maskax qofeed umana baahna wadatashi maanta.

WAA QALINKII: XASAN MAXAMED X XASAN (XASAN WADDANI)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured