Yaa Ka Faa’iiday Maqnaanshihii Wasiirka Madaxtooyada? Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

0
Tuesday November 26, 2013 - 20:15:40 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ka Faa’iiday Maqnaanshihii Wasiirka Madaxtooyada? Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

    Safarka wasiirku dalka kaga baxay ayaa waxa uu ku sheegay inuu waxbarasho heer jaamacadeed ah oo dalka Ingiriiska ah uga socoteeyay, imtixaankeedana geli doono iyo inuu jidadka Somaliland qaadhaan uga soo ururinayo muwaadiniinta dalka u dhalatay ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarka wasiirku dalka kaga baxay ayaa waxa uu ku sheegay inuu waxbarasho heer jaamacadeed ah oo dalka Ingiriiska ah uga socoteeyay, imtixaankeedana geli doono iyo inuu jidadka Somaliland qaadhaan uga soo ururinayo muwaadiniinta dalka u dhalatay ee ku nool dalka Uk. Haddaba, markaad eegto waxyaalaha ama arrimaha siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa maamulba ee iska beddelay intii uu dalka ka maqanaa ayaa cid kastaa garan karaysaa sida xaaladda siyaasadeed
marba marka ka dambaysay u soo kululaanaysay iyo sida kooxahaha siyaasadda, xisbiyada mucaaradka, madashii wadatshiga, khilaafka maamul ee ka dhex qarxay xisbul xaakimka wakhtigan ee Kulmiye u
baaxaa dagayeen, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta iyo arrimo kaleba lagu xidhiidhin karo sida wax iskaga beddeleen maqnaanshaha iyo imaatinka wasiirka madatooyada.

Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Wergeyska Saxafi Goboladda Galbeedkaa.
Markaan dib ugu soo laabanno dhinaca siyaasadda, waxa intii uu wasiirku dalka ka maqanaa awooddii mucaaradnimada sii fidiyay xisbiyada mucaaradka ah tan iyo intii masuulyiintii wada tashigu u fasaxeen
waxay ugu yeedheen talo qaran oo laga yeesho siyaasadda dalka, taasoo weli rajadeedu mugdi ku jirto, iyadoo dhinaca kalena xisbiyada mucaaradku taageero badan intii wasiirku ka maqnaa dalka kasbadeen, taasoo xitaa gaadhay heer Boorama looga diyaar garoobo imaatinka xubno ka mid ah golahaasi, balse laga soo gaadhay. Waxa kale oo intii wasiirka madaxtooyadu ka maqanaa dalka hoos u dhacay khilaafkii xisbul-xaakimka ee muddo la hadal hayey, iyadoo qayb ka mid ah masuulyiinta siyaasadda ee isku hayey gacan ku haynta xisbigaasi sheeganayeen guul ay ka gaadheen kuwa kaga soo horjeeday siyaasadda iyo hogaanka xisbiga.
Dhinaca kale, waxa maqnaanshaha wasiirka madaxtooyada isna loo malaynayaa inuu wax badan ku helay waa wasiirka ama Sheekha maaliyadda dalka xukuma, kaasoo intii uu maqnaa wasiirka madaxtooyadu dakhliga dawladdu buuxiyey baananka dhexe,maadaama aanay jirin dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xukuumaddu ka qaadaysay dhinaca mucaaradka danna u ahaa xukuumadda iyo safaradii wasiirkaaasi ku kala bixinayey daafaha dalka oo iyaguna meesha ka maqnaa. Waxa maqnaanshaha
wasiirka loo malaynayaa inay tebeen hogaamiye dhaqameedyadii dalka qaarkood, gaar ahaanna kuwa caasimadda ku sugnaa, kuwaasoo la arki jiray iyagoo ku xoonsan madaxtooyada, balse intii wasiirka
madaxtooyadu dalka ka maqnaa aan lagu arag halkaasi.
Dhinaca kale, waxa wasiirka madaxtooyadu ka maqnaa dabayllihii iyo roobabkii qabowga badnaa ee degaanno badanoo dalka ka mid ah waxyeelada gaadhsiiyey, kuwaasoo gurmadkoodu dusha ka fuulay wasiirka daakhiliga,hase yeeshee itaalkii wasiirka daakhligu noqday inuu dhaafi waayo gobolka Saaxil iyo magaalada Ceel Sheekh, reer Awdal iyo xeebaha Saylac iyo Lughaya oo laga filayey wasiirkaasina uu itaal soo gaadhsiin waayey. Intii uu dalka ka maqnaa wasiirka madaxtooyadu, ayaa sidoo kale la waayey kaambaynkii siyaasadda iyo kuwa kaleba oo ay inta badan ay ku baaqi jireen oday dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ku sugan gobolada dalka, kuwaasoo hal qabsi ka dhigan jiray annagoo reer hebel ah waxan dawladda ......", waxa kale kale oo iyaguna fasax kooban iyo xorriyad yar oo ay kaga raysteen kallahaadii madaxtooyada ka helay maqnaanshaha wasiirka, shaqaalaha xafiiska madaxtooyada qaarkood, qaar
ka mid ah ciidamada aminga madaxtooyada, siyaasiyiin ku xidhnaa wasiirka, la taliyayaal beeleed iyo kuwa siyaasadeed iyo tiro badan oo golaha wasiirada ka tirsan, iyadoo dhinaca kalena badi shakhsiyaad iska jeclaa inay mar walba garab joogaan wasiirka madaxtooyadu maqnaanshihiisa dalku u ahaa shaqo la'aan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured