Marwo Milgo Iyo Maamuus Mudan Haka Daalin Dhalinyarada Oo Hannaga Daalin Qallinkii: Maxamed Bushaaro

0
Sunday November 24, 2013 - 18:52:33 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Milgo Iyo Maamuus Mudan Haka Daalin Dhalinyarada Oo Hannaga Daalin Qallinkii: Maxamed Bushaaro

    Waxaan daawaday tv-ga madaxtooyadda laga hago oo laga aflagaadaynayo marwadda qaaliga ah ee Faadumo Siciid,iyagoo koox Dumar ahi ku baaqayaan in aanay Faadumo Siciid Gabiley tagi karin.cajiib!!!!!!!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan daawaday tv-ga madaxtooyadda laga hago oo laga aflagaadaynayo marwadda qaaliga ah ee Faadumo Siciid,iyagoo koox Dumar ahi ku baaqayaan in aanay Faadumo Siciid Gabiley tagi karin.cajiib!!!!!!!. Hadaba Faadumo Siciid waa tumaa
Faadumo Siciid xiligii halganka waxay u tafaxaydatay sidii ay heeryadda uga tuuri lahayd dadkeedii dulmiga lagu hayay.iyadoo ka timid nolashii fiicnayd ee ay ingiriiska ku haysatay,kanaisdii ay dadakeeda uga qayb qaadan lahayd halgankii loogu jiray dib ula soo noqoshadda Dawladnimaddii Somalinad. Waana marwo taariikh mug iyo miisanba leh ku dhex leh Bulshadeedda.waxa badan iyo mashaariic farabadn dhidibadda u taagtay si ay dadkeeda waxa wax u tarto. Waxaana ka mid ah wax qabadka muuqadda ee Marwo Faadumo Siciid: dhismaha jeelka waeyn ee Hargaysa iyo mashaaric aan xaddi io xisaab lahayn oo aan kaw iyo lababa aan la odhan karin. Hadaba marwadda caynkaas ah ayaa maanta koox malafsiga madaxtooyadda baratay ay doonayaan inay sharafteedda wax u dhimaan. Dumarkan maanta u kal tiranaaya marwadda bir magaydada ah ee taariikhdda dalka ku suntan waa yaabe halkeebay joogeen wakhtigaa halganka lagu jiray. Gabagabdii waxaan leeyahay Faadumo Siciid ilaahay nabar gardaro hakaaga dhigo aflagaadaa laguugula dul kufay. Waa ceeb in dadka tirada yer ee wadanka wax u taraya wax laga sheego laguna can bareeyo waxa aaney gayin marwo faadumo siciid waa la oga waxa ay umadan iyo qaran kan uso qabatey halkii bilad sharaf laga siin laha maaha in loogu abaal gudo cenbareyn iyo ceey .mana aha in lays hafro beena leyska dhaadhiciyo … marwo faadumo siciid waxa ay wax wayn u tarteyn hayadaha kala duwan ee qarankani ku dhisanyeey sida laamaha amaanka . Kulmiye wadankana waxba umu qaban inti ay mucaaridka ahayeena qaylo iyo ceeb bay la taagnayeen maanta marki wadanki qabsadena waxa ay so qateen buruush ay ku masaxayaan qofkasto taarikh wadankan ku laha ….halgankiina waxa ay haystaan iney kaligood so galeen …waxa sii wax lo dulqadan karo maha sharaf dilka iyo karamada dadka haybada le in meel lagaga dhaco .. Waxa aad I dhiibtey markaan arkey iyado qofki dhalinyarada garab galeyeey ceeb lagaga dhigayo ..waxa anaan ogaadey iney dantooda oo kaliya yaqanaan kuwan wadanka qabsadey dhalinyaridana tooda ka door bideen . Ugu danbayntii waxa aan leyeey marwo faadumo sicideey kulmiye waxa u dhisanyeey masixida raadka dadki ka horeyeey cebeynta iyo ceyda ….haka daalin oo hanaga daalin allena garabkaaga hagalo

Qallinkii: Maxamed Bushaaro Mobile:4468461



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured