Soo dhawayntii Xirsi waxaa ka dhinaa Salaantii Qaranka iyo Baamboydii in loogu daro!

0
Sunday November 24, 2013 - 10:10:54 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo dhawayntii Xirsi waxaa ka dhinaa Salaantii Qaranka iyo Baamboydii in loogu daro!

    waxay dhamaan reer Somaliland gudo iyo debedba is waydiinayaan soo dhaweynta intaas le,eg ee loo sameeyay wasiir xirsi oo ah xubin wasiirda dowlada siilanyo ka mid ah waxa uu ku mutaystay! hadaba tan iyo markii uu xilka la wareegay siilanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxay dhamaan reer Somaliland gudo iyo debedba is waydiinayaan soo dhaweynta intaas le,eg ee loo sameeyay wasiir xirsi oo ah xubin wasiirda dowlada siilanyo ka mid ah waxa uu ku mutaystay! hadaba tan iyo markii uu xilka la wareegay siilanyo waxay dhamaan reer Somaliland gudo iyo debedba is waydiinayaan soo dhaweynta intaas le,eg ee loo sameeyay wasiir xirsi oo ah xubin wasiirda dowlada siilanyo ka mid ah waxa uu ku mutaystay! hadaba tan iyo markii uu xilka la wareegay siilanyo wuxuu xirsi u magacaabay xil umaduba fahmi weyday meesha uu u socdo iyo shaqada uu qaranka ka hayo oo uu ku sheegay (chief of cabinet ) wax yar kadib markii muranka iyo hadal haynta xilkaasi hadhiwaayay oo uu dastuurkana waafiqi waayay ayuu isku shaardhayntii ugu horaysay ku bedelay oo kadhigay wasiirka madaxtooyada, su,aasha hadaba iswaydiinta leh ayaa ah wasiir xirsi mayahay wasiirka madaxtooyada oo caadiya? jawaabu waa maya magaca waayahay laakiin awoodiisu way ka baaxad weyn tahay waxaanu gaadhay in uu yeesho awoodii madaxweyne siilanyo dalka ku lahaa mid lamida ama u dhiganta,

markuu airportka hargeysa ka soo degey xukuumadii oo madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii oo qudha ka maqan yahay ayaa airportka ku soo dhaweysay xubin kasta oo xukuumada ka mid ah oo soodhaweynta xirsi ka qayb qaatay waxa uu ka baqay hadii airportka laga waayo in uu beri xirsi xilka ka qaadidoono! waxaanu ku raali gelinayay xirsi sidii uu isagu xilka u magacaabay! waxaanay ku sigteen inay salaan sharaftii uu madaxweynuhu lahaa ugu daraan soodhaweynta! oo ciidankii qaranka iyo baamboydiina keenaan!,

waxaad arkaysaa sharcigii dalkan kala hagayey inuu meesha ka baxay oo awoodii gacanta u gashay cid aanu dastuurku siin oo weliba lagu raali gelinayo! wasiirkan awoodii dalku gacantiisa gashay waxa uu horseed ka noqday in waax kasta oo qaranka kamid ah ay ka baydho marinkii sharci ee loogu talo galay madaxweyne ku xigeenkii la soodoortay meel uu jaan iyo cidhib dhigay lama hayo muuqiisu waa jooga laakiin macno dalka uu ugu filan yahay majirto waxaan ahayn kaqaybgalka xafladaha! awoodiisii dastuuriga ahayd iyo mid ka badan waxa ku shaqeeya wasiir xirsi! nin walba oo xil qaranka ka haya xukuumada ugama baqo madaxweynihii xilka u magacaabay sida uu wasiir xirsi uga baqo! waxaanay taasi muujinaysaa in awoodii dalku nin kaa wasiirka ah gacantiisa ku jirto oo ay ka baxday madaxweynihii la doortay,

waxay xukuumadu faro gelin qaawan ku haysaa golayaashii qaranka ee dastuuriga ahaa waxa meesha ka baxay hanaankii xisbiyada badan way jiraan xisbiyadii mucaaridka ahaa laakin xukuumada ayaa hortaagan oo u adeegsatay awood dheeraad ah inay ka ciyaaraan kaalintii mucaarid nimo si aanay waajibaadkooda shaqo u gudan oo awoodu xukuumada gacanteeda ugu wada jirto,

waxa dalka ku soo xoogaystay siyaasada qabiilka ku dhisan taas oo ay aas aas u ahayd xukuumadan talada haysa oo iyadu habkan ku soo gashay saaxada siyaasada somalilnd! somalida ayaa tidhaah (hal xaaraani nirig xalaal ma dhasho!) shay asalkiisu xaaraan yahay faraciisuna ama waxa uu dhalaa ma xalaaloobo! sababtoo ah xukuumadan maanta talada haysa ayaa ku timid shirbeeleed kii ka qabsoomay garadag oo halkaas lagu soo ambaqaalay oo seeska loogu soo dhigay way jirtay in xisbiga kulmiye ay ku matelaysay laakiin xisbigu waxa uu ahaa maqaarsaar ee waxa asal u ahaa shirkaas garadag ka dhacay,


hadalka lama saaraadee Somaliland waa inay ogaataa dalka in aan siyaasad xisbi lagu maamulin ee talo reer lagu maamulo! khilaafkii kulmiye ka dhex qarxay waatii lagu xaliyay talo reer ee aan laraacin sharcigii xisbiga waayo talada reerka ayaa ka horeysay sharciga been abuurka ahaa! kii aan ogaynow ku bikaacso diid ama hadiidin xirsiba waa ku qaadsiin!


A.A.Nur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured