(SIR SOO SHAAC BAXDEY) Maxay Tahay Sababta Wadahadalada Dawlada Soomaaliya Iyo Dowlada Somaliland Loogu Wareejiyey Turkiga?

0
Tuesday April 09, 2013 - 12:29:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (SIR SOO SHAAC BAXDEY) Maxay Tahay Sababta Wadahadalada Dawlada Soomaaliya Iyo Dowlada Somaliland Loogu Wareejiyey Turkiga?

    :Toddobaadkii hore Dowlada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in wadahadal dhexmari doona iyaga iyo dawlada federaalka Soomaaliya lagu qaban doono wadanka Turkiga bartamaha bishan April.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

:Toddobaadkii hore Dowlada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in wadahadal dhexmari doona iyaga iyo dawlada federaalka Soomaaliya lagu qaban doono wadanka Turkiga bartamaha bishan April. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dawlada Turkigu ay u fidisay martiqaad si ay labada dhinac ugu wadahadlaan wadanka Turkiga taasina ay aqbaleen Somaliland iyo dawlada federaalka intuba.

Wasiirku si faahfaahsan uma sheegin sababaha ka dambeeya in wadahadalka dhexmari doona labada gees loo wareejiyo wadanka Turkiga iyadoo la og yahay in wadahadalkii u bilawday dawladii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Dowlada Somaliland uu ka dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska.


Haddaba waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku aadan sababaha shirkan loogu wareejiyey wadanka Turkiga iyadoo weliba horraanta bisha May ee sanadkan London uu ka dhici doono shirweyne lagu taageerayo dawlada Soomaaliya kaasoo ay abaabushay dawlada Ingiriiska ee uu hogaamiyo raysul wasaare David Cameron.



Ilo wareed aad ugu dhow dhinacyada ayaa Raxan reeb u sheegay in dawlada Ingiriiska weli ay tahay mida gadaal ka tiixeysa qabsoomida wadahadalkan dhexmari doona dawlada Soomaaliya iyo Dowlada Somaliland, isla markaana Ingiriisku uu qorsheynayo in natiijo ay ka soo baxdo kulanka labada dhinac ka hor kulanweynaha London ee dhici doona bil kadib.

Ujeedada ugu weyn ayaa ah in si shirka London uu u noqdo mid wada kulmiya dhammaan Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland in ka hor la soo yara dhaweeyo mowqifka ay taagan yihiin Dowlada Soomaliland si ay u yimaadaan miiska London iyadoo cinwaanka shirkuna yahay “Soomaaliya”.

Dowlada Somaliland ayaa beryahanba diidanaa ka qeybgalka shirka London ee dhacaya bisha May, sida uu dhowr jeer ka dhawaajiyey madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Somaliland waxay kaloo ka cabaneysaa in shirka London ay ku diidan tahay maadaama shir guddoonku uu yahay madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Ingiriiska.


Hindisaha Ingiriiska



Haddaba ka hor martiqaadka shirka Turkiga ayaa waxay dawlada Ingiriiska soo bandhigtay dhowr qodob oo ay u soo bandhigtay dawlada federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Somaliland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen;-

1- Shirka labada dhinac yeelanayaan [Dawlada federaalka iyo Dowlada Somaliland] in lagu qabto mid ka mid ah wadamada Qadar, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga, inay mid doortaan.

2- Dawlada Ingiriiska waxay diiday in wadahadalkan hordhaca u eg in lagu qabto London iyadoo ka cabsi qabta inuu jawiga ka qaso shirka weyn ee London ka dhici doona bisha May.

3- War murtiyeedka gabagabada iyo ajendaha shirka waxaa isla dejinaya Dawlada Federaalka Soomaaliya, Ingiriiska, Maamulka Somaliland iyadoo Turkiguna wax ku dari doono.

4- Dawlada Ingiriiska waxay dalbatay in shirku uu mirodhal noqdo oo natiijo fiican ka soo baxdo.



Dalabka Dowlada Somaliland



Kadib cadaadiska kaga imaanaya dhanka Ingiriiska, waxay Dowlada Somaliland soo bandhigeen dhowr qodob oo ay ka dhigteen shuruud si ay uga qeybgalaan shirka London ee Soomaaliya iyo kan Turkigaba, waxaana ka mid ahaa;-

1) In dawlada federaalka Soomaaliya aqoonsato dembi ka dhan ah aadanimada in loo geystay dadkeeda (dad Somaliland u dhashay).

2) Wadahadalka in looga hadlo dhinacyada iskaashiga sida amaanka, ganacsiga iyo xuduudaha.

3) Lagama hadlayo gooni isutaaga iyo midnimo IWM midna.

Somaliland waxay Ingiriiska u cadeysay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka haddii qodobadan la ogolaado. Dowlada Somaliland ayaa sidoo kale ku talyey in shirka loogu qabto Turkiga.



Dawlada federaalka



Dhanka dawlada federaalka Soomaaliya inkastoo aysan keenin wax shuruudo ah oo ku xiran wadahadalka ayaa intaa kadib soo bandhigtay talooyin dhinaceeda ah kuwaasoo ay ku jiraan;-

Dawlada federaalka waxay sheegtay inay ku mashquulsan tahay arrimaha Jubbooyinka, sidaasi darteedna Turkiga uu ka wakiil noqon doono ayna u soo gudbin doonaan wixii dhankooda ajendaha loogu darayo.

Labada dhinacba waxaa madal looga dhigay in bisha April 15-keeda uu ka furmi doono wadahadalka dalka Turkiga inta ka horeysana ay soo gudbiyaan wixii talabixin iyo qodobo ah ee ka mid noqon doona ajendaha kulanka Turkiga.

Diblomaasi ku sugan Muqdisho oo aan rabin in magaciisa aan xiganno ayaa Raxanreeb u sheegay in dhanka dawlada federaalka ay ka go’an tahay meelmarinta qadiyada “midnimada” hase yeeshee ay rabto dawladu inay soo dhoweyn iyo debecsanaan u muujiso Dowlada Somaliland. Diblomaasiga wuxuu intaa ku daray in xitaa siyaasiyiinta Dowlada Somaliland aysan ka wada run ahayn “goosashada” laakiin ay ku rabaan gorgortan siyaasadeed oo mug leh.



Waxa sirtan soo heley muwaadin

Abdiqaadir Abdirahmaan (wadani)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured