Markaan Dawlada Hoose Tago Kiniinka Xumad Jabintaa Ayaan Xasuustaa..!!!!!

0
Tuesday November 19, 2013 - 20:30:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markaan Dawlada Hoose Tago Kiniinka Xumad Jabintaa Ayaan Xasuustaa..!!!!!

    Waaxay indhahagu Qabanayan Hooyo Iyo Ilmahay dhashay oo Is Xambarsan inyar uun markad hadana dhinacaga kale eegto waxad arkaysa Awoowe Isna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxay indhahagu Qabanayan Hooyo Iyo Ilmahay dhashay oo Is Xambarsan inyar uun markad hadana dhinacaga kale eegto waxad arkaysa Awoowe Isna Waaxay indhahagu Qabanayan Hooyo Iyo Ilmahay dhashay oo Is Xambarsan
inyar uun markad hadana dhinacaga kale eegto waxad arkaysa Awoowe Isna
ay Qabyalad lagu soo sasabtay oo Kuyuga Dhinac kaga jira,Maha Waax
Lala Yaabo Sababto ah Haamiga ay leyihin aya ka wayn oo ah Ku yeesha
Golaha Deganka Xildhibano idin matala.
Se Nasiib Daro waaxa Ay umaddu doratay anigu hadan caayo Waxan
Noqonaya Nin Umadda oo Dhan Caqligedi Cayey,Hadana Sidan Qabo Laguma

gulaysan midhihi dorashada Golaha deeganka waxaan Ruunti arkay ee igu
kalifay inan Qalin Dhilo leh ka qato Dowlada Hoose Ee Hargeysa waaxa
xukuma Sida Sunuh yahay Mayir iyo Mayir Xigen iyo Xooghayaha Fulinta
Oo Wasarada Arimaha Gudaha Laga Soo Magacabo.
Ruunti Wasiirada Sida looma Hor tumna Sido Kale Maxkamadaha oo ah
Meelaha aay Dadku ka raadiyan Cadaalada Sida looma Tumna Waxanad
arkaysaa Xafiiska Maayirka oo La Hor Tuman yahay ka Mayar Xigenka oo
ka sii daran Xooghayaha oo isna askartu Dadka Xoog kaga rebayan.
Lakin Waxaan is waydiyey Ma Cilmi yaran haysa ayey Xafiska uga
baxsanayan mise waa Aqoon iyo Garasho inay dadka tusaan inay
Mashqulsan yihin oo aynan la kulmi karayn lakin Waxay Xaqiqdu tahay in
ay jirto Cilmi la’aan Waxan Xasusta xiligi Xusen Maxamuud Jiciir ee
Xooghayaha ah mid ka mida ah xildhibaanada hada in u Warbahinta
jiciir ka yidhi Ninka Xooghayaha ah kalay wax baro ayan idhi show
luuqada afka Ingilishka ma yaqano.!!!!
Haddaba Nimanki Xiliga aha Xoog hayayasha iyo Qar aan wali Waxbarsho
ay ugu Danbeysay xiligii dugsiga hoose dhexe oo qofkasta oo caqli
leh uu garanaayo Shaqsiga uu yahay hadii aan magacaabana looo
macnaysanaayo inaan maqaalka U qoray hunguri iyo dhul u raadis balse
nasiibdaro ay tahay waxaan indhahayga ku arkay xafiis ka mida
xafiisyada ugu sar sareeya dawlada hoose ee hargeisa ayaa waxaan ku
arkay .
Masuul xafiiskiisii soo xidhay in ka badan sodomeeyo qof oo qaarkood
halkay ubadkooda iyo waalidiintood ay ku noolaayeen dhibaato ka
haysata ama lagu haystaba dhulkaa ay dagan yihiin ama ay kari kari
waayeen cashuurtan yar ee laga qaado shacbiga inay bixiyaan kari kari
waayay cabashadeediina u socda .
In uu askariga hortaagan xafiiska masuulka dawlada hooose uu ugu
jawaabo hoostuu ka soo xidhay waxanuu saxeexayaa faylal lays dul tubay
mana filaayo inaad heli doontaan,miyaanay ahayn ama ayaynaan odhan
karayn waxaa haysata cilmi la’ aan iyo dad waynaha oo aan damiirkooda
iyo caqliga la kaashan marka ay soo dooranayaan xildhibaan gole
deegaan oo ay ku eegaan qabiil iyo cunsurinimo taasoo ku kaliftay
inay dowlada hoose noqoto meeluu qofku marka ay hawli ka gasho uu usii
iibsado bogos uu xumad jabin iskaga biiyo si marka uu madaxu xanuuno
uu u isticmaalo .
Gabagabo “ dadkaygoow markasta oo aad doorasho codaynayso haku qiimayn
qabyaalad si aanad hadhaw qaladaad uga tirsan cida aad u codaysay
balse muxuu yaqaan iyo makalla furan doonaa ku qiimee ?.
Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)
Cabdiraxiim9909@gmail.com
Hargeysa Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured