Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Ee Gobolka Saaxil Waxaan leeyahay Ma Gaadhid Gudoonka Gobolka Ee Caga-dhigo!.

0
Tuesday November 19, 2013 - 19:15:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Ee Gobolka Saaxil Waxaan leeyahay Ma Gaadhid Gudoonka Gobolka Ee Caga-dhigo!.

    Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil Saleebaan ayaa waxa uu leeyahay magacyo baddan iyo awoodo ka baxsan shaqadiisa,taas oo uu ugu hanjabo masuuliyiinta dawlada ee xilalka ka haysa Gobolka Saaxil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil Saleebaan ayaa waxa uu leeyahay magacyo baddan iyo awoodo ka baxsan shaqadiisa,taas oo uu ugu hanjabo masuuliyiinta dawlada ee xilalka ka haysa Gobolka Saaxil.

Hadaba, waxay su’aashu tahay waa maxay Awooda isu-duwaha Awqaafta Gobolka Saaxil isticmaalayo?

1. Ma awooda guddoomiyaha Gobolka Saaxil-ba?

2. Ma awooda Maareeyaha Dekedda Berbera-ba?

3. Ma gacan-yaraha Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina-Weris-ba?

4. Mise xilkiisi isu-duwenimo ee awqaafta ayaa heerka, awoodaas yeeshay? Su’aalaha jawaabtooda waxaynu uga fadhinaa Saleebaan inuu shacabka u bayaamiyo.

Saleebaan waxa uu ahaa nin Sheekha oo tujiya Masaajid ku yaala Xaafada Daaroole ee Magaalada Berbera, waxa kale oo jira aragtiyo kale oo aan ka qabo qaabka hab-dhaqankiisa ee uu bulshada ula dhaqmo,isaga oo ku yidhaahda dadka uu u arko inay muraad u leeyihiin madaxda sar sare ee Gobolka Saaxil, maxaad uga baahan tahay aniga ayaa soo dhameynayee, isaga oo sheeganaya inuu metelo masuuliyiintaas aan kor ku soo sheegnay.

Markaa waxaan leeyahay Isuduwe Saleebaan Siyaasada khalad ayaad ka fahantaye hab-dhaqankaaga wax ka bedel, oo iska daa hoos Cararka Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Aamina Weris marka ay timaado Gobolka Saaxil, marwadanina maaha marwadii la hoos carari jirey.

Waxaanad ahaan jirtay ayaan leeyahay Saleebaan aqoon Diineed, ee waa inay hab-dhaqankaaga ka muuqataa, oo aad ku eekaata xilka Isuduwe-nimo ee aad Gobolka Saaxil ka haysid.

Ugu danbeyntiina waxaan maqaalkaygan ku soo gebo-gabeynayaa Saleebaanoow ma gaadhid xilka gudoonka Gobolka Saaxil.

Qalinkii Axmed Maxamed Marshaal

Hargeysa/Somaliland





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured