Asqowga Xukuumada siilaanyo, Guulwadaynta labada gudoomiye ku xigeen ,iyo sharciga uu cuskanayo Cabdiraxmaan Cirro waa kaaf iyo kala dheeri

0
Tuesday November 19, 2013 - 19:00:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asqowga Xukuumada siilaanyo, Guulwadaynta labada gudoomiye ku xigeen ,iyo sharciga uu cuskanayo Cabdiraxmaan Cirro waa kaaf iyo kala dheeri

    Qalinkii: Khadar Cabdi Xassan (Khadar Gureyte),khadar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Khadar Cabdi Xassan (Khadar Gureyte),khadar Sida aynu ka wada warqabno bishan aynu ku jirno horaanteedii ayaa Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu isku shaandhayn ku sameeyey Gudi-hoosaadyadii aqalka Baarlamaanka Somaliland oo noqonaysa mudadii ay baarlamaankaasi jireen markii ugu horeysay ee isku shaandhayn abid lagu sameeyo gudihoosaadyadaasi,
Hadaba mudadii uu xilka hayey Baarlamaankani oo hada ku siman mudo sideed sano ah ,waxa wakhtigaasi Baarlamaankani ku kala yimi sadexdii Xisbi Qaran ee markaasi jirey UDUB, UCID, iyo KULMIYE. iyada oo markaasi Gudi-hoosaadyadaasi uu xisbi kastaa uu saami ka helay .intaa kadib waxa taladii dalka ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo ololihii ugu balaadhnaa ku galay inuu ururo furidoono ,kadib furitaankii URURADA iyo kala saaristoodiiba waxaa ugu danbayn xisbiyo qaran usoo gudbay sadexda xisbi Qaran ee manta jira KUMIYE, UCID,iyo WADDANI. Waxaana markaasi meesha ka baxay Xisbigii talada dalka hayey ee UDUB, iyada oo in muda ahba xildhibaanadii xisbigii UDUB aanay meelnaba ku biirin wallow todobaado ka hor ay qaar kamida xildhibaanadaasi ku kala biireen Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga mucaaradkaa ee WADDANI, waxaa aynu sida oo kale ka warqabnay in Xildhibaanadii xibiga mucaaradkaa ee UCID iyana ku biireen Xisbiga WADDANI, sidaa daraadeed Waxaa markaa halkaasi ka cad in aanay jirin isku dheelitir gudihoosaadka oo Xisbiyadu saami ka kala helaan waana ay cada hay in isku shaandhayn lagu samayn karo si ay dardar usii gasho xildhibaanada shaqadooda iyo hawsha ay qabanayaanba ee ay qarankan u hayaan .

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Md: cabdiraxmaan (Cirro) waa masuulka ugu sareeya Aqalka wakiilada waxaana uu awood buuxda uleeyahay sharciyanba inuu golahaasi uu isku shaandhayn ku samayn karo ,ahna mid loo baahnaa xiligan oo xildhibaanada wakhtigoodu sii dhamaanaayo.
Kadib markii uu gudoomiyahu magacaabay waxaa soo ifa-baxaayey hadal haynta gudi-hoosaadyadani oo markaasi muxaafidku u turjumanayeen in mucaaradku u badanaayo balse ay saamiyo isku mida haleeen wallow xisbiga talada hayaa u ubadan yahay hadana ay masayr iyo ka xumaan ka muujiyeen markii gudida joogtada ah gudoomiye loo doortay xilldhibaan Ibraahim mahdi Buubaa iyo xildhibaan Rayte oo isna loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha gudida joogtada ah , waxaana ay noqdeen labadan boos ee uu Xisbia WADDANI helay in si dacaayadayadaysan loogu dacaayadeeyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo layidhaahdo waxaa uu meeshii ku soo gurey mucaaradkii oo mucaaradku maanay ahayn xildhibaano ku jira wakiilada oo xaqna uleh inay hogaan ka noqdaan golaha.
Iyada oo arrimahaasi aynu kor kaga soo waranay oo dhamiba ay jiraan ayaa hadana xukuumadan asqaysan ee danta umadan liidata inay ka shaqayso ahayd waxaa ay hantidii umada ku bixinaysaa sidii labadaa boos looga takhalusi lahaa ilayn maska madaxaa laga dilaayee , waxaana cad in labada gudoomiye ku xigeen inay si cad oo badheedha ay uga soo horjeesteen goā€¯aankii gudoomiyahooda cabdiraxmaan cirro waxaana ay sheegeen in aanay gudidaasi waxba ka jirin oo muujinaysa ayaan darada haysata labadan masuul oo aan shaqadoodii garanayn waayo awooda magacawday gudiyadani waa ay kasaraysaa iyaga , inay awood iyo joojin isku dayaana ma dhici karto oo waa wax sharci ahaan u banaan gudoomiyaha baarlamaanku inuu isku shaandhayntan ku samaynkaro gudi hoosaadyadiisa , labadan gudoomiyahana aanay waxba badali Karin ilaa wax uu u igmado masuulka aqalka sharci dajinta ugu sareeyee ee Md cirro.
Waxaan hadal qoraalkaygan aan ku soo koobayaa dawlada Somaliland waxaa ay ka kooban tahay sadex qaabdhismeed oo muujinaaya in aanay midina mida kale aanay maamuli Karin oo mid waliba sidiisa uu isagu u madaxbanaan yahay hawlihiisa shaqo wana sidan Golaha fulinta,Golaha sharci dajinta, iyo Garsoorka . oo muujinaysa sida midba ka kale uga shaqa duwan yahay laakiin ay isku xidhan yihiin, sidaa daraadeedna ma aha in xukuumadu ku galgalato ama isku dawakhiso waxaan shaqadeeda ahayn oo shacbigana waa uu arkayaa in cashuurta laga urururiyo lagu bixiyo meelo aan dan u ahayn oo shacbiga aan waxba ka soo galayn faa iido ahaan .
qalinki
Qalinkii: Khadar Cabdi Xassan (Khadar Gureyte),khadar_gureyte@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured