Saleebaan Gaal ma waxa kala weynaaday khilaafka Madasha iyo xukumada Siilanyo khilaafka xis

0
Wednesday November 06, 2013 - 14:52:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saleebaan Gaal ma waxa kala weynaaday khilaafka Madasha iyo xukumada Siilanyo khilaafka xis

    Saleebaan Gaal ma waxa kala weynaaday khilaafka Madasha iyo xukumada Siilanyo khilaafka xisbiga kulmiye gudihiisa! muxuu ku kala jeclaystay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saleebaan Gaal ma waxa kala weynaaday khilaafka Madasha iyo xukumada Siilanyo khilaafka xisbiga kulmiye gudihiisa! muxuu ku kala jeclaystay? Tan iyo markii uu soo shaacbaxay khilaafka hadheeyay xisbiga talada dalka haya ayaa waxaa muuqday kala fogaansho soo wajahay xidhiidh siyaasadeed oo u dhaxeeyay labada reer ee ay kasoo kala jeedaan madaxweyne Siilanyo iyo Muuse Biixi kuwaas oo ay soo taxnayd ilaa iyo markuu bilaabmay xadhig jiidkii ka dhaxeeyay siyaasiyiintii SNM inuu dhaawacmo.
Is gaashaan buuraysigan siyaasadeed oo ay saldhig iyo aasaas u ahaayeen ragan maantana isku haya hogaaminta xisbiga kulmiye oo ay kamidka yihiin madaxweyne siilanyo, muuse biixi iyo saleebaan gaal oo isna kamid ahaa raga guntinta hore soo xidhay ayaa waxaa ku yimid xagal daac siyaasadeed ka dib markii loolan siyaasadeed oo dhinaca awooda xisbiga ahi ay dhex martay madaxweyne siilanyo iyo muse biixi kaas oo ka yimid kadib markii uu marlabaad damac siyaasadeed galay madaxweyne siilanyo inuu hogaanka xisbiga iyo musharxnimada xisbiga sii hayo,

Madaxweyne siilanyo ayaa hore ugu balan qaaday muuse biixi inuu ku wareejin doono hogaanka xisbiga haduu ku guulaysto tartanka kursiga uu hada ku fadhiyo nasiib daro rag damac kama soo dhamaado way u sii macaanaatay awooda dalka inuu sii hayo waxaanu ciyaaray shax siyaasadeed oo uu ku talo galay inuu wasiirkiisa maaliyada samaale ka dhigo gudoomiya xisbiga isaguna noqdo musharaxa xisbiga uga qayb gelaya doorashada lafilayo 2015 inay dalka ka qabsoonto waaba hadii siilanyo laga helo.
Hadaba duruuftan qalafsan ee la soo gudboonaatay xisbiga iyo kala qaynsanaanta siyaasadeed waxaa dhexda u xidhay gudoomiya guurtida saleebaan gaal oo ay u muuqatay in hadii muuse biixi xilka xisbiga laga qaado inay meesha ka baxayso gaashan buurtii ka dhaxaysay labada beelood ee ay ka soo kala jeedaan, khal khal siyaasadeedna uu la soo darsi doono xukuumada siilanyo ee talada haysa! halka saleebaan gaal aanu wax xil ah iska saarin khilaafka hore uga dhex qarxay siyaasiyiinta culus ee ay isla ahaayeen SNM ee ku bahoobay madasha wada tashiga iyo xukuumada siilanyo isaga oo ah gudoomiyaha guurtida oo shaqadiisu tahay inuu xal u raadiyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex curta bulshada Somaliland iyo dhinaca nabad gelyada waxaanu saleebaan gaal muujiyay inaanay huur badan ku hayan kala qaybsanaan siyaadeed oo dalka ku timaada laakiin uu heegan culus iyo ilaalo joogto ah ka hayo in xagal daac ku dhaco gaashaan buurta loo yaqaan jeegaanta isu boodada ah ee u dhaxaysa beeshiisa iyo beesha muuse biixi ka soo jeedo!,
Waxaa meesha ka muuqata in dalku dib ugu noqday nidaamkii awooda qabiilka wax lagu qaybsan jiray tan iyo intii madaxweyne siilanyo talada dalka qabtay gudoomiyaha guurtida saleebaan gaalna siyaasada noocaas ah uu kula shaqaynayo madaxweyne siilanyo! waana ta keentay in meesha ka baxdo habkii xisbiyada badan awooda loogu tartami jiray way jiraan xisbiyadii iyaga oo magac uyaal ah laakiin hada waxaa ka xoog badan habla qabiilka wax lagu raadsado waxaad arkaysaa marba beel TV yada taagan oo ka cabanaysa inaanay wax xil ah ka hayn xukuumada talada haysa halkii dadku kala taageeri lahaa xisbiyada mid mucaarada iyo mid muxaafada waana ta soo dedejisay inay siyaasiyiin miisaan dalka ku lihi ku midoobaan magaca madasha wada tashiga qaranka kuwaas oo saluugay siyaasada xisbiyada dalku siday u shaqayso.
Adan A.Nur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured